Guddoomiyaha Guurtida Iyo Xaaji Cabdi-Waraabe Oo Kulan La Yeeshay Guddomiye Cabdiraxmaan Cirro Iyo Qodobada Khuseeya Doodda Qaran Ee Ay Ula Tageen

23
683

Picture6Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aaden oo ay weheliyaan ku xigeenkiisa Md. Siciid Jaamac Cali iyo odayga ruug cadaaga ah ee Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe), ayaa shalay kulan la qaatay guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Xubnahan guurtida ah ayaa la sheegay inay sideen xal la sheegay inay ku dhex galayaan mawduucan ay labada xisbi mucaarad iyo xukuumadu isku maandhaafsanyihiin ee ah qabashada doodda qaran.

Kulankaas oo ay albaabadu u xidhnaayeen, waxa la sheegay in odayaasha ka socday dhinaca golaha guurtidu ay guddoomiye Cirro u soo bandhigeen inuu joojiyo shirka doodda qaran ee ay xisbigiisa Waddani iyo xisbiga UCID abaabulayaan, iyagoo la sheegay inay u sheegeen in shirkaasi keeni karo muran iyo tafaaruq siyaasadeed oo dalka halis gelin kara. Sida ay ilaha xogogaalka ah ee aanu soo xiganay ay Geeska Afrika u xaqiijiyeen guddoomiye Cirro ayaa odayaasha guurtida ah u sheegay in doodaas qaran aanay wax halis ah dalka ku keenayn islamarkaana aanay jirin cid isaga dalka uga lexejeclo badani, waxaanu codsaday inay xukuumadda iyo golahooda guurtidu cid doodaas uga qayb gasha u soo dirsadaan, maadaama oo aanay suurtogal ahayn in doodda qaran oo horeba loo qabtay sannadkii 2006 la joojiyo.

Warku wuxuu intaas ku daray inay xubnaha guurtida ahi guddoomiye Cirro u soo bandhigeen qodob labaad oo ah bal inay haddaba hagista ajandayaasha doodda qaran loo dhiibo cid dhexdhexaad ah oo aan ahayn xukuumadda iyo mucaaradka, waxaana la sheegay inay soo bandhigeen Akademiga nabadda iyo horumarka. Xubnaha ka socday golaha guurtida ayaa la sheegay inay sheegeen inay aragtidan u qabaan iyagoo doonaya in qabashada doodda qaran iyo ajandayaasheedu ay ka madaxbanaanadaan xukuumadda iyo mucaaradkuba.

Waxaana la sheegay in guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro uu qodobkan kaga jawaabay inuu dib ugula noqon doono labada xisbi ee Waddani iyo UCID oo doodan qabashadeeda u magacaabay guddi diyaarisa.

Haddii uu warkani sidaas ku xaqiiqobo, waxa suurtogal ah inay xukuumada iyo mucaaradku isku soo dhawaadaan, marka la eego qabashada doodda qaran, waxase ay su’aashu tahay sharciyada Akademiga u saamaxaysa qabashada doodan islamarkaana labada xisbi mucaarad ka mamnuucaysa.

 

Comments are closed.