Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Wakiilka Denmark Ay U Soo Diratay Dalka Somaliland

0
494

safariirHargaysa( Geeska )- Waxa shalay si rasim ah u soo gaadhay magaalada caasimada ah ee Hargaysa wakiilka dalka Denmark u fadhiyi doona Somaliland Mr. Soren Skou Rasmussen.

 

Wakiilkan dalka Denmark uu u soo diray Somaliland ayaa noqonaaya  wakiilkii ugu horeeyay ee dal kamid ah qaarada Yurub uu si rasmiya ugu soo diro in uu u fadhiisto Somaliland tan iyo intii ay la soo noqotay madaxbanaanideeda.

Wasiirka arimaha dibada Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo wakiilkan Dermark u fadhiyi doona Somaliland ku qaabilay xarunta wasaarada arimaha dibada, oo warbaahinta u waramaay ayaa si diiran u soo dhaweeyay wakiilkan, waxaanu sheegay  wasiirku In wakiil u fadhiyi doona dawlada Ingiriiska Somaliland  isna xafiiskiisii lagu wado qalabaynta, isla markaasna wakhtigan cilaaqaadka ay Somaliland la leedahay dunida inteeda kale uu yahay mid wanaagsan.

Mr. Soren Skou Rasmussen oo ah wakiilka dalka Denmark uu u soo diray Somaliland ayaan isagu warbaahinta la hadlin, waxaana la filayaa inuu dhawaan warbaahinta xafiiskiisa kula hadli doono.