Xaquuqda Maxbuuska:- Huda Cali Banfas Qaybtii Labaad

0
959

hudanMarka ugu horeysa ee qof lasoo xidho , halka ugu horeysa ee la keenaa waa saldhigyadda booliska, halkaas oo lagu hayo qofka intaan loo gudbin maxkamad. Haddaba waxaa dhacda in maxbuuska lasoo xidhay lagu xareeyo qol(edeg)ay hore ugu sii jireen maxaabiis kale oo u xidhan kiisas kala duwan, kuwaas oo aan loo kala saareyn culeyska dambiyadda ay galeen, balse isku meel kaliya lagu wadda hayo. Qololkan ama edegyaddan waa kuwo aan heerka nadaafadoodu fiicnayn , oo ay ku jiraan tiro ka badan intii loogu tallo galay, arrintan oo keeni karta saameyn caafimaad darro oo ka dhalata dadka kala duwan ee goobtan aan nadaafadda fiicnayn laysugu geeyay. Waxaa dhacda in qofka maxbuuska ah lagu hayo goobahan muddo ilaa ayaamo ah, ama mararka qaarkood ay ciidanka baadhistiisa hayaa maxkamadda kasoo qaataan ogolaansho muddo kordhin ku saabsan baadhista. Maxbuuska marka la keeno maxkamadda sharciga ah ee awood u leh qaadista dacwada ka dhanka ah waxa uu yeelanayaa xuquuqo kuwaas oo ka mid yihiin:

Maxkamadda qaadaysa garta labadda dhinac waa inay noqoto mid caadil ah, oo aan u kala eexan labadda dhinac ee is-haya .

Waa in labada dhinac ba helaan fursaddo isku mid ah oo mid kastaa ku muujiyo doodiisa

Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu qabsaddo qareen difaaca oo matala isaga/iyadda inta ay socoto dacwaddu, haddii aanu qabsan kari qareen u dooda , waxa uu xaqq u yeelanayaa in loo qabto qareen u dooda eedaysanaha mar haddii aanu awoodin inuu iska bixiyo

Maxbuusku haddii uu yahay mid ajaanib ah, oo aan garanayn luuqadda ,waxa uu xaqq u yeelanayaa in uu helo turjumaan si uu u fahmo hab u socodka dacwadiisa.

Tusaale ahaan haddii eedaysane maxbuus ahaa ay maxkamaddu ku hesho eedii ka dhanka ahayd , oo ay ku riddo ciqaabta uu mutaysto, haddaba maxbuuskaasi waxa uu noqonayaa dambiile , laakiin taas macnaheedu maaha in ay meesha ka baxayaan xuquuqihii marka loo gudbiyo xabsiga waxa uu yeelanayaa xuquuqo kale oo ku lamaan noloshiisa xabsiga dhexdiisa.

Maxbuuskan inta uu joogo xabsiga waxa ka mid ah xuquuqahiisa sida ku cad xeerka xabsiyadda iyo baaqyadda xuquuqda aadamaha:

In aan loo geysan jidhdil, ciqaab, iyo sharaf ka dil

Waa in lagu xidho edeg ama qol nadiif ah , inuu heli karo hawo iyo iftiin

In cunto ku filan la siiyo

Inuu helo fursad uu ku nadiifiyo jidhkiisa iyo dharkiisa

Inuu helo fursad waxbarasho oo lagu baraayo kolba heerka ay waxbarashiisii hore ahayd , ama xirfaddo uu ku shaqaysan karo hadhow markuu dhamaysto xukunkiisa.

Qofka maxbuuska ah sababta jeelka loo keenay maaha in laga aargoosto ee waa in la dareensiiyo inuu geystay faldambiyeed mudan ciqaab , laakiin ciqaabtani aanay jidaynayn in qofkan si xun loola dhaqmo ,balse kaliya uu qaadanaayo waajib sharci loogu soo xukumay . maxbuuska waxaa la rabbaa in lagu sameeyo dhaqan celin, la doonaayo in laga bedalo dhaqankiisii hore ee cunfiga ahaa, oo loo tababaro in qof markuu soo baxo aanuu ka aargoosan bulshadda ee noqdo mid la jaan qaadi kara oo si nabad ah ugu dhex noolaan karo , ku shaqaysan kara xirafadihii uu xabsiga kasoo bartay, nolol na samaysan kara markuu soo baxo.

Haddaba waxaa loo baahan yahay laga bilaabo saldhigyadda , xeer-ilaalinta, maxkamadda, ilaa xabsiga inta uu maraayo maxbuusku loo dhowro xuquuqihiisaa , oo aan lagu tacadiyin.

hudacali@hotmail.com