Xanuunnada Ilkaha Iyo Cirridka Ku Dhacaa Waxa Ay Sababi Karaan Wadne Xanuun, Macaan Iyo Xaalado Kale

41
3302

Berlin (Geeska)- Caafimaadka jidhku waxa uu ka bilowdaa afka iyo ilkaha. Tusaale ahaan, nabarowga iyo kaarka cirradku ma’aha xanuun ku koobnaada afka oo keliya, balse waxa uu mararka qaarkood gogol-xaadh u noqdaa xanuunno kale oo ka sii khatar badan, waxaa ka mid ah macaanka iyo xanuunnada wadnaha iyo xididdada dhiigga ku dhaca.

Bare-sare Deitmar Ostraich, oo ah guddoomiye ku xigeenka rugta dhakhaatiirta ilkaha ee federaalka Jarmalka, ayaa sheegay in cilmi ahaan loo xaqiijiyey in uu cirrid xanuunku keeni karo xanuunno, uu ugu horreeyo macaanka iyo sida oo kale xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Deitmar oo ka hadlayey sida ay xanuunnadani isu sababi karaan ayaa sheegay, in wareegga dhiigga ee sida la ogyahay jidhka oo dhan marayaa uu suurtogelinayo in bakteeriyada afka ku jirtaa ay si dhaqso ah u gaadho habdhiska xididdada dhiigga oo dhan, halkaasna uga sii gudubto xubnaha jidhka, gaar ahaan dhaawacdo wadnaha iyo sababka labadaba.

Bare-sare Roland Frankenberger, oo ah madaxa bahda caafimaadka afka, iyo qalniinka ilkaha, wejiga iyo daamamka ee dalka Jarmalka, ayaa sheegay in caabuqa iyo nabarrada ku samaysma ilkuhu uu kor u qaado khatarta ah in qofka ay ku dhacaan xanuunnada wadnaha iyo xididdada dhiigga, sida xididdada oo adkaada, wadnaha oo dhiiggu ka joogsado iyo dhiigfuran maskaxda ah ama dhiigga oo ka xidhma. Waxa kale oo uu jidka u xaadhaa wadne xanuunka.

Bare-sare Roland oo ka talinayey sida ugu fiican ee caafimaadka afka loo ilaalin karo si looga badbaado xaaladahaas kale ayaa ku taliyey in ugu yaraan maalin kasta laba jeer afka la nadiifiyo, iyada oo la isticmaalayo burushyada ilkaha dhexdooda cidhiidhiga ah soo nadiifin kara, ama dunta ilkaha la dhex geliyo.

Warkan oo aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Aljazeera ayaa intaas ku daraya in Bare-sare Frank Schwarz, oo xubin ka ah ururka dhakhaatiirta beerista / gelinta ilkaha ee Jarmalku uu isaguna sheegay muhiimadda ay leedahay in qofku haddii uu afkiisa ku arko nabarro ama ilko xanuun ay waajib tahay in uu dhaqso u tuso dhakhtar takhasus ah.

Bukaanka ku yimaadda ilkaha jiriddooda waxa uu sababaa dhiigbax, barar iyo dhiigroor, iyo sida oo kale afka oo yeesha ur aan fiicnayn, haddii u uqofku xaaladahaas oo kale isku arkana waa in uu dhakhtarta u tago.

Ugu dambayntii waxa ay xeeldheereyaashu ka digeen in qofku uu aamino in haddii ilko loo beero / geliyo ay macnaheedu tahay in dhibaatadii oo dhami halkaas ku soo afgo’ayso. Waayo beerista / gelinta lafteeda ayaa u baahan nadiifin xooggan in ay hesho, si iligga la geliyey aanu uga soo fuqin ama uga dabcin lafta daanka. Waana muhiim in la ogaado in daryeelka iyo nadiifinta ilkaha la geliyey aanay ka muhiimad yarayn nadiifinta ilkaha caadiga ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here