Somaliland Dhankeeda Ma Ka Hadhay Sheegashadii Gobolo Ka Mid Ah Itoobiya iyo Kenya? Cabdiraxmaan-cadami

0
622

cadaLaga soo bilaabo xoriyadii 1960, Soomaaliya waxay ku doodaysay in dawladihii gumaysigu Itoobiya iyo Kenya ku wareejiyeen qaybo ka mid ah gaygii Soomaalida, Jabuuti qudheeda in laga garoocay dhulka Soomaalida. In kasta oo charter-ka AU-du dhigayo in xuduudaha Africa loo dhaafo sidii isticmaarku kaga tagay, dawladihii Soomaaliya uma ay hogaansamin waxayna ku sii adkaysteen sheegashada in dhul kaga maqan yahay Itoobiya iyo Kenya. Muranka dhulku wuxuu horseeday inuu xumaado xidhiidhka Soomaaliya iyo wadamada la jaarka ah oo marmar badan sababay dagaalo iyo iska horimaadyo hakiyey horumarkii ay  samayn lahaayeen dalalka Geeska Africa, colaadaha mar kasta gobolka ka aloosna waxaa ka qayb ka ahaa dawlado shisheeye ah oo dhinacooda ka hurinayey.

Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya markii ay burburtay waxa ay u kala go'day laba dal oo kala ah Somaliland iyo Soomaaliya. Hadaba distoorka cusub ee Soomaaliya ma xusayo inay ka hadhay dhulkii ay u sheeganaysay Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, waxna lagama badelin astaamihii qaranka Soomaaliya ee u taagnaa shanta Soomaaliyeed oo calanku ka mid yahay; laakiin distoorka Somaliland qodobkiisa 2aad faqarada 2aad wuxuu tilmaamayaa sohdimaha dalku la leeyahay dalalka jaarka ah, isla markaa qodobka 10aad farqadiisa 5aad wuxuu qoraya in JSL ay ka go'antahay in colaadii raagtay ee dhex ooli jirtay dalalka Geeska Afrika lagu badalo isaf-garad iyo iskaashi si looga soo kabto dib u dhicii ku yimi sanado badan; hase yeeshee waxaa loo baahan yahay in Somaliland dhankeeda si rasmi ah u shaaciso in aanay Soomaaliya kala mid ahayn sheegashada gobolo ka tirsan wadamada jaarka ah iyada oo la ixtiraamayo qawaaninta caalamiga ah gaar ahaan Charter-kii AU-da ee 1963 dalalka Afrikaanku isku raacay.

Hadaba si walaaca dalalka gobolka iyo kala shakiga meesha looga saaro madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud waxaan u soo jeedinaya in uu digreeto ku soo saaro si toos ah u qeexaysa in Somaliland haba yaraatee wax dhul ah kaga maqanayn dalalka la dariska ah isaga oo taageeraya distoorka oo si dadban uga hadhay sheegashadii dhul ka baxsan maxmiyadii Ingiriiska iyo in ay Somaliland ka soo horjeedo in aan wadana ku xad gudbin wadan kale ama ku qaadin weeraro gardaro ah (Aggression) kadibna baarlamanka laga ansixiyo si uu u noqdo qaynuun rasmi ah oo dhamays tiran.

Madaxda Soomaaliya ma haystaan kalsoonida shacabka, waxayna u qaybsan yihiin kooxo la kala socda dawlado iyo xoogag ajanebi ah oo ku hirdamaya Soomaaliya sidaa awgeed lagama yaabo inay ku dhiiraadaan inay wax ka badalaan mawqifkii madaxdii hore ee Soomaaliya iyo baadi goobkii Soomaali-weyn; laakiin madaxweyne adigu waxaad haysata ra'yul caamka iyo taageerada dadkaaga sidaa daraadeed waxa lagaa filaya in aad mudnaanta siin doonto maslaxda dalka iyo rabitaanka umada.

Madaxweyne waxaan kuu rajaynaya in aad dalka ku hogaamiso siyaasad waaqici ah (pragmatic) oo madax banaan adiga oo aan u habranayn dawlado shisheeye ah oo aynaan waxba ku qabin laakiin iyagu kaa doonaya in Somaliland u fuliso danaha ay ka leeyihiin gobolka.

Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami@yahoo.com