Xaqsoor Oo Cambaareeyay Hawlgalkii Ciidamada Qaranku Ay Shalay Saylac Ka Fuliyeen

0
653

Hargeysa(Geeska)-Waaxda warfaafinta ee urur siyaasadeedka Xaqsoor oo ka mid ah ururada aan u soo gudbin xisbinimo ayaa cambaareeyay hawlgalkii ay ciidamada qaranku shalay ku kala dareeriyeen dadweyne magaalada Saylac ka samaynayay mudaharaad salmi ah, kaas oo keenay dhimasho iyo dhaawac.

Warsaxaafadeed ay waaxda warfaafinta Xaqsoor soo saartay, ayaa wuxuu u dhignaa sidan: “Weerarka waxshinimada ah ee xalay ku dhacay shicibka aan hubaysnayn ee reer Saylac waxa weeyaan mid ka baxsan wadaninimada iyo binu  aadanimada. Waa mid la mid kii axmaqnimada ahaa ee  dhawaan lagu laayay dhalinyaradii aan hubaysnayn ee reer Hargeisa ee si silmiya uga cabanaaya natiijadii doorashadii la boobay ee dawladaha hoose.

Xukumadu iyada oon xalilin dhibaatooyiinka siyaasiga ee ka  dhashay doorashooyinkii  musuq maasuqa ahaa ayay hadana ciidamadii qaranka ku cabudhinaysaa oo ku laynaysaa shicibkii ay iyadu dawlada u ahayd ee si nabadgelyo ah uga cabanaayay cadaaladdarada.

Arintaasi waa mid bog madaw ka geli doonto  taariikhda, cawaaqibka ka dhashana waa mid ay dawladani ka masuul noqon doonto , lagulana xisaabtami doono.

 Waxaanu ku guubaabinaynaa goloyaasha sharciga ah ee dalku inay arimahan foosha xun ka qaataan mawqif muuqda, iyo inay ka qaadaan talaabooyin ay xal ugu raadinayaan mashaqooyinkan ay masuulka ka tahay xukuumadani.

Dadkan shicibka ee la laayay iyo kuwii ka horeeyayba Ilaahay ayaanu uga baryaynaa inuu  u naxariisto janadiisana ka waraabiyo,ehelkii iyo ay ka baxeena waanu ka tacsiyaynaynaa ,waxaanu Ilaahay u weydiinaynaa samir iyo iimaan iyo tacwiidiisa khayrka qabta ee barakaysan.

Sidoo kale waxaanu ka tacsiyeynaynaa shicibweynaha reer Somaliland burburka doorashooyinkii iyo  nidaamka dimuqaraadiga ah ee  dalkooda  ee ay xukuumadu ku hawlan tahay iyo dilalka walaalahooda shicibka een hubaysnayn eey dawladoodii caado ka dhigatay.

Waxa kale oonu cambaaraynaynaa qaabkan liita ee loo isticmaalayo ciidankii qaranka ee waajibaadiisu ahaa inuu sugo amniga.

 Waa  ciidan boolis ah ama milateri ah oo isaga oon daryeel fiican qabin lagu dhufanayo shicibkii ay walaalaha ahaayeen eey ahayd inay ilaaliyaan amnigooda iyo nabadgelyadooda.

Dhaawaca ciidanka ee la soo sheegay iyo kuwa  shicibka ahba waxaanu Ilaahay u weydiinaynaa inuu caafiyo una  sakhiro.”