Beelaha Saaxil Way Soo Dhaweenayaan Maalgashi

0
944

Dhawaan, fadhi ay qaateen odayaasha beel ka mid beelaha dega Saaxil (Dan iyo Duca) waxay muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan ruqsad la siiyey Dahasbhil group inay ku dhisaan warshad Sibidh, meel u dhaw warshaddii hore ee sibidhka, oo magaalada Berbera u jirta 15km.Beelaha Saaxil sabaha ay u diidan yihiin ruqasadan Dahabshil Group la siiyey waxaa ka mid ah: in dadka iyo madaxdooda degaanka ee la soo doortay, haba yaratee in aanan lagala tashin ruqsadda Dahabshil Group loo siiyey inuu warshad cusub dhiso. Iyadoo aan la tixgelin ama la darsin dhibaatada warshad ay ku yeelan karto degaanka, iyo caafimaadka dadweynaha iyo carrurrtoodaba.

Marka hore, intaan eedeyn Beelaha saaxil go’aanka ay kaga soo horjeesteen ruqsadda Dahabshiil Group la siiey ,waxa habboon, inaan marka hore diirada aan saaro ama is weydiiyo sida uu DahabShiil Group ay ku heleen ruqsaddan ? Ma hab sharci ah oo hufan oo la shaaciyey ayey u soo mareen ruqsadda —mise naas nuujin ayaa loo siiyey— oo hab musuqmaasuq ah.

Waxaan kaloo la soconaa in Dahabshil Group taakuleyn lacag ay siiyeen musharax silanyo xilligii doorashada madaxtinimada, xaq ayey u leeyihiin iney taageeri karaan ciday doonaan.

Waxa la leeyahay Dahabshil ruqsaddan uu heysto waxay ku salaysan amar madaxweyne (presidential decree) ama warqad oogolaansho oo ay soo saxiixeen wasiir ama wasiiro u shaqayn jiray Dahabshil Group, haddana ka mid ah maamulka Silanyo .Taas oo ay dad qaarkood u arki karaan in la naas nuujiyano Dahabshil Group.

Dahabshil Group iyaga oo aan wax qorshe, faahfaahin , ama wada tashi ku saabsan warshadda sibidh ula tegin reer saaxil iyo golihii deegaanka maamulayey Berbera, ayey ruqsad aan si sharci loo soo marin ayay ka soo qaateen maamulka Silanyo.Ka dibna , ayey is dhaheen, waxaad u baahan tihiin oo keliye waa warqaddan oogolaansho.

Waxaan shaki ku jirin in Somaliland ay aad ugu baahan tahay maalgashi, kobcin dhaqaale, hormuar, iyo shaqooyin loo abuuro dadka siiba dhallinyarada. Reer saaxilna wey soo dhaweenayaan qof ama shirkad kasto doonaysa inay maalgashato gobolka Saaxil. Laakiin, beelaha saaxil xaq ayey u leeyihiin iney ka ilaaliyaan degaankooda, shirkadaha hab aan sharciga waafaqsanayn ku doonayo iney ku bililiqeystaan kheyraadka gobolkeeda sida dhagaxda (limestone) , gypsum iyo macanadaha( silica , iron ore), ee laga sameeyo sibidhka.

Waxa kaloo hawshooda gabay golaha wakiilada oo ahayd hayadii sharci dejinta, loogana baahnaa in ay soo saarto sharciyada macdanta (mining laws) , warshadeynta, iyo badbaadinta degaanka.

Haddii Somaliland ay lahaan lahayd maxkamado madaxbannaan, beelaha saaxil way u dacwoon lahaayeen maxkamad sharci ah ee Berbera, si uu garsoore u garnaqo ama u dhagaysto dacwada u dhaxaysa Dahabshil Group iyo beelaha Saaxil, go’aaan ka soo saari lahaa.

Haba yaratee, haydaha garsoorka ee Somaliland waa curdin, arrinta ay isku haystaan labada dhinac ee warshadda Sibidhka, waxaa gacanta hadda ku haya Madaxweyne Silanyo, isagaa laga sugayaa goaankeeda.

Madaama markii horena maamulka Silanyo ruqsaddan siiyey Dahabshil Group, waxaa ku habboon in madaxweynaha uu igmado arrintan, guddi dhexdhexaad oo madax bannaan ah, oo ka kooban 9-11, ruux, aqoon iyo khibrad u leh—warshdeynta, macdanta, sharciyada maalgashiga iyo ilaalinta degaanka. Si ay uga soo tala bixiyaan habka ugu habboon ee loo dhiso karo warshad sibidh. Iyagoo eegaya, iney habboon tahay, in la sameeyo shirkadda sibidhka ee Somaliland (Somaliland cement corporation), oo noqon karta shirkad ay wada leeyihiin dadweynaha Somaliland— maadaama keyraadka dadku leeyihiin, oo dawladda ka wakiil tahay, iyo shirkado gaar loo leeyahay. Waxa kaloo guddiga ay ka soo talo bixinaysaa , in shirkad gooni loo leeyahay, oo awood lacageed , khibrad iyo teknoolijiyad u leh dhisadda warshad sibidh oo casri ah, deegaankana dhibaatooyin badan u geesan, ay qaadato hawsha dhisidda warshadda .

Reer saaxil wey ku sax yihiin iney diidaan in laga dhisi labo warshadood sibidh sameeya, masaafo isku jirta 15km2. Dalabka Sibidhka ee Somaliland ma qaadi karto labo warshadood. Tusaale ahaan, guud ahaan Somaliland/Somalia waxaa laga isticmaalay sibidh dhan 200,000 tonne sannadkii hore.Qiimahana lagu iibiyo sibidhka waa $90.00/ tonne, waxaana sibidhka lagu raraa $20.00/tonne, Berbera iyo hargeysa, oo ah masaafo ah 180km.

Arrinta sibidhka ma aha beel Saaxil deggan oo diidan ama xaasidaya maalgashiga Dahabshiil Group oo ah shirkad dad muwaadiniin Somaliland ay leeyihiin, mana aha arrin beel ku salaysan.

Waxa hagaagsan , in dahabshil group ay joojiso xayeysiiska iyo brobogaanka ay ka faafinayso Tv yada Somaliland, iyadoo isticmaamaysa odayaal, haween iyo carruurba.Warbaahintana masuuliyad ayaa ka saaraan iney xakameeyaan, waxyaabaha keeni kara isfahaham la’aan , ama kala fogeyn kara labada dhinac.

Waxaan kaloo kula talin lahaa Dahabshil Group iney xooga saaraan lafdhabarta ganacisgooda ee canshuurta laga qaadin—-xawaaladaha iyo isgaadhsiinta;dhammeystiraan daarta shanta dabaq ee qabiyada ka ah, ee laga dhisay xaruntii hore Ciidanka waddoyinka Somaliland; xaqdhawraanna mudnaanta dadka ree Somaliland , gaar ahaan reer Saaxil, oo ka dhigay waxa shirkada Dahabshiil ay maanta tahay ;farahana kala baxaan kheyraadka ka dhaxeeya reer Somaliland.

Dahabshiil Group haddii ay dhab ka tahay iney dhisaan warshad Sibidh, marka hore waa iney u soo bandhigaan una sharxaan dadweynaha Somaliland, hortagaan gaar ahaan reer Saaxil, kana qanciyaan su’aalahan soo socda: sababta uu maamulka Silanyo u siiyey ruqsada? Qorshaha iyo habkey u fulin doonaan dhismaha warshadda.imisa ayey ku kacaysaa warshadda ? Raasamaalkooda (equity) intee leeg ayey geliyaan warshadda?Intee tonne oo sibidh ah iyo tiyadiisa ayey soo saari doontaa sannadkii warshadda?Tirada guud ee shaqo la abuuriyo?Kheyraadka sida dhagaxda (Limestone), macdanaha — gypsum, silica iyo iron ore laga sameeyo sibidhka, buuraha laga qodayo fasax ma u haystaan?

Waan ognahay Dahabshil Group ineysan lahayn khibrad warshad lagu dhiso, marka yey kala kaashanayaan dhismaha warshadda ?Dhulka ay ka dhisayaan warshadda ogolaansho ma ka haystaan golaha degaanka ee Berbera ? warshadda ay ka dhisayaan sidee ay u waxyeeli kartaa degaanka?Waa maxay qorshaha Dahabshiil Group , haddi ay dhacdo khasaare degaan (environmental disaster). Ma habboon tahay in warshadda sibidhka laga dhiso meel u jirta 15km oo keliya xarunta dhaqaale ee Somaliland—dekedda Berbera, oo ay ku nool yihiin dad fara badan?

Haddii Dahabshiil Group Suaalahan iyo kuwa kaloo ay dadku ay isweydiinayaan si toos uga jawaaban, waxa habboon in la tixgeliyo arjigooda, ka dib marka ay ka noqdaan ruqsad aan si hufan oo cad ku soo bixin, ayna bixiyenn wasiiro u shaqayn jiray Dahabshil Group.

Somaliland waxay leedahay kheyraad fara badan oo laga soo saari karo Portland Sibidh oo tayo wannagsan leh.Madaxweynaha dalka masuuliyad ayaa ka saaraan inuu danaha dadka saboolka ee reer Somaliland uu ka horumariyo tan gaar ahaneed ee 1% naga mid ah, hunguri dartiis doonaya iney wax walba ilo dhaqaale ah ay iyagu gacanta ku dhigaan.

Hoggaamiyaha Somaliland maanta siyaasadaha uu qaato ee ku saabsan habka loo maamulayo ama looga faadidaysnayo kheyraadka waddeenkeena waa mid Somaliland ku horumari karto, nolosha dadkeedana wax ka debdeli karta, ama u horseedi karta isqabqabsi iyo dib u dhac iyo sabolnimo aad u xun.

Ugu dambeyntii, Waxaan rajeynayaa in madaxweynaha arrintan sibidhka aanu ku deg degin kana fiirsado. Aniga waxaan rumaysan in kheyraadka Somaliland loo isticmaalo oo keliya sida hab nololeedka reer Somaliland loogu horumarin lahaa. Sidaa darted, Waxaan habbon inuu madaxweynaha go’aan adag qaato, abuurana Somaliland Cement corporation , oo hawsheeda iyo ujeedadeedu ay tahay horumarinta, warshadeynta iyo suuq geynta sibidhka Somaliland.

*Allah bless Somaliland*

“Long live Somaliland”

 

Ali Mohamed

Co-founder, Growth and development club of Somaliland

Lewis Center, Ohio

aliadm@aol.com