Guddiga Diwaangelinta Iyo Kormeerkoodii Shalay Ee Ururada Cududooda Muujiyey

0
701

Hargeysa(Geeska)-Guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda ayaa maalintii labaad shalay magaalada Hargeysa ka bilaabay qiimayna wejiga koowaad ee ansixinta urur siyaasadeedyada oo ah tirin madax taabasho ah oo lagu samaynayo taageerayaasha ururada oo laga doonayo kun qof.

Ururada siyaasadda ayaa shalay magaalada Hargeysa ku muujiyay cududooda si ay uga badbaadaan inay ku hadhaan wejiga koowaad, waxaanay ururadani sameeyeen dibad baxyo aad u balaadhan iyadoo guddiga diiwangelintuna booqatay xarumaha ururadaasi ay ku soo bandhigayeen taaageerayaashooda kunka qof ah ee laga doonayo, laakiin qaar ururada ka mid ah ayaa soo bandhigay cudud balaadhan oo aad uga badnayd kunkii qof ee ay guddiga diiwaangelintu shuruud ahaan ka doonayeen.

Guddoomiyaha guddiga diiwaangelinta Md. Cabdirisaaq Ciyaale, oo saxaafada la hadlay ayaa wuxuu yidhi Waxa aynu maraynaa maalintii labaad ee diiwangalinta kunka qof ee ururada ka diiwangashan iyo kunka qof ee madax taabshada ah hawshoodii aan ku jirnay, sidaad la socotana Booramaan ka soo bilawnay, maantana caasimada ayaan ka bilawanay,  shalay hawshu si kastaba haw dhacdee hawl bilaw ah bay ahayd, waayo aragnimo weyn ayaa laga helay, caasimada oo ka balaadhan oo ka hawl culus ayaa maanta la galay, markaa waxaan illaahay ku mahadinaynaa in ay hawshii ku dhamaatay sidii aan ugu talo galnay oo nabadgalyo ah, ururaduna ay muujiyeen diyaar garaw weyn.

Waxa ay halkan ku dheertahay Boorma oo arimaha sahlay oo fudueeyay ciidanka booliska, waxaan aad u amaanayanaa taliyaha ciidanka booliska ee hawsha galay Cabdilaahi Fadal oo sidii aan ku balanay hawshii u fuliyay, qaybta u badan ee nidaaminta iyo sugida amnigba waxa nagala qayb qaatay ciidanka boolisk, aad baan ugu mahad naqaynaa, waxaanan ka codsanaynaa magaaloooyinka noo hadhayna sidaas oo kale in ay hawsha u fuliyaan.

15 urur mid walba waxa laga doonayay kunka qof ee u diiwan gashan iyo kun qof oo uu soo tubo magaalada caasimada, oo dadkeedu uu badan yahay, marka laysku darana abaabul wanaagsanbay guud ahaan sameeyeen, laakiin marka aan lixda gobal dhamayno ayaan natiijada soo saari doonaa, maantase hawshan waxay ku dhamaatay si xarago ah, oo nidaamsan, oo sidii aan ugu talo galnay ah.”