Yuusuf Garaad Oo Iska Casilay Xilka Madaxa Laanta Afka Somaliga Ee BBC

0
594

garadLondon(Geeska)-Yuusuf Garaad Cumar, oo ahaa madaxa laanta Afka Somaliga ee BBC-da ayaa si rasmi ah iskaga casilay xilkii uu ka hayay idaacadaas.

Yuusuf Garaad, wuxuu sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu xalay niskii dambe soo dhigay bogagiisa Facebook iyo twitter, waxaanu yidhi “20 sano ka dib, waxaan maanta [shalay] ka ruqseystay BBC World Service oon u ahaa Madaxa Laanta Soomaaliga.”, waxaanu intaas raaciyay “Waxaan tegeyaa dalkeyga hooyo si aan uga qeyb qaato xasilintiisa iyo dib u dhiskiisa. Allow noo sahal.”

Yuusuf Garaad, oo muddo dheer soo ahaa madaxda laanta Afka Somaliga ee BBC, ayaa waxa ay dad badani aaminsanyihiin inuu imika u wareegayo dhinaca siyaasadda, waxaanay is casilaadiisu ku soo beegantay wakhti la filayo inay Muqdisho ku qabsoonto doorashada madaxtinimada Somaliya, ka dib marka la doorto Baarlamaanka cusub.

Yuusuf Garaad, ayay dad badani ku eedeeyaan in mudadii uu madaxa Idaacadda ahaa uu ka dhigay xarun u adeegta siyaasadiisa iyo aragtiyihiisa shakhsiyeed, halka ay kuwo kalena ku ammaanaan inuu horumar gaadhsiiyay laanta Afka Somaliga.