Xaquuqda Maxbuuska: Huda Cali Banfas Qaybta koowaad

36
762

Picture7ilaahay subxaanahu watacaalaa waxa uu ka fadilay bini’aadamka khalqigiisa kale, Isaga oo sharaf iyo karaamo huwiyay Nabiyulaahi Adam oo ahaa aabihii ummudu kasoo farcan tahay. Qof kastana waxa uu leeyahay sharaftaas , haddaba side ayay tahay in loola dhaqmo dadku markay geystaan dambi  ama lagu eedeeyo inay geysteen dambi iyagga oo loogu yeedho magaca ah Eedaysane oo ay tahay in loogu yeedho qof kasta oo laga qaaday xorriyadiisa inta aanay ku

Wax cadaan ee maxkamad awood u lehi  aanay ku qaadin eed ka dhan ah isaga/iyadda. Qof ka maxbuuska ahi waxa uu leeyahay xaquuq dhowr ah iyadda oo maxaabiista laftoodu kala duwan tahay tusaale ahaan,kuwo ku  kula eedaysan faldambiyeedyo kala duwan sida;  dil, dhac, kufsi, khiyaamo, iyo maxbuus dagaal (iwm).

Waa ayo Eedaysane/maxbuus?

Waa qofkasta oo laga qaaday xorriyadiisii dhaqdhaqaaq , oo lagu hayo goob sharcigu aqoonsan yahay. Kaas oo loo hayo in la horkeeno maxkamadda awood u leh qaadista gartiisa

Qofkani waxa uu xaqq u leeyahay xuquuqo dhowr ah sida ku cadd qoddobada 25aad ilaa 28aad ee Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland; sida ku  cadd faqradda saddexaad ee qodobka 26

“Eedaysanuhu waa dembi-laawe inta aanu maxkamad horteed kaga caddaanin dembi.” Maadama ay sidan tahay waa in qofka loola dhaqmaa inaanu dambi lahayn, oo aan sharaftiisa iyo sumcadiisa meel lagaga dhicin.

Xuquuqaha ugu horeeya ee uu leeyahay qofka laga qaadayo xorriyadiisu ama laga qaaday  waa in bilowga hore ee la xidhaayo lagu war galiyo sababta loo xidhaayo iyo eeda ka dhanka ah  ciidamadeenu markay ay soo qabanayaan qof uuma sheegaan sababta qofkan loo xidhaayo  waxaad arkaysaa dad la xidhay oo aan garanayn sabata loo xidhay, kaliya kuwar hela waxa lagu eedaynaayo marka ay tagaan maxkamadda ama , xeerilaalinta. Waxaa dhacda in inay  had iyo jeer adeegsadaan awood  ka badan intii loogu talo galay, tusaale ahaan iyaga oo isku daya inay qofka awood u adeegsadan sida iyaga oo aan ogeysiin sababta loo qabanaayo qofkan, iyaga oo isticmaala xoog, sida in ay qofka qasab ku kexeeyaan, bud ku dhuftaan, iyo inay u geystaan nabaro aanu qabin markii hore, ama iyaga  oo isticmaala awood ka xoog weyn ta wuu kala horyimaado qof ay qabanayaan sida qofku hadduu cararo oo toogtaan, halkii ay ahayd in la eryado qof aad orod kusoo qaban karto haddii aad toogato ma waxbaad qabatay mise xaaladii ayaad sii xumaysay?. Iyo iyaga oo burburiya hantidda qofku leeyahay wax ka midda, sidoo kale  Wakhtiyadda ay jiraan muddahaadyaddu waa wakhtiga ugu badan ee la sameeyo qabbasho ama xadhig, waxa dhacda marka ay jiraan isu soo baxyo inay goobta isugu yimaadaan dad badan oo kala duwan, kuwaas oo isugu jira kuwa rabshad wadda iyo kuwa la kulma uun waxa dhacaaya, ciidamadda ka hortagga rabashaduhu waxay bilaabaan inay qabqabtaan dad badan kuwaas oo ay markay gacanta ku dhigaan ay la dhacaan buddad, ullo , iyo mar marka qaarkood qoriga ay sitaan, taas oo ay dhaawacyo gaadhaan  qaar ka midda dadkii muddaharaadka samaynaayay ama kuwii la kulmay uun , sababta loo keenay ciidankan maaha inay laayaan dadka ee waa in laga hortaggo wixii dhalinaaya khasaare ,iyo rabshad, balse haddii khasaare ka weyn kii la rabbay in laga hortago ay ciidanku ku kacaan miyaanay ahayn kud ka guur oo qanjo uguur.?

Waxyaalaha layaabka leh ee aad arkayso waxaa ka midd ah marka aad tagto maxkamadda gobolka inaad arkayso dad koox koox isugu jeebaysan/silsiladaysan oo aad moodo neefaf xoolo ah oo waliba kaaga daranaa bilaa kabbo ah oo kabahoodii lagaga soo saaray saldhigii laga keenay, marka aad aragto maskaxdaada waxaa kusoo dhacaaya dadkani ma dad waalanbaa? Oo hadday waalan yihiin maxaaba isku meel loogu waadda xidhay? Maxaa sidan loo yidhi dadkan? Miyaanay dad ahayn ma neefaf xoolo ah oo saylad lagu waddaa? Meesha la keenay miyaanay ahayn maxkamadd leh sharaf iyo milgo?  Su’aalahaas iyo qaar kale oo badan ayaa maskaxda qof ka arka dadkan ku soo dhacaya. Askarta wadda dadkani waxay aamin san yihiin haddii dadka kabahooda loo daayo inay baxsanayaan oo aan laga garayn dadka kale ee yimid maxkamadda. Haddaba su’aasha isweydiinta lehi waxay tahay sidaynu horey kusoo xusnay qofka bini’aadamka ahi waxa uu leeyahay sharaf uu huwiyay Ilaahay subxaanahu watacaalaa , qofka marka la keenaayo maxkamaduna waa halka lagu qaadayo gartiisa oo ay laba mid uun noqon karto in lagu helo dambi iyo in lagu waayo, marka ay arrintu sidan tahay oo qofka aad waddo aanad ogeyn in lagu heli doono dambi iyo in kale, ma haboon tahay inaad sharaftiisa meel kaga dhacdo oo aad sidii neef xoolo ah oo aad saylad geynayso aad kula xidho dhowr qof oo kale silsilad? Inaad qof miyirkiisii qabba aad kabihii uu xidhnaa ka saarto oo uu maalinta dhan inta la waddo dacwadiisa uu bilaa kabbo ku socsocdo maxkamadda dhexdeeda oo ay ku sugan yihiin boqolaal qof oo dacwaddo kale duwan leh?

Waxaa iyaduna isweydin leh garsooraha la horgeynaayo dadka sidan loo galay ee raali ka noqonaaya in la hor keeno qof bilaa kabbo ah oo cagaha boodh ku leh. Umalayn maayo inay jirto maxkamadd adduunka ku taal oo dad sidan loo galay la horkeeno , qofka xataa xidhan dhar aan haboonayn iyo kabbo liita waxay tahay inay ciidanka keenaya ee gaadhka ah qofkani ay soo hagaajiyaan ilayn waxay ay hortagayaan maxkamad sharafleh.

Qayb ka midda Xuquuqda Maxbuuska

Qofku waxa uu xaq u leeyahay in loo sheego dacwadda ka dhanka ah

Waa in loo ogolaadda  inuu la xidhiidho qoyskiisa iyo qareenkiisa

Waa in lagu xidho goob sharcigu waafaqsan yahay, kuna haboon in qof bini’aadam ah lagu xidhi karo

Maxbuuska da’da yar leh ee caruurta ah waa inaan lagula xidhaa  meel maxaabiista da’da weyn , ee lagu xidho goob caruurta u gaar ah

Goobta lagu xidhaayo qofku waa inay ahaataa meel nadaafad fiican leh oo aan qofkan kasoo gaadhin xanuuno iyo jermisyo waxyeelo u geysan kara jidhkiisa

Tallo soojeedin:

Waa in ciidanka doonaya inay soo qabtaan qof ay marka hore maskaxda kusii hayaan inuu qofkani noqon karo mid geystay eeda ay doonayaan inay kusoo qabtaan iyo inuu noqon karo mid lagu waayo

Waa inay ogsoon yihiin inuu qof kasta oo laga qaadayo xoriyadiisu uu leeyahay xuquuqo

In qof ka ay soo qabanayaan la ogeysiiyo bilowga horeba  ujeedadda loo xidhaayo, haddii aanu dambi faraha kula jirin.

Waa in wakhtiyadda ay jiraan muddaharaadyadu aan loo adeegsan dadka awood ka badan ta ay kaala horyimaadeen tusaale ahaan qof aad ul ku kaxayn karto inaanad u adeegsan xabbad iyo inaad toogato

In marka maxkamad la keenaayo qof ama dad maxaabiis ah inaan laga saarin kabbahooda waayo maaha inaad qofka bahdisho oo aad uula dhaqanto sidii qof waalan oo aan xiskiisu dhamayn, kadibna aad horkeento bulsho iyo waliba maxkamad!, haddii aad ka baqo qabto inuu qofkani baxsado adkee amniga goobta aad keentay ama u sameey ilaali aanuu qofkani ka baxsan Karin.

hudacali66@hotmail.com

 

Comments are closed.