Wasiir Xaglatoosiye Oo Ka Hadlay Hankiisa Doonashada Kursiga Madaxweyne-xigeenka Dalka Iyo Wakhtiga Uu Ku Noqonayo Magaalada Buuhodle

0
572

 

Picture1Hargaysa( Geeska )-Wasiirka dib u dajinta Md. Saleebaan Ciise Axmed ( Xaglo-toosiye ), ayaa si cad u sheegay inuu ku jiro han ah inuu isku soo sharaxo jagada madaxweyne ku xegeen haddii uu fursadaas helo, waxaanu warar aan waxba ka jirin ku tilmaamay warar sheegayay in uu isla soo sharaxaayo madaxweyne Axmed Siilaanyo doorashada danbe.

 

Saleebaan Xaglo-toosiye waxa uu sheegay in wakhtigan guulo waaweyn laga gaadhay joojinta iska hor imaadkii ka taagnaa bariga dalka, waxaanu ku celceliyay inay dedaal ku bixinayaan dhamaynta khilaafaadkii deegaanadaas ka taagnaa, isla markaasna ay u jihaysan doonaan dhanka horumarka.

Waxa uu arrimahan kaga hadlay wasiirka dibu dajintu waraysi uu siiyay tilifishanka caalamiga ah ee Universal, waxaanu ugu danbayntii waraysigaas kaga hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya isaga oo tibaaxay in uu xiisaynaayo in lagu daro gudidaas wada hadalada ka qaybgalaysa. Waxaanu waraysigaasu u dhacay sidan

Waxa jira warar sheegaya in aad isku soo taagaysid jagada musharaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Kulmiye arrintas maxaa ka jira?

Arinkaa suuqa ayaan ka maqlay, arin jirana oo aan ogahayna maaha, waa arin laysla dhex maraayo  meel ay ka timid iyo cid ay ka soo fushay  iyo cid suuqa galisayna garan maayo.

Runtii hanku waa uu jiraa hana waan leeyahay balse waxa go’aan  siyaasadeed ah  oo aan gaadhay ma jiro, waynu arki doona mustaqbalka  haddii aan la kulmo fursad hankayga sare u qaadaysa  kolayba dayn maayo, laakiin hadda sida laysla dhex marayaa waa arin aan jirin.

Ka mid noqoshada xukuumada aad ka mid noqotay maxay saamayn ku yeelatay deegaanadii aad ka soo jeeday oo nabad laga raadinaayay?

Runtii barnaamijka aniga iyo xukuumadu aanu ka wada shaqaynay ee ahaa nabadgalyada iyo sidii deegaanadaas loogu soo dabaali lahaa boqolkiiba sideetan waxaan odhan karaa waa uu hirgalay,  arladiina nabad ayaa ka jirta dadkii reer miyiga ahaa waa ay wada dagan yahiin oo dhibaato ma jirto, sidii barnaamijkaas nabada aan u galnayna wax colaada oo habayaraatee meeshaas ka hurtayna ma jirto, waxaanu rajaynaynaa inta yar ee dhimana in sida ugu dhakhsaha badan aanu u dhamayastiri doono, markaas waxaan qabaa inay tahay guul weyn iyo barnaamij weyn oo nabadeed oo la galay oo si buuxda loogu guulaystay  dhamarstirkeediina  waanu ku gudo jirnaa insha alllaah.

Tan iyo intii wasiirka laguu magacaabay deegaaandii aad ka soo jeeday wali dib uguma aad noqon, goormaad filaysaa inaad ku noqoto?

Deegaamadaasu waa kaan ka soo jeedaa, waana deegaaanada aan u maqnahay  aniga oo wasiir ah iyo aniga oo shaqsiya labadaba waan ku noqonayaa, dhaqsona waan u tagayaa insha allaahu.

Deegaamadaas colaado ayaa muddooyin ka taagnaa kuwaas oo sababay in dibu dhac dhinacyo badan ah uu ku yimaado, intii aad xukuumada ku jirtay wax  qabad ah oo aad deegaanadaas ka gaysateen ma jirtaa ?

Runtii mudadii aan anigu xilka hayay waxay ahayd muddo doorashooyin ay ka socdeen dalka, waxay ahayd kala wareega labadan sano oo wakhti adag ayay ahayd, in deegaanadaas wax loo qabto iyo in nabadgalaydii si wanaagsan cagaha loogu taago intaba xukuumada waa ay ka go’antahay in mashaariic badan lagu fuliyo deegaanadaas iyo in la hurumariyo, sidaas aad sheegtayna waa run oo dibu dhac badan ayaa ku yimi deegaanada kalena waa ay ka danbeeyaan, waanay noo qorshaysantahay sida ugu dhaqsaha badan mar hadii doorashooyinka laga baxay sanad cusubna la galay in waxbadna laga qabto horumarka deegaanadaas.

Waxa dhawaan furmaaya wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya sidaad u aragtaa, se haddii lagagu soo daro xubnaha ka qaybgalaaya siday kuula muuqataa?

Waan taageersanahay in la wada hadlo  oo runtii lays horfadhiisto  mana aha mid dhibaato keenaysa  in ay sii socdaan oo la wada hadlo, madaxweynaha ayaa kolayba ku shaqo leh magacaabista  cida ka qabgalaysa shirkaas,  haddii madaxweynuu igu soo daro xubnaha ka qabgalaya waan jeclahay inaan ka qaybgalo.