Xarunta Beder Oo Soo Gabo Gabaysay Tababar Afar Maalmood U Socday 28 Aqoonyahan

0
442

 

Hargeysa(Geeska)-Machadka Beder ee  cilmi baadhista iyo horumarinta (beder institute for Research and Development-BIRD) oo qayb ka ah Xarunta beder ee diraasaadka mustaqbalka iyo talo bixinta ayaa  soo gabogabeeyey tababar uu u qabtay ilaa 28 aqoonyahan oo ka socday qaybaha waxbarasho ee

Somaliland, wasaaradda waxbarashada jaamacadaha, iskuulada iyo xubno kale oo daneynayey  waxbarashada iyo hormoodnimada maamul.

Tabobarkan oo loogu magac darey “administrative Innovation and leadership educational  supervison”, ujeedada aqoon iswaydaarsigan oo ahayd sidii loo tayeyn lahaa waxbarashada, loona  toosin lahaa tarbiyadda da’yarta, korna loogu qaadi lahaa xirfadda iyo aqoonta maamul ee hawl  wadeenada waxbarashada, ayaa ka socday Hotelka SABA ee magaaladda Hargeysa afar maalmood, iyadoo habeen hore lagu soo gabogabeeyey,  halkaasna, shahaadooyinna lagu  gudoo siiyey ka soo qayb galayaashii.   Habka loo agaasimay aqoon iswaydaarsigan ayaa ahaa mid si fiican looga baaraan degay, isagoo ka

koobnaan laba qaybood oo kala ah: 

1- Lectures ay soo jeedinayeen aqoonyahanno khibraddo xeer dheeraad ah u leh arimaha laga

hadlayey, kana socdey xarumo waxbarasho oo caalami ah, kuwaasoo ka kala jira wadama

Imaraaraadka carabta iyo dalka UK, iyo weliba xubno ka tirsan bahda waxbarashada ee

Somaliland.

2- Dood wadaag ay yeelanayeen tabobartayaashu iyo hawlwadareedyo qiimo badan oo halkaas

ka dhacay.

 Aqoon is waydaarsigan oo ay ka soo qaybgalayaashii si wayn u bogaadiyeen waxa la filayaa inuu ku  soo kordhiyo aragti iyo fikrad wax ku ool ah oo waxwayn ka badali kara hanaanka maamul ee waxbarashada dalka iyo hab maamulka hay’adaha ku hawlan.

Gebagebadiina aqoon iswaydaarsiga waxa la gudoon siiyey ka soo qaybgalayaashii shahaadooyin.   Maaha markii ugu horeysay ee Xarunta Beder ay tababaro noocan oo kale ah bixiso, balse waxay  xaruntu tababaro noocan oo kale ah hore u siisay maamuladda wababarasho, macalimiin iyo weliba  wasaaradda waxbarashada ee somaliland.   Dhinaca kale xaruntu waxa ay qabataa adeegyo kala duwan, iyadoo hore u soo qabatay tabobaro aad  iyo tiro badan, barnaamijyo waxbarasho, cilmi baadhis iyo weliba talo bixin, kuwaasoo ay kaga qayb  qaadanayso horumarinta iyo tayeyna arimaha bulshada qaybaheeda kala duwan.