Ururka Nasiixa Oo Deeq Muhiim Ah Gaadhsiiyay Cisbitaalka Dhimirka Hargeysa

12
719

Picture1Hargeysa(Geeska)-Ururka  daryeelka iyo hurumarinta ee Nasiixa,ayaa dadka dhimirka ka xanuunsanaaya ee Hargeysa gaadhsiiyay Bustayaal,Dhar iyo Timir, wakhtigan dhaxanta.

Ururkan ayaa deeqadan ku soo iibiyay dhaqaale ka badan afar kun oo doolar, kaas oo lagu ururiyay kulamo bal balaadhan oo la qabtay mudo 14 maalmood ah, waxaana dhaqaalahaas bixyay haween tiro badan oo qof kasta waxii uu awoodo uu ku deeqay.

Ururkan ayaa mudo saddex sano ka badan dhanka cuntada ka taageerayay cisbitaalka Dhimirka ee Hargeysa,waxaanu sameeyaa wacyigalin iyo sida oo daryeelka kutubta. Munaasabad loo qabtay alaabtan lagu wareejinayay dadka dhimirka ka xanuunsan ee cisbitaalka Hargeysa waxa ka soo qabgalay wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed,agaasimaha guud cisbitaalka Hargeysa Dr. Mustafe Xuseen Xirsi H iyo agaasimaha cisbitaalka dhimirka.

Niciima Cabdilaahi Haybe  oo ah guddoomiye jamciyadan haweenka ee Nasiixa oo ka waramaysay deeqadan ay gaadhsiiyeen dadka cisbitaalka dhimirka ee Hargeysa iyo guud ahaan dadka ku dhaqan xaafadaha danyarta ah ee dhimirka wax ka qaba waxa ay tidhi “Waxaanu halkan ku qaybinaynaa marshuuc taakulayn iyo daryeel dadka dhimirka ah, marshuucan oo dhaqaalaha ku baxay ay bixiyeen dadka ku dhaqan Hargeysa,oo aanu u qabanay siminaar iyo maxaadirooyin soconaayay mudo 14 maalmood ah, dadkaas oo bixistay Lacag Dahab ah oo laba kun iyo dhawr boqol oo dolar ah iyo lacag cadaan ah oo laba kun ka badan. Lacagtaas waxaanu ugu soo iibinay dadka dhimirka ah ee ku jira cisbitaalka Hargeysa Bustayaal,Dhar iyo timir iyo dadka danyarta ah ee iyaguna dhanka dhimirka wax ka qaba ee ku nool lix xaafadood oo Hargeysa ka mid ah.Waxaan ugu talo galnay marshuucan inay dadku iyagu isku filnaan karaan oo ay ka maarmi karaan haayadaha gaalada iyo sadaqaadka y dadka carabta ah soo bixiyaan, iyo in bulshadu ay ogaato iyadu dhexdeeda inay is taakulayn karaan.waxaan dawlada halkan uga soo jeedinaynaa in dadka taagta daran ay iyada xil ka saaran yahay inay wax tarto,waxaanu doonaynaa inaan dareensiino dadka wax haysta in dadkii danyarta ahaa ay marshuuca intaa leeg maal geliyeen, dadka wax haystaana ay umadda wax ka badan u qaban karaan.”

Guddoomiye Niciima waxa ay hadalkeeda ku soo gunaanaday “Jamciyadan Nasiixa waxay wax ka qabataa marshuuca dhimirka iyada oo cuntada maalinlaha ah siisa cisbitaalka Dhimirka inta ay ka soo gurto suuqa, gaar ahaan hilibyaalsha,qolyaha khudrada iyo guud ahaan suuqa,waxaanu marshuucaasi socday mudo sadex sano ah, Dhar,Cunto iyo Lagba wakhtiyada qaarkood waanu u soo qaybinaa dadka dhimirka ka xunuunsan ee magaalada,waxa kale oo ka mid ah wax qabadka jimciyadan wacyigalinta bushada iyo dayac tirka KUTUB-ta inta aan ka soo ururino masaajida,malcaamadaha iyo meelaha kale ee ay yaalaan oo aanu dib u hagaajino ayaanu goobahoodii dib ugu celinaa.”

Madaxa arrimaha bulshada ee ururkan Ikraan Cumar Xuseen ayaa iyaduna halkaas ka jeedisay hadal kooban oo la xidhiidha deeqdan iyo ujeedooyinka loo aasasay ururkan.

Agaasimaha cisbitaalka dhimirka Dr.Mustafe Xuseen Xirsi oo halkaas ka hadalay waxa hadaladiisa ka mid ahaa  “Ururkan Nasiixa maaha maalintii ugu horaysay ee ay halkan yimaadaan,mana tirin karaayo inta jeer ee ay halkan wax soo gaadhsiiyeen,hawl kasta oo naga qabsata cisbitaalka gudihiisa cida aan ula cabanaa waa Nasiixa iyo ururka kale ee haweenka ee Gudoon, runtii aniga oo aan hadalka ku fogaanayan waxaan ka marag furayaa allena miisaanka xasanaadka haw saaree inay guteen waajib saarnaa, oo aynu garan waynay inaga oo ragii ah,cida deeqadan ay ka timi iyo iyagaba waxaanu Alle u waydiinaynaa inuu miisaanka wanaaga u saaro.”

Agaasimaha guud ee cisbigaalka Hargeysa Dr.Axmed Cumar Askar ayaa isaguna yidhi“Ururkani marar badan oo hore  ayuu taageero samafal ah u keenay cisbitaalkan dhimirka waana hawl wanaagsan, waxaan rajaynaynaa in Alle xasanaad ka siiyo, dad badan oo reer Somaliland ah ayaa samafka ku fiican oo dadkan dhimirka wax ka qaba soo xasuusta, waliba wakhtiyada ciidaha iyo ramadaanada. Wakhtigan oo wakhtigii dhaxanta ahna ururkan Nastiixa Butayaashan iyo dharkan ay u keeneen waa mid ay u baahan yihiin maadaama oo ay dhaxantii dhacayso,waxaan rajaynayaa inay dad badan ay ku daydaan, cisbitaalkana baahi badan ayaa taala oo xukuumadda oo kaliyi ma dabooli karto.”

Ugu danbayntii wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo kulankaas  gudoonsiita ahaa soo gunaanday ayaa yidhi“Walaalaheena jimciyada Nasiixa ee hablaha ah waxaan ku faraxsanahay mudadii koobanayd inay waxaas oo khayar ah ay isku soo ururiyeen, taas oo u ah dareen fiican in dadkeenu wax qabsan karaan,waxaas oo Bustayaal,Dhar iyo Cunto ah wax dibad laga keenay ma jirto ee wakhti yar ayaa lagu ururiyay, haweenkii wax ururiyay qaarkood dahabkoodii ayay bixiyeen qaarkoodna baskii ay ku noqonayeen ayay dhigeen, dhamaantood waan u mahadnaqaynaa waxaanan Alle uga baryaynaa inuu miisaanka xasanaadka ugu buuxiyo, dadka reer Somaliland waxaynu leenahay intaas yar ee aynu qabsanay waa wax aynu qabsan karno inaga oo aan cidna u baahan.”

 

Comments are closed.