Dawladda Somaliland Oo Shalay Ka Hadashay Xuduudka Itoobiya Ee Xidhan

0
632

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka ku xigeenka xidhiidhka gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland Jaamac Cabdillaahi Biin ee wasaarada arimaha gudaha somaliland ayaa ka hadlay xuduudka xidhan ee Somaliland iyo Itoobiya.

jaamac

Wasiir Biin, oo shalay saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inaanay Itoobiya xadka xidhin balse ay go’aansatay inaanay dalkeeda u gudbin baabuur aan lahayn numberka Itoobiya, waxaanu wasiir xigeenka oo arrintan shalay saxaafadda kala hadlay uu yidhi  “Itoobiya waxay u diidaysaa ma jirtee, Itoobiya shuruucdeedii gaarka ahayd ayuun bay fulisay, waayo haddii ay tidhi gaadhi aan number Itoobiyaan ah lahayni ma soo geli karo, dee may mamnuucin ee sharcigeedii ayuun bay fulisay, marna waa sharci, marna waa wax soo kordha, markaas wax alla wax dhibaato ah oo xagga Itoobiya inagaga yimid ma jiraan, shuruucdeeda ayay dabaqaan,  xuduudedana way ilaashataa, gawaadhideeda ilaashata, gawaadhida kalena ma gasho sidaasay Balidhigii ahayd, Duruqsi ahayd,. Laan mulaaxo ahayd, gawaadhida ay ku keenayaana ay ahaayeen gawaadhida Numberka Itoobiya leh. kuwa xagga soke ka soo qaadayaana kuwa Somaliland leh ayay ahaayeen, sidaas darteed wax ay Itoobiya joojisay ma jirto  haddiise ay tidhaahdo gaadhi aan number lahayni ma gudbayo qof waliba wadankiisa iyo nabadgelyada wadankiisa ayay masuuliyadi ka saarantahay, taasina waa xil ay leeyihiin xil ay leeyihiina ku eedayn mayno.”