Nuxurka War-murtiyeedka Shirkii Jabuuti Iyo Doodda Wasiir Faratoon

0
759

Hargeysa (Geeska) – Madaxtooyada Somaliland ayaa Habeen hore Saqdii dhexe baahisay Qodobbo cusub oo sheegaya in laga soo saaray Shirkii Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray dalka Jabuuti.

War-murtiyeedka oo Shalay Subax Dadweynuhu ku baraarugeen ayaa waxa ku jira Qodobbo xaasaasiya, kuwaasi oo aan ku jirin Heshiiskii hore loo shaaciyey ee dhex maray labada dhinac.

Qodobbada xaasaasiga ah ee ku jira Heshiiska cusub ee Habeen hore la shaaciyey ayaa waxa ka mid ah “Labada dhinac waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen in la aas-aaso Guddi Hoosaad kale oo Farsamo oo diirada saari doona in si wada-jir ah loo maamulo arrinta hawada.” Ayaa lagu sheegay War-murtiyeedka Madaxtooyada Somaliland baahisay.

Qodobbada kale ee ku jiray War-murtiyeedka isla-markaana lagu caddeeyay in lagu heshiiyey waxa ka mid ahaa Qodob u dhignaa sidan “Xidhiidhka labada bulsho ee aan siyaasad iyo siyaasiyiin shaqo ku lahayn ee la xidhiidha dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, si loo xoojiyo nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.”

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir oo Madax u ahaa Xubnaha Madaxweyne Muuse Biixi Magacaabay ee Somaliland u qaabilsanaa Wada-hadallada Somaliland isla-markaana lagu xusay War-murtiyeedkan Qodobbadiisa Qaar shakiga laga muujiyey oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Heshiiska la shaaciyey uu ku jiray Qodob khalad ah, kaasi oo farsamo ahaan u khaldamay sida uu sheegay “Si Kalsooni loo abuuro, waxa Somaliland soo jeedisay in arrimihii Shirarkii 2012-2015 lagu heshiiyey la fuliyo, hadalkiina sii socda, arrimaha berigaa la isku Af-gartay saddex  baa ugu waaweynaa, in Wixii Mucaawimo ah ama Deeqo ah ee caalamku bixiyo aan la siyaasadaynin oo sidii loo lahaa marka la xisaabtamo in Qolo walba inta ay leedahay loo kala qaato. Qodob kale wuxuu ahaa Gaadiidka Hawada la wada Maamulo oo Maamul dhexe oo labadooduba heshiis ku yihiin, wixii ka soo baxana in la qaybsado.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Qodobkaasi khaldan ay u soo qoreen Guddiga dhexdhexaadinta ee Jabuuti “Qoraallaa ka soo baxay Dawladda Jabuuti Guddigeeda dhexdhexaadintu ay soo saareen, meelo Khaladaad Madbici ahi way jireen, laakiin waxa lagu heshiiyey in laba Guddi ay Maamulka hawada soo jaan-gooyaan oo ay ka soo doodaan oo wixii ay Farsamo u baahan yihiin soo wada dhisaan.”

Wasiir Faratoon wuxuu ka hadlay Qodobka sheegaya in lagu heshiiyey is-dhex-galka Bulshada, sida Fanaaniinta, Ciyaarah, Waxbarashada, dhaqanka iyo Ganacsiga, waxaanu yidhi “Marna Somaliland ma diidin isku socodka iyo Is-dhex-galka Bulshada iyo Wada-hadalka, Somaliland waxay diidday isku socod siyaasadaysan oo ujeeddooyin siyaasadeed iyo khalkhal abuuraya, markaa sidaa loo sheegay ee loo balbalaadhiyey ee uu ugu qoran yahay halkaa (War-murtiyeedka weeeye) imikana Somaliland ma ogola wixii siyaasad loola jeedo..”

Wasiirka oo la waydiiyey in Kooxaha Ciyaartoyga ah ee Somaliland tagi karaan Xamar, kuwa Xamarna iman karaan Somaliland, wuxuu ku jawaabay “Haddii loo baahdo oo aanay ujeeddo siyaasadeed iyo in wax lagu abuuray lahayn waalla ogol yahay, Dadkuna imikaba ma kala xidhna, Ummaddu waa ummad isku dhaqan ah.” Ayuu yidhi .