Ma Jirto Meel Ay Muuse Dhariyo Ku Tidhi Isaaq baanu La Dagaalameynaa Soomaaliweyna Waanu Tageynaa”

3
1184

Picture4Ugu Horeyn waxaan xaal iyo xushmad halkan ka huwinayaa dhamaan inta ku aftirsata magaca saldana ee reer somalilad iyo shicibkooda, Anigoo aad iyo aad ugu damqanaya hadal fool xumo weyn iyo fidno huwan oo ka soo yeedhay nin yidhi waxaan ahey sudlaan. waxaan leeyahay shacabka, xukumada, salaadiinta, iyo dhamaan bulshada gabooye ka raali ahaada waxa ka soo jeedhay wadaadkaas sidoo kalena waxaan halkan dar daaran adag uga soo jeedinayaa dhamaan saxaafada somaliland oo aan leeyahay iska fiiriya cida aad wax ka qoreysaan iyo waxa aad ka tabineysaa.

Aniga oo kamid ah Salaadiinta beesha muuse dhariyo ee ka tirsan beelaha gabooye ugu horeyn garan maayo meel beesha cuqaasheeda iyo salaadintuba ku shireen oo ay yidhaahdeen Isaaq aanu kula dagaalanno Somaliweyna anu tagno ka waxas yidhina isaga ayaa looga fadhiyaa cadeynteeda waxaanan farayaa xukumada iyo waaxaha amniga in ninkaas la horkeeno Maxkmad sharci ah maadaama oo uu ku xadgudbay milgihii saladaneed iyo maqaamkeediba.

Beesha Muuse dhariyo waa beel kamid ah beelaha gabooye kuwaado ugu qiimaha badan, waa beel sharaf leh, waa beel waxgarad iyo waayeel leh, maah beel magaceeda iyo masiirkeeda qof qeyral masuulnimo ka muuqato isaga hadli karo.

markaan u imaado dhanka saamiqeybisa siyaasada wadanka waanu ka madhannahay oo lama dafriri karo, Xaquuq badan oo siyaasi ahi way naga maqan tahay, balse xigmad iyo xilkasnimo ayaanu ku raadsaneynaa wixii aanu tabaneyno ee dagaal iyo dadka oo la isku diro ku heli mayno ayaan qabaa suldaan ahaan,

Dhicina mayso in la idhaahdo Gabooye ayaa Qaranimada Somaliland xasad ku ah, Dawladanimada dalka iyo jiritaankisab waanu taageersannahay waanu, Qaranimada Somaliland waanu ku qanacsanahay balse hoos hanaloo eego, dagaal aanu galno waxaa ka xun cuqubadayada oo qaraxda.

waxaanu nahay dad farsamo yaqaano ah oo dalka ugu jira kaalin muuqta, waxanu kamid nahay bulshada somaliland. waxaanu tirsanaa takoor iyo hab dhaqan xun oo dhanka guurka ah oo nagaga imaada bulshada somaliland, waxaanu ka madhannahay siyaasada somaliland haddii ay tahay Goolaha Wasiirada, Agaasimayaasha, Isu duwayaasha gobolada, saraakiisha kale ee haaydaa dawlada Marka laga reebo Mudane, Liban ismacil oo nugu jira Komishanka Xuququl Inskanka oo ah nin fir fircoon oo wax badan u qabta umada, Lataliyaha Madaxweynaha Barkhad Jama oo isna ah Xubin aad uga cad cad somalland oo aanu ku faano, Xildhaan jirde oo isna noogu jira goolaha guurtida oo sna ah masuul aanu ku qanacsanahay, balse xubinta cadaalada ee hadda laga hadlayo waxay khuseysaa Goolaha Barlamaanka Somalilad iyo Xukumada, iyagaan xaq u leh sida ay ka yeelaan laakin anagana waxaa nala gudboon inaanu xubintayadii soo badalano haddii ay shaqadeedii gudan kari weydo ama wakhtigeedii ka dhamaaday.

waxaan Madaxda Barlamanka ka cosanayaa iney hoos u eegaan baahiyaha bulshadayada oo aad ugu madhana muuqalka siyaasadeed ee wadanka, Anigu idinku odhan maayo qabyaaladeystayaal ayaad tihiin laakin madaxdii wadanka ayaad tihiin ee cadaalada ilaliyo waana odhaahda ay idin odhan madax dhaqameed ee meeha mid qabiil.

ugu danebyntii waxaan leeyahay bulshada somaliland waanu idinla dhalaney waanu ka xunahay khaladkaas la idinkula kacay ka raali ahaadaa, somalilandna waxanu leeyahay in xun iyo in sanba waanu leenahay ee xaal qaata, mana jirto meel muuse dhariyo ku tashaday oo uu ku idhi isaaq ayaanu la dagaalameynaa somaliweyna waanu tagenaa

Suldaan Maxamed Muuse Nuur Abu sufyaan.

 

Comments are closed.