Xarunta Beder Oo Soo Gunaanaday Tababaro Muhiim Ah Oo Ay Qabatay

0
747

Hargeysa(Geeska)-Xarunta Beder ee Diraasaadka  Mustaqbalka & Talobixinta ayaa xalay ku soo gabogabeysay tabobarro muhiima oo ka socdey xarunteeda dhexe ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo ku kala saabsanaa Basic functions in Islamic Financial Institutions, Project Management skills iyo How to be a leader (Leadership).

Tabobarkan ciwaankiisu ahaa Basic functions un Islamic Financial Institutions  oo loo qabtey Shaqaalaha Salam Financial Services oo socdey muddo 5 Maalmood ah waxa soo jeediyay Sh.Cabdiqani Xuseen Maxamed oo ah Khabiir kutakhasusay Dhaqaalaha Islaamka, waxa lagu falanqeeyay tabobarkan  oo lagu tababaray shaqaalaha Salaam qodobo ay ka mid ahaayeen taariikhda iyo mabaadiida guud ee ay leeyihiin baanka islaamig aahi, adeegyada kala duwan ee ay fuliyaan baananku, hababka ay u maalgeliyaan mashraaciida kala duwan, ribada iyo halista adduun iyo aakhiraba. Tababarka ku saabsanaa sida hoggaamiye lagu noqdo ama hoggaaminta, ayaa waxa casharadiisa bixinayay Jaamac Maxamuud Cabdillaahi (Gaabuush) oo ah aqoonyahan ku takhasusay siyaasadda iyo maamulka, waxaana lagu falanqeeyay qodobo badan oo mawduucan khuseeya, waxaana dadka tababarka qaaday ka mid ahaa xubno ka socday shirkadda Dahab Shiil iyo xubno ka socday hay’adaha, iyo xubno ka socday saxaafadda iyo bahda waxbarashada. Tababarka saddexaad ee ku saabsanaa sida loo maamulo mashaariicda (Project management skills), ayaa waxa isna bixiyay Faarax Maxamed Xirsi oo ah aqoonyahan bartay maamulka iyo maaraynta, waxaana tababarkaas qaaday dad kala duwan oo ka socda qaybaha bulshada sida ganacstada, maamulayaasha iyo shaqaalaha shirkadaha iyo ardayda jaamacadaha dalka, waxaana lagu bartay duruus badan oo la xidhiidhay mawduucan, waxaana dadkii ka qayb galay tababaradaas la guddoonsiiyay shahaadooyinkii ay mutaysteen, waxaana xidhitaankii tababaradan hadalo ka jeediyay maamula Beder Sheekh Cabdiqani Xuseen Maxamed, maamule ku xigeenka Salam Sheekh Maxamed Ibrahim iyo xubno kale.