Nuxurka Afar Waraaqood Oo Ay Isweydaarsadeen Guddoomiye Cirro, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Iyo Baashe & Cali Oo Isku Dhinac

7
1026

Picture9Hargeysa (Geeska) –Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu halkan akhristayaashiisa ugu soo gudbinayaa afar waraaqood oo ay isweydaarsadeen guddoomiyaha golaha wakiilada, guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo labada ku xigeen ee shirguddoonka golaha wakiilada.

Waraaqahan ayaa la isweydaarsaday ka dib markii uu muran ka dhashay isku shaandhayntii uu guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro ku sameeyay guddi hoosaayada, taas oo ay ku gacan saydheen labadiisa ku xigeen Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed.

Baashe iyo Cali Yuusuf ayaa maxkamadda sare u gudbiyay dacwad ka dhan ah guddoomiyahooda taas oo ku taariikhaysan, 21/12/13,  “Annaga oo ah dacwadoodayaasha kor ku xusan (Guddoomiye ku xigeenka 1-aad  Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad, Cali Yuusuf Axmed) isla-markaana cuskanayna qodobka 15-aad ee xeerka nidaamka Garsoorka Somaliland ee awoodaha Maxkamadda dastuuriga ah, waxaanu Maxkamadda sharafta leh halkan ugu soo gudbinaynaa dacwadda ujeedada sare ku tilmaaman [dacwad ku liddi ah isku shaandhayntii guddiyada golaha wakiilada].”

Ka dib markii ay labada xildhibeen tiriyeen qodobo ay sheegeen in guddoomiyahoodu jebiyay, waxay maxkamadda sare ka codsadeen, inay buriso go’aanka guddoomiyaha golaha wakiilada ee isku shaandhaynta, in la laalo go’aanka guddoomiyaha golaha wakiilada ilaa inta ay maxkamadu go’aan kama dambaysa ka soo saarayso.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa codsiga labada xildhibaan ka dib, wuxuu warqad u gudbiyay guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), taas oo iyaduna ku taariikhaysnayd 21/12/13 waxaanu isagoo u sheegaya dacwadda loo haysto uu yidhi, “Waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa nuqul ka mid ah dacwada ay noo soo gudbiyeen labada shirguddoon xigeen [Bashe iyo Cali] kaas oo ka dhan ah go’aanka isku shaandhaynta guddiyada golaha wakiilada ee sumadiisu tahay sidan GW/G/04/152/2013 kuna taariikhaysan 6/11/2013, sidas darteed waxa lagu farayaa inaad sida ugu dhaqsaha badan uga soo jawaab celisaan nuqulka dacwadaas si ay maxkamadda distooriga ah ugu suurtogasho inay qabato fadhi soona saarto go’aan kama dambaysa.”

Sidaas oo kale isla maalintaas guddoomiyaha Maxkamadda sare wuxuu hakiyay go’aanka isku shaandhaynta, waxaana qoraal kale oo uu u diray guddoomiye cirro uu ku yidhi, ,   “Maxkamadda sare ee Jamhuuriaydda Somaliland islamarkaana ah maxkamadda distooriga ah ee JSL, markay aragtay qodobka 15aad ee xeerka nidaamka garsoorka ee qeexaya awoodaha maxkamadda distooriga ah, markay aragtay arjjiga dacwadda ee ku taariikhaysan 19/12/2013 ee ay ujeedadiisu tahay dacwad lid ku ah go’aanka ujeedada sare ku sheegan, ee isku shaandhaynta guddiyada golaha wakiilada ee ay maxkamadda u soo gudbiyeen labada ku xigeen ee shirguddoonka golaha wakiilada (Baashe iyo Cali), Maxkamadda Dastuuriga ah iyadoo Tixgalinaysa danta guud ee cadaaladda iyo habka garnaqista dacwadaha, waxay hakisay ku dhaqanka go’aan (Isku shaandheynta Guddi Hoosaadyada Golaha Wakiilada), ilaa inta Maxkamadda dastuuriga ahi ka soo saareyso go’aan kama dambays ah dacwadda lidka ku ah go’aankaas ee ay soo gudbiyeen labada ku xigeen, Jawaab Celina keenayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee ay sharciyadda go’aanka sare isku maandhaafsan yihiin labada ku xigeen ee shir-guddoonka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa qoraalka Guddoomiyaha Maxkamadda sare u gudbiyey la taliyaha sharci ee Golaha Wakiilada, kaasi oo naaqishaad ka dib jawaab sharci ah ka bixiyay qoraalka Maxkamadda sare doonaysay inay ku hakiso isku shaandheynta guddiyada golaha Wakiilada, taladaasi oo Guddoomiye Cirro-na u sii gudbiyey Maxkamadda sare, waxaanu la taliyaha sharcigu taladiisa ku yidhi “Go’aankan ay soo saartay Maxkamada Dastuuriga ah ee tixraaciisu yahay MS/GMS/G-7/281/2013 ee ku taariikhaysan 21/12/2013ku uu kuna saxeexnaa Guddoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Ismaacil Cali iyo 4 Xubnood Garsoorayaal Maxkamada Sare ka tirsan wuxuu KHILAAFSAN YAHAY Qodobka 38aad ee Dastuurka oo odhanaya “Awoodda Xeer-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay gaar ku tahay Baarlamaanka oo ka kooban laba Gole oo kala ah Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida. xilka xeer-dejintu uma  wareegi karo cid ka baxsan Baarlamaanka.”

Go’aankan ay soo saartay Maxkamada Dastuuriga ah ee tixraaciisu yahay MS/GMS/G-7/281/2013 wuxuu si cad u baalmaray SHARCINIMADA XEER-HOOSAADKA Golaha ulana dhaqmay xeer aan Jirin. Xeerhoosaadku wuxuu ka soo dheegmay Qodobka 46 aadFaqradiisa 3aad ee dastuurka oo si cad u jidaynaysay Xeer-Hoosaadka Golaha Wakiiladauna dhigan sidan:

“Kalfadhiga ugu horeeya waxa golaha wakiiladu ku ansixinayaa Xeer-hoosaadkiisawaxaanu ku dhisanayaa Gudi Hoosaadyo inta uu u baahdo” wixii muran ah ee ka soo dhex baxa golaha waxa lagu maamulayaa xeerhoosaadkiisa.

Adeegsiga Qodobka 15aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorku (Lr 34/2003) u adeegsatayMaxkamada Dastuuriga ahi Go’aankan tixraaciisu yahay MS/GMS/G-7/281/2013 wuxuu ahaa mid khaldan waxaanu Qoraalkani U Iftiiminayaa Maxkamada Qodobkan 15aad isagoo si cad ugu xardhan faqrada 10aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka una qoran sidan:

“Maxkamada Dastuuriga ah waxa ay si ku meel gaadh ah u laalaysaa ku dhaqanka xeerka ama qodobka DASTUURNIMADIISA la duray”

Hadaba, Qodabkan 15aad Faq. 10aad ee ay u adeegsadeen Maxkamada Dastuurigu Go’aankan hakinta go’aanka Isku Shaandhaynta Gudiyada Golaha waa si khaldan u adeegsi maxaa yeelayarrintan uu goaanku ka hadlayaa (Factual Matter) maaha hawsha loo adeegsanayo. Waayo, arinta uu ka hadlayaa waa Qodobada Dastuurka ama Xeerarka kale (Statute) ee dhaliya ama la fahmi waayo macnihiisa ama dastuurnimadiisa la duro isla markaana keena muran sharci ayay maxkamadu awood u leedahay inay Fasirto iyadoo raacaysa nuxurka doodii ka dhalatay xeerkan ama qodobkan Dastuurka markii ay Xeer Dejintu samaynaysay ka dibna awoodoodu waa inay fasiraan (cadeeyaan) macnaha sharci.

Dacwadda ay Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Mudane Baashe Mohamed Farah iyo Dr Ali Yusuf Ahmed u gudbiyeen 19/12/2013 Maxkamada Dastuuriga sida ka muuqata nuqulka lifaaqa uu Guddoomiyaha Maxkamada Sare u soo gudbiyay Golaha Wakiilada in ay ku salaysnayd oo kaliya Go’aankii isku shaandhaynta guddiyada ee Tixraaciisu ahaa GW/G/04/152/2013 kuna taariikhaynaa 06/11/2013.

Goaankaas isku shaandhaynta guddiyadu wuxuu si rasmi ah uga soo baxay 06/11/2013kaShirgudoonka Golaha Wakiilada oo ay si talo wadaag ah u soo wada saareen Shirgudoonku uu kuna saxeexnaa Guddoomiyuhu goobjoogna ay ahaayeen wakhtigaas (Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mud. C/rahman Mohamed (Ciro) iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Dr Ali YusufAhmed) Go’aankaas wuxuu ku qotomay Qodobka 18aad Faqradiisa 1aad, Faq. 2aad iyo Faq. 4aadQodobka 21aad & 22aad ee Xeer-hoosaadka Golaha iyo Goaankii Golaha ee fadhigii xidhnaa ee mudada sadexda cisho ka socday golaha.

Goaankii Isku Shaandhaynta Gudiyada Golaha ee 06/011/2013 waxaa Ansaxnimadiisa iyo Sharcinimadiisa si buuxda u taageeray Goaankii Aqlabiyada (eeg lifaaqa) Mudanayaasha Golaha ee 21/12/2013 Tixraaciisuna ahaa GW/G/KF-23/622/2013 OO AY COD AQLABIYADD AH (47 Mudane) oo Gacan taag ah ku ansixiyeen Goaankii isku Shaandhaynta iyo Guddida Joogtada Ah ee Golaha Wakiilada oo uu xeerhoosaadka qodobkiisa 22aad sheegayo “Guddida joogtada ah waxa soo magacaabaya shir-guddoonka Goluhuna wuxuu ku ansixinayaa cod hal-dheeri ah (aqlabiyad fudud)” Iyo waliba wareegtadii guddoomiyuhu ee ku taariikhaysnayd 21/12/2013ka ee tixraaceedu GW/G/04/215/2013 ee uu Gudoomiyuhu ku dhaqan galiyay is doorashada Guddoomiyeyaasha Guddi Hoosaadyada Golaha Wakiilada. (Ka eeg Lifaaqa)

ANIGOO KA DUULAYA QODABADA SARE KU XUSAN

Go’aankan ay soo saartay Maxkamada Dastuuriga ah ee tixraaciisu ahaa MS/GMS/G-7/281/2013ee ku taariikhaysnaa 21/12/2013ku ee uu nuxurkiisu ahaa Hakin Ku Dhaqan Go’aan LamGW/G/04/152/2013 WUXUU SI CAD U JABIYAY UNA BAALMARAY QODOBKA 37aadee Dastuurka oo ka hadlaya Dhismaha Waaxaha Qaranka, Qodobka 53aad ee Dastuurka Awooda iyo Waajibaadka Golaha Wakiilada iyo Xeer-hoosaadka Qodobadiisa 3aad, 14aad, 18aad, 21aad, 22aad iyo aqlabiyadii kalsoonida Goaankii Goleweynaha ee 21/12/2013 Tixraaciisuna ahaa GW/G/KF-23/622/2013 ee ku taariikhaysnaa 22/12/2013 ee ay mudanayaashu ku meelmariyeen sharcinimada (Legitimate) iyo ansaxnimada (Validity) Go’aankii Isku Shaandhaynta Guddiyada Golaha kuna Ansixiyeen Guddida Joogtada Ah.

MA JIRTO CID AMA HAYADD BURIN KARTA GO’AAN GOLE WAXA KALIYA OO TIRTIRI KARA AMA BURIN KARA GO’AAN KALE OO GOLUHU UGU CODEEYO AQLABIYAD BURINAYSA GO’AANKAAS HORE MOOYAANE”

Qoraalka Maxkamadda sare ee La taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiiladu sharci darada ku tilmaamay isla-markaana Guddoomiye Cirro u sii gudbiyey, ayaa ka dambeeyay Dacwad Labada Guddoomiye ku xigeen ee shir-guddoonku u gudbiyeen Maxkamadda sare, kaasi oo ku dalbanayeen in la joojiyo ku dhaqanka isku shaandheynta Golaha, taasi oo u dhignayd sidan “Annaga oo ah dacwadoodayaasha kor ku xusan (Guddoomiye ku xigeenka 1-aad  Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad, Cali Yuusuf Axmed) isla-markaana cuskanayna qodobka 15-aad ee xeerka nidaamka Garsoorka Somaliland ee awoodaha Maxkamadda dastuuriga ah, waxaanu Maxkamadda sharafta leh halkan ugu soo gudbinaynaa dacwadda ujeedada sare ku tilmaaman”

Geesta kale, Dacwaddaasi ka hor ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), uu fadhigii ugu horeeyay ee kalfadhiga 23-aad oo qabsoomay 23-kii bishan ku dhaqan galiyey isku shaandheynta Guddiyada Golahaasi, waxaana cod caqlabiyad ah lagu meel mariyey isku shaandheynta. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ayaa go’aankaasina ka dib sheegay in dacwadda saaxiibadii iyo go’aanka Maxkamadda sare ka dambeeyay go’aanka Mudanayasha Golaha Wakiiladu ku ansixiyeen isku shaandheynta.

 

Comments are closed.