“Haddaan Degmada Gar-adag La Keeni Qalabka Lagu Ogaanayo Covid-19, Khatartu Way sii badanaysaa..”

0
547

Hargeysa (Geeska) – Deegaano ka tirsan Somaliland, ayaa laga dayriyey xaaladda ka jirta, gaar ahaan xanuunka Covid-19, iyadoo la xusay in aanay deegaanadan oolin qalabka shaybaadhka ee lagu kala saarayo dadka qaba xanuunkan iyo dadka aan qabin.

Deegaanada hoos yimaadda Degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag, ayaa sidoo kale la sheegay in halkaas ay ka jiraan abaar iyo biyo yaraan.
Maayarka Degmada Gar-adag Faarax Aadan Ciise oo la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ka hadlay Xaaladda Degmadiisa iyo Xanuunka Covid-19, waxaanu yidhi “Xanuunka Covid-19, aad buu hadda ugu badan yahay Gobolka Sanaag, oo dad badan u dhintay, gaar ahaan Deegaanada hoos yimaadda Degmada Gar-adag, aad iyo aad buu xanuunku ugu badan yahay, ilaa haddana lama keenin qalabkii lagu baadhayey ee lagu kala ogaanay dadka xanuunkani ku dhacay iyo dadka aanu xanuunkani ku dhicin, haddii aan qalabkan la keenina khatartu way sii badanaysaa, sidaa awgeed waxaan leeyahay inta aanu xanuunku sii fidin, si loo xakameeyo dadkuna u taxadiraan waa in la keena shaybaadhkii lagu ogaanay Covid 19, dadkuna waxaa haboon inay qaataan tallooyinka iyo wacyigelinta”.

Mar wuu ka hadlaayey abaaraha wuxuu yidhi “Abaaro daran iyo biyo yaraan aad u daran ayaa Deegaanka ka jira, dadkuna aad bay u cadilan yihiin, waxayna dadkani u baahan yihiin in lala soo gaadho biyo deg deg ah iyo gurmad deg deg ah, haddii kale dadka deegaanadani waxay u dhimanayaan abaar culus , biyo yaraan iyo covid 19,ILLAAHAYNA waxaan ka baryeynaa inuu wax walba khayr inooga dhigo, inuu abaarta iyo xanuunkanba inaga dulqaado”.

Geeska.net/Hargeisa Office