Xildhibaankii Dhawaan Lagu Dhaawacay Lascanod Oo Ka Waramay Xaaladiisa Iyo Eeddo Uu Jeediyay

0
612

 

badbaadoHargaysa ( Geeska )- Xildhibaan Cabdicasiis Xuseen Maxamed oo ka mid ah  Mudanayaasha golaha deegaanka Laascaanood isla-markaana 21-kii bishii 12-aad ee sanadkii hore koox dablay ahi weerar ku dhaawacday Magaaladda Laascaanood, ayaa ka hadlay falkaasi isku-dayga dilka ah ee lagula kacay.

 

Xildhibaan Cabdicasiis oo Magaalada Hargeysa lagaga daweeyay dhaawacyo ka soo gaadhay weerarkii Laascaanood loogu geystay, oo warbaahinta u warmaayay ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Gobolka Sool, Guddoomiyaha Maxkamada Gobolkaasi, Taliyaha booliska iyo taliyaha CID-da inay sii daayeen laba qof oo kamid ah dadkii ku taageeray falkan isku dayga dilka ah ninka falkan fuliyay oo haatan ku xidhan jeelka Hargaysa.

Sida oo kale xildhibaanku waxa uu ka xog warmay sidii falkan isku dayga dilka ah ee loo gaystay uu u dhacay, waxaana xildhibaankan oo wakhtigan ka ladnaaday dhaawacyada soo gaadhay ka muuqday oogada jirdhkiisa sare tiro badan oo xabado la’la dhacay ah kuwaas oo kaga yaalay madax iyo caloosha, waxaanu xildhibaanku hadalkiisa ku bilaabay sidan “Markii ay taariikhdu ahayd 21-kii bishii 12-aad ee sanadkii hore waxa la ii geystay dil qorshaysan, halkaana waxa iga soo gaadhay dhaawac culus oo la ii keenay Hargeysa, falkaa waxay ciidamada boolisku u soo qabteen saddex qof, dabadeedna waxa la siidaayay gabadhii nimanka I wareeray gaadhiga u soo kireysay iyo ninkii dirawalka ahaa ee ninka I toogtay I tusayey, ka dib markii ay laaluush qaateen afarta nin ee kala aha Guddoomiyaha Sool Xaaji Jeeni-yare, Taliyaha qaybta booliska Sool Cali Qase, Taliyaha CID-da Sool Cali Dhalaaye Iyo Guddoomiyaha maxkamada Gobolka Sool Cali Sheekh, kuwaasi oo ah niman ku sifoobay inay dadka iska horkeenaan, had iyo jeerna caan ku ah tacadiyada dadka, markaa waxaan dawladda Somaliland oo Madaxwayne Siilaanyo ugu horeeyo aan ugu baaqayaa in afartaa nin tallaabo sharci ah laga qaado, wixii dhib gobolka ka dhacayna iyagaa sabab u ah”

Xildhibaan Cabdicasiis Xuseen oo hadalkiisa siiwataa waxa uu yidhi “ Waxa kale oo aan ugu baaqayaa dawlada danbiilahii falka dilka ah gaystay  oo la keenay jeelkan Hargaysa in dib loogu celiyo xabsiga magaalada Laasacaanood, si halkaas loogu maxkamadeeyo ayna u fududaato in markhaatiyadii goob jooga ahaa ay si sahlan maxakamada ku yimaadaan.”

Intaas ka dib Xildhibaan Cabdicasiis oo aan su’aalnay bal inuu ka waramo sida uu u dhacay falkan lagu dhaawacay waxa uu yidhi “ Markii aniga lay dhaawacaayay ninkii xabada ila dhacaayay markuu laba xabo igu dhuftay ayaan ku soo jeestay, waxaanu ahaa nin laba casho oo hore aan arkay oo mar meel maqaaxi ah aniga oo ka shaahaya ayuu isaguna ka shaahayay waxaanan filayaa waa markii uu wajigayga calaamad sanaayay, maalin labaadna isaga oo gaadhi saaran ayaan arkay, ninka rasaasta ila dhacaayay si toos ah ayaan u arkaayay miirkayguna marnaba isma badalin nololna iiguma uu taliyeene waan hubaysnaa oo waan iska caabiyay, wajigiisana waan garanaayay oo waa ninkan imiba u xidhan falka oo meel fogba igma uu jirine afsaar ayuu rasaasta igala dhacaayay.”