Xanuun Khatar Ku Ah Wadnaha Oo La Ogaaday In Uu Xidhiidh La Leeyahay Cunista Hilibka Duban

24
2867

London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa isku xidhiidhisay cunsita hilibka duban iyo dhiigkarka aadka u sarreeya. “Natiijada cilmibaadhistayadani waxa ay muujinaysaa in dadka ka fogaada hilibka noocyadiisa, xoolaha, digaagga iyo kalluunkuba sida tooska ah loogu dubo dabka ama heerkul aad u sarreeya (Moofada korontada) ku bislaada, in ay yaraato cabsida looga qabo in uu ku dhaco dhiigkar aad u sarreeyaa” Sidaa waxaa caddeeyey, Dr. Zhang Liu, oo ka tirsan kulliyad caafimaad oo hoostagta jaamacadda caanka ah ee Harvard oo u warramay qaybta caafimaadka ee wakaaladda wararka ee Reuters uga warramay daraasaddan.

Dr. Zhang waxa uu intaas ku sii daray, “In kasta oo ay cilmibaadhiso badani ay hore u tilmaameen in cunista xaddi aad u badan oo ah hilibka xoolaha, gaar ahaan marka uu warshadaysan yahay / qasacadaysan yahay, ay kor u qaaddo khatar ah in qofka uu ku dhaco dhiigkar aad u sarreeyaa. Laakiin haddana ma’ay sheegin in hilibka digaagga iyo kalluunkuna arrintan xidhiidh la leeyahay. Maadaama oo aanay daraasadahaas hore, marnaba xisaabta ku darsan in qaabka hilibka loo kariyey ay tahay arrin muhiim ah, marka caafimaadka loo eegayo”

Natiijada daraasaddan cusub oo lagu soo bandhigay shirweynihii daladda dhakhaatiirta wadnaha ee dalka Maraykanka oo ka qabsoontay magaalada New Orleans. Dr. Zhang Liu iyo jaalkiisa daraasaddan kula jiray waxa ay baadheen xidhiidhka ka dhexeeya habka hilibka loo kariyo iyo dhiigkarka dadka waaweyn ee joogtada u cuna noocyada hilibka, xoolaha, digaagga iyo kalluunka. Intii ay daraasaddan wadeenna waxa ay ka qaybgaleen saddex cilmibaadhisood oo muddo dheersocday, oo tijaabo lagu samaynayey rag iyo dumar tiradoodu ka badna tahay 100 kun oo ruux oo ka caafimaad qabay, dhiigkar, macaan, wadne xanuun iyo kansar. Tijaabadaas ayaa lagu ogaaaday in 37 kun oo qof oo 100 kii kun ka mid ahi ay muddo 12 illaa 16 sano gudahood ah oo ay hilib cunayeen qaadeen dhiigkar daran.

Dr. Zhang  oo ka hadlay shirkan ayaa waxa kale oo uu sheegay in heerkulka aadka u sarreeya ee hilibka lagu bisleeyaa uu isna leeyahay khatar la mid ah taas uu leeyahay hilibka dabka tooska ah lagu dubaa, “Kiimikooyinka ka dhasha heerkulka aadka u sarreeya ee hilibka lagu bislaynayaa waxa ay qofka cunaya ku keentaa isu dheellitirnaanshiyo la’aan dhinaca sunta iyo awoodda sun la dagaallanka ee jidhka ah, kaar iyo nabar, iyo in jidhku iska caabiyo insulin ta, sida lagu ogaaday tijaabada lagu sameeyey xawaanno kala duwan, sidaa awgeed waxa aad u soo kordhaya suurtagalnimada ah in hilibkaasi uu keenayo dhiigkar sarreeya”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here