Xarago Iyo Xishood!!Qoraa:-Cumar Seerbiya

45
794

seerbiya Hubqaadka fiicani waa hankiisa, inta badan waxa uu qiimeeyaa dharkiisa isaga oo markaasi ka fuudh-yeella hantiisa dhaqaale , inta badan waxa uu niyadda ku hayaa sideed u soo iibsataa wax cusub, mana jecla in uu hal todobaad wada xidho shay isku mid ah, waanu isku dayaa in uu raadiyo dharka markaasi soo jiita ee uu ku arko faciisa , isaga oo ku darsada raadinta mid ka sii qurxoon.

 Xaragadu waa shay diinteena suubani inagu boorisay waxaana ku soo arooray Xadiis raashuul (NNKH) oo odhanaayey “ Ilaahay waa qurxoonyahay, Quruxdana waa jecelyahay “ , waxaase ka reeban ka bad-badinta oo iyadu soo galaysa waxa loo yaqaano Israafka , iyana waxa inaga mamnuucay aayad qur'aan oo leh “ Ilaahay ma jecla kuwa wax israafiya “. marka la isku keeno waxay iskugu biyo shubanaysaa odhaaha odhanaysa “ Arrimaha waxa  ugu khayr badan teeda dhexe”. Xaragadu halka ay ka gaadhay waxa uu yeeshay la taliyayaal dhanka dharka iyo huga ah kuwaasi oo uu ku qanco soo jeedintooda ku saabsan xidhashada dharkiisa , lamana kala yaqaano dharkiisa kii uu shalay xidhnaa iyo kan uu maanta ku labisanyahay, waa nin boodhka iyo habaas ka ilaasha kabihiisa isaga oo markaasi ka warhayn badan siiya ilaalintooda .

 Indhihiisu kor ma eegaan inta badana dharkiisa uma fiirsado marka uu maraayo meel ay bulshadu wada wadaagto isaga oo markaas ka fogaanaya in ay dadku soo eegaan una fiirsadaan ku mashquulistiisa dharka uu markaasi xidhanyahay marka uu soo labisto waxay u tahay waqti uu aad ugu qanacsanyaha waxii uu markaas ugu talo galay in uu xidho balse suu niyadiisu tii hore maaha markaas uu soo gaadho goob ay bulshado ku badantahay, waxaanu markaas yahay ka ugu xaragada iyo xishood ka badan balse xishoodkiisu waa ka sareeyaa xaragadiisa isaga oo ah mid aad u hiifaya qorshihii uu markaas waqti ka hore uu dharkan ku soo xirtay.

 Taasna waxa kaga sii daran marka uu qof kale ku yidhaahdo maanta dhar bilicsan ayaad xidhantahay taasi oo uu u arko mid indhaha dadka ku soo jeedinaaya , lamana fahmo xaragada iyo xishoodka ka xoog badan . Haddii aad su'aasho sababta uu labadan u kala reebi waayey , waxa uu daliishanayaa in ay jiraan dad ka xarago badan kana xishood badan isagase kama aha kalsooni yari ka haysata dhanka bulshada .

Comments are closed.