Xaqiiqooyin Cadeynaya In Horyaalka La-Liga Uu Urursaday Abaalmarinada Kubadda Cagta Oo Dhan

2
3079

Horyaalka La-liga  waa kan urursaday dhmaan abaalmarinaha kubada cagta, waloway jirto dood ku saabsan in horyaalka La Liga uu yahay horyaalka ugu awoodda badan dunida, sidoo kalana kubadda cagta heystay 10-kii sano ee lasoo dhaafay, balse waxaa banaanka lasoo dhigay xaqiiqooyin ku saabsan sababta uu u yahay kan ugu sarreeya.Abaalmarinada shaqsiga ah iyo koobabka qaaradda yurub ee lagu kala guuleystay sanadahii ugu dambeeyay ayaana wax walba caddeynaya, Kooxaha iyo ciyaartoyda La Liga waxey sameeyeen wax ka badan inta ay sameeyeen dhigooda Bundesliga, Serie A-da iyo Premier League.10-kii Ballon d’Or Ee Ugu Dambeeyay:Abaalmarintaan uu bixiyo wargeyska France Football ee sanadlaha ah waxaa tobankii sano ee ugu dambeeyay la geynayay magaalooyinka Barcelona & Madrid, tan iyo 2009 Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Luka Modric ayaa ku guuleystay 9-jeer labada xiddig ee dunida qasay ayaa tookeystay halka Modric uu sanadkaan soo afjaray.Abaalmarintaan waxaa la bilaabay 2016, waxeyn daba socotaa (FIFA Best Player of the Year) oo ay bixiso FIFA, magaca kaliya ayaa badalan tan iyo markii magacaan cusub la siiyay kaliya Cristiano Ronaldo iyo Luka Modric ayaa hantay.

Lix Ka Mid Ah 9-kii Europa League ee ugu dambeeyay:- Atletico Madrid & Sevilla ayaa qabsaday tartanka labaad ee yurub, waxeyna hanteen tirada ugu badan tan iyo 2009, kaliya Man United, Chelsea & Porto ayaa la wadaagay.Los Rojiblancos saddex jeer ayey hanatay 2009/10, 2011/12 iyo 2017/18, halka kooxda Sevilla ay hanatay saddex jeer xiriir ah 2013/14, 2014/15 iyo 2015/16.Barcelona & Real Madrid ayaa ku guuleystay afartii jeer ee ugu dambeysay ee la qabto tartanka Club World Cup, waana tartan loo qabto kooxaha soo qaada horyaalada qaaradaha kala duwan ee dunida. 9-Ka Mid Ah 10-kii UEFA Super Cup ee ugu dambeeyay, Kaliya Bayern Munich ayaa kasoo dhex gashay oo sanadkii 2013 ku guuleystay, inta kale waxaa la keenay horyaalka La Liga.Golden Shoe (Kabta Dahabka Yurub):- Horyaalka La Liga waa horyaalka lagu qaaday 10-kii sano ee ugu dambeeyay abaalmarinta Golden Shoe ee la siiyo xiddiga ugu goolasha badan horyaalada yurub, Shan jeer waxaa hantay Lionel Messi, saddex jeer waxaa la siiyay Ronaldo, laba jeerna waxaa la siiyay Luis Suarez midna wuxuu ku qaatay  waxqabadkiisa Liverpool, wuxuuna la wadaagay Ronaldo, halka Diego Forlan isna uu hantay.Abaalmarintaan waxaa la bilaabay 2011, waxeyna badashay abaalmarintii Ballon d’Or ee markii hore loo aqoonsan jiray xidiga ugu fiican yurub, waxaana lagu abaalmariyay lix ka mid ah tan iyo markaas ciyaartoya La Liga.Kaliya Franck Ribery ayaa la siiyay 2013/2014, inta kalana La Liga ayey ahaayeen Iniesta, Messi, Ronaldo & Modric.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here