Somaliland: Wax-barista & Kor u qaadidda Wacyiga Haweenku waa Hiigsiga Hay’adda Action Aid

0
537

???????????????????????????????Ceerigaabo (Geeska) – ‘Haddaad Wiil wax barto waxaad wax bartay Qoys kaliya, laakiin haddaad Gabadh wax barto waxaad wax bartay bulshada oo dhan’, hal-ku-dhiggaasi waxa uu ka mid yahay kuwa lagu dhiiri-geliyo Waxbarashada Haweenka, maadaama oo qoyska ay hooyadu tacliin leedahay ka horumarsan yahay ka Aabaha oo kaliya uu wax akhriyo, waxna qoro.

 

Haweenkeenka oo fursad loo siiyo Waxbarasho waxay horseedaysaa in wacyi-goodu isbeddelo isla-markaana hammigooda nololeed la dhararsado, sida ay aaminsan yihiin Haween reer Somaliland ah oo ka faa’ideystay Mashruuc hoos loogu dhigayo qoris iyo akhris la’aanta haweenka, dhaqaalahooda iyo wacyigooda siyaasadeedna kor loogu qaadayo isla-markaana lagu garab galayo kuwooda lagu tacadiyo.

 

Wax barista iyo kor u qaaddida wacyiga haweenku waa hiigsiga hay’adda Caalamiga ah ee (ACTION AID Somaliland) oo Mashruuca Xoojinta Haweenka Si Ay U Raadsadaan Xuquuqdooda ka wadda gobollada Maroodi-jeex, Sanaag iyo Togdheer ee Somaliland, iyada oo sii marinaysa Ururrada kala ah SCDO oo Xaruntiisu tahay Ceerigaabo iyo WAAPO oo Hargaysa iyo Burco ah.

 

 

Waxbarashada & kobcinta dhaqaalaha Haweenka

 

Mashruuca hay’addu ku horumarinayso qaybaha kala duwan ee haweenka Somaliland ayaa waxa ugu Muhiimsan in Haweenka aan waxna qorin waxna akhriyin loo abuuro jawi ay wax ku baran karaan iyada oo markaas lagugu tababarayo sidii ay u qori lahayeen una akhrin lahayeen. Sidoo kale waxaa dumarkan la baraa xirfadaha nadaafad ilaalinta, caafimaadka iyo wacyi galinta bulshada.

 

DSC00163Madaxa Mashruuca xoojinta haweenka si ay u raadsadaan xuquuqdooda ee ururka maxaliga ah ee SCDO Siciid Maxamed Cismaan, ayaa sheegaya in muddada mashruucani socday ay qallin-jabiyeen 1412 Haween ah oo la baray akhriska/qorista iyo Xisaabaadka isla-markaana 54 haween ahi ka qallin-jabiyeen Dawaarka, halka 54 kalena weli ku jiraan.

 

“Waxaanu samaysanay Isbahaysi haweenku leeyihiin, waxaanu isbaheysigaa ku bilownay 25 Haween ah imikana waxay marayaan 500. Shantaa boqol ee Haweenka ah qaybo badan oo ka mid ahi waxay Waxbarasho ka heleen hay’adda ActionAid” Sidaa waxa sheegtay Hodan Axmed Cali oo Macalimad ka ah dugsiga waxbarashada Haweenka ee Tawakal oo hoos taga ururka SCDO oo Mashruucan xoojinta haweenka kala shaqeeya hay’adda Action Aid.

Hodan waxay sheegtay in fursadaha Waxbarasho ee haweenku ka heleen Action Aid ay wax ka beddashay hab-nololeedkii Haweenku, “Isbaheysigii haweenku imika wuxuu isku qaybiyey ilaa 10 qaybood oo mid walba ka kooban yahay 30 xubnood, waxaanu mid walba gaarkiisa u samaysatay  oo uu dhistay nidaamkiisa maamul, sida xafiiska, Guddoomiye, ku xigeen, khasnaji iyo xisaabiye, iyaga oo haddana dhammaantood hoos taga Xafiis guud oo ay maamulaan 5 Xubnood. Markaa ka dib ayaa ilaa 220 oo ka mid ah haweenkii wax la baray dhigteen (Hagbad) iyada oo lacagta Akoon looga sameeyay Dahabshiil, waxaana bil walba qofkii uu bixinayey $ 5 dollar, waxay muddo laba sanadood ah ku ururiyeen lacag dhan $ 22,220 dollar. Dabadeedna waxa la isla gartay in lacagta min laba boqol loo siiyo haween dhan 104 haween ah si ay ugu shaqeystaan, iyaga oo bil walba soo celinaya $ 10 dollar” ayay tidhi, iyada oo sheegtay in nidaamkan haweenkii wax la baray dhaqaalaha ku abuuranayaan uu uga yimid hay’adda ActionAid oo ay ku camal faleen isla-markaana uu wax ka maamulo ururka SCDO.

 

Haweenka wax lagu baray Xarumaha uu maamulo ururka WAAPO oo Mashruucan kala shaqeynaya Action Aid, ayaa barashada qorista/akhriska iyo xirfadda Dawaarku wax ka beddeshay dhaqaalahooda, sida ay sheegayso Suhuur Cabdi Jaamac, waxayna tidhi “Haweenkaa hore markay Waxbarashadii dhamaysteen waxa loo qaybiyey 60 Makiinadaha Dawaarka ah wayna ku shaqeystaan oo dhaqaalahoodii kor buu u kacay. Haddaad waydiiso oo tidhaahdo maxaad ka faa’ideenna waxay ku odhanayaan waa wax aan shidaal u baahnayn oo aad dhaqaale uun kala soo baxayso”.

 

Xuquuqda Siyaasadda ee Haweenka

 

Dedaalka socdaa kuma eka oo kaliya Waxbarasho iyo xirfadaha laga qabta gacmaha sida Dawaarka, hasa-yeeshee markay ka gudbaan diilinta Madow ee akhris iyo qoris la’aanta waxa la siiyaa tababarro kor loogu qaadayo wacyi-gooda, sida ay mar kale sheegtay Hodan Axmed Cali oo u sharraxan doorashada Golaha wakiillada Somaliland ee qabsoomiddeeda loo muddeeyay sannadka 2017-ka, “Waxa la na siiyey tababarro ku saabsan xuquuqda Haweenka, waayo markii hore manaan aqoon  oo maanaan fahamsanayn xuquuqda aanu leenahay, laakiin SCDO oo ka wakiil ah Action Aid iyo BLF waxay na siiyeen tababaro is deba joog ah, kuwaas oo ay dumarku ku fahmeen xuquuqda ay leeyihiin”

 

Tababarradan, ayaa sidoo kale la siiyey masuuliyiinta Xisbiyada Qaranka ee sadexda gobol waxaana loogu faahfaahiyey doorka Haweenku ka qaadan karaan horumarka dalka haddii fursado la siiyo, “Waxaanu tababarro Hoggaaminta iyo Siyaasadda ah siinay 180 haween ah oo ka mid ah Isbaheysiga Haweenka, waayo Dumarku way codeeyaan doorashooyinka, laakiin lama doorto. Waxa kale oo uu aanu ku tababarey inay bulshada wacyi-galiyaan ilaa 270 hablaha Jaamacadaha ah, 300 oo dhallinyaro ahna waxaanu u qabanay dood ku saabsan fahamka xuquuqda haweenka” sidaa waxa mar kale sheegay Siciid Maxamed Cismaan oo ah Madaxa Mashruuca Xoojinta Dumarka si ay u Raadsadaan Xuquuqdooda ee SCDO oo Action Aid sii marisay.

 

Tababarradaas waxa ka soo baxay natiijo sida ay sheegtay Hodan Axmed Cali, “Markii aanu qaadanay tababarro ee aanu ogaanay in Haweenku waxna dooran karaan, lana dooran karo ayaanu han-siyaasadeed yeelanay oo waanigaa banka soo dhigay ee Musharraxadda ah” ayay tidhi Hodan oo ku niyadsan inay u tartamayso doorashada Golaha wakiillada Somaliland.

 

DSC00144Fikirkaa mid la mid ah waxa qabta Kawsar Ismaaciil Jaamac oo ah Guddoomiyaha ururka Haween waynaha Hormar oo ka dhisan Magaalada Burco, kana mid ah haween ka faa’ideystay Mashruuca Xoojinta Dumarka si ay u Raadsadaan Xuquuqdooda oo qayb ka mid ah hay’adda Action Aid sii marisay ururka WAAPO oo fadhigiisu yahay Burco “ilaa markii la aasaasay ururka Haweenka ee Hormar oo aan Guddoomiye ka ahay waxaan ka qayb-qaatay tababarro badan, sida Siyaasadda, kobcinta dhaqaalaha iyo tacadiga Haweenka, markaa imika hankaygu wuxuu gaadhay heer aan doorashada Golaha Wakiillada isku soo sharraxo, markaa aad baan ugu Mahad-naqayaa Action Aid iyo WAAPO” ayay tidhi, Kawsar Ismaaciil waxayna intaa raacisay, “Ururka Hormar waa isbaheysi ka kooban ilaa 400 haween ah, markaa heerkaa aad na gaadhsiiseen waad ku mahadsan tihiin, waayo hankayga waxa halkaa gaadhsiiyey aqoonta faraha badan ee lana siiyey”

 

Taageerada Haweenka lagu tacadiyo

 

Guulaha laga gaadhay horumarinta Haweenka ee dhanka Siyaasadda waxa ka garab socda tababarro la siiyo/siiyey booliska, culimada iyo Madax-dhaqameedka iyo garyaqaanno u dooda Haweenka la kulma tacadiyada, sida kufsiga, “Waxaanu ka shaqeynaa taageerada sharci ee Dumarka tacadiyada la kulmo sida kufsiga, markaanu soo ogaano qof Dumar ah oo la dhibaateeyay waxaanu ka xaqiijinaa saldhigyada booliska, waxaanu marina Xarumaha Caafimaadka si loo hubiyo inta ay leeg tahay dhibaatada dhibbanaha soo gaadhay, ka dibna waxaanu ka caawina in kiiskeedu gaadho Maxkamad awood u leh oo ka gar-naqda.” Sidaa waxa sheegtay Ifraax Jaamac Cabdi, oo SCDO kala shaqeysa taageerada dhanka Sharciga ee Haweenka la dhibaateeyo, waxayna intaa ku dartay, in hawsha ay hayso ay qayb ka yihiin ilaa afarta Arday/haween ah oo hore loo siiyey tababarro la xidhiidha siday Haweenka u caawin lahaayeen, “Mashruucu waxa uu tababarro u fididayay in ka badan 40 arday/dumar oo ku xidhan ururrada haween waynaha isla-markaana ka caawiya Dumarka dhibta la kulma amuuraha sharciga”

 

 Ifraax Jaamac Cabdi, oo sii hadlaysa ayaa tusaale u soo qaadatay mid ka mid ah kiisaska kufsiga ah ee ka dhacay Gobolka Sanaag ee ay gacanta ka geysteen waxayna tidhi, “Gabadh 14 jir ah oo lagu kufsaday Sanaag ayaa qoyskeedu ila soo hadleen waxayna igu yidhaahdeen waanu heshiinay Qoyskii kale oo Maxkamadda ayaa noo xukuntay xuquuq Madani oo 40 neef oo Adhi ah, laakiin, 40 neef lanama siinin. Waxaan ku idhi SCDO baan idiin geynayaa si aad u furutaan dacwad fulin ah oo cashuurta la idiinka bixiyo oo ay idiin fududeeyaan”

 

Madaxa Mashruucan ee SCDO Siciid Maxamed Cismaan, ayaa isaguna hadalka sharci-yaqaannada ku sii adkeeyay “Qofka Dumarka ah ee kufsigu ku dhaco waanu la talinaa, waxaana hablaha Sharci-yaqaannadu u raacaan Saldhigyada Booliska, Cisbitaallada illaa Maxkamadda si ay waddada Sharciga ugu hagaagto” ayuu yidhi,  waxaanu intaa raaciyey inay hawshaa barbar wadaan tababarro ku saabsan fahamka Xuquuqda haweenka.

Balse, Suhuur Cabdi Jaamac oo Madaxa Mashruucan ee WAAPO ah ayaa sheegaysa in Madax-dhaqameedku yihiin caqabadda koowaad ee hor taagan in Maxkamaduhu ka gar-naqaan kiisaska Dumarka lagu tacadiyo “Odayaasha dhaqanka ayaa dhibaato ku ah in Maxkamaduhu ka gar-naqaan tacadiyada Dumarka ku dhaca sida kufsiga, iyaga oo haddana aan odhan karo %60 way fahamsan yihiin in Xuquuqda Dumarka meel lagaga dhacayo”ayay tidhi, laakiin taa beddelkeeda Haweenka waxay fahmeen xuquuqdooda in ka badan inta Madax-dhaqameedku ogol yihiin, sida ay qabto Ifraax oo caawisa Haweenka la dhibaateeyo “Gobolka Sanaag oo ah gobolka ugu bariyeeya Somaliland waxaan odhan karaa %80 haweenku way fahmeen xuquuqdooda”

 

Aragtida Dawladda ee Mashruuca

 

Mashruucan ayaa dawladda Somaliland u aragtaa fursad mudan inay ka faa’ideystaan  Haweenku “Waanu u Mahad-naqeynaa hay’adda Action Aid, waayo waxay wax taraysaa Haweenkeenna oo ay jaahilnimada ka saareysaa, markaa  intaa oo Haween ah ee hay’addu wax baraysaa waad garan kartaa hadhow faa’idada ka soo noqonaysa, markaa waanu u Mahad-naqayaa” sidaa waxa sheegay isku-duwaha Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland ee gobolka Togdheer, Ismaaciil Xayir.

 

Faadumo Xaaji Xasan Axmed, oo ah isku-duwaha Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland ee Gobolka Sanaag ayaa iyaduna sheegtay, “Ururka SCDO waxa uu hayaa Mashaariic badan, laakiin ka wasaarad ahaan waxaanu kala shaqeynaa ka ka hadlaya Xuquuqda Haweenka, sida in Haweenka la baro Qorista/akhriska iyo xisaabaadka, Dawaarka, in lagu dhiiri-geliyo Haweenka ka qayb-galka siyaasadda si ay han u yeeshaan iyo in Dumarku helaan Caddaalad haddii xuquuqdooda lagu xad-gudbo” ayay tidhi, waxayna amaantay dedaalka Action Aid oo kaashanaysa ururrada bulshadu ugu jirto horumarinta Xoojinta Haweenka.