Sida Ugu Habboon Ee Ay Tahay In Uu Maamuluhu Ula Dhaqmo Shaqaalihiisa Ka Aqoonta Iyo Waayoragnimada Badan

21
2780

Hargeysa (Geeska)- Shirkadaha iyo hay’adaha qaar ayaa marka ay maamuleyaasha magacaabayaan ama dallacsiinayaan shaqaalahooda, aan dank a gelin kala duwanaanshiyaha dhinaca da’da. Muhiimaddooduna ay tahay uun in ay qofka ku qiimeeyaan hal-abuurkiisa, kartidiisa, hawlgudashadiisa, horumarka uu samaynayo, himiladiisa iyo garaadkiisa. Shirkadahan ama wakaaladahan iyo hay’adahani waxa ay ku dhaqmaan fikir ah in laga xoroobo dhaqannadii iyo caadooyinkii mihnadeeed ee soo jiri-jiray oo ahaa in qofka maamulaha noqonayaa uu noqdo mid da’ weyn. Tusaale ahaan in uu Afartan jir ka weyn yahay.

Laakiin habdhaqankan maamul ee cusubi waxa uu keenay arrin aan hore u jirin oo ah, in maamulayaasha dhalinyarada ahi ay caqabado kala kulmaan shaqaalaha ay madaxda u noqonayaan, gaar ahaan marka ay aqoon ama khibrad tiisa ka badan isku tuhmayaan, ama da’diisa yar ku quudhsanayaan. Waxaa hubaal ah in shaqaalaha da’da ahi ay hayaan aqoon iyo waayoaragnimo badan, waxa kale oo la ogyahay in maamulaha da’da yari uu shaqada iyo horumarinteeda u hayo xamaasad, firfircooni, himilo iyo niyad ka badan shaqaalaha da’da ah. Haddii uu maamulaha da’da yari doonayo in uu isku darsado intaas ku jirta shaqaalaha da’da weyn iyo inta isaga ku jirta, oo uu sidaas ku noqon karo maamulaha ugu fiican, waxaa la gudboon in uu qaato talooyinka.

Runta ku dadaal:

Haddii warbixino laguu keenay ay kaa dalbanayaan in aad qabato hawl aanad garanaynba ka jawaabisteeda, ku dadaal hadalka cad iyo badheedhaha. Ceebtu waxa ay tahay in madax badani ay ka khajilaan in ay qirtaan garasho la’aantooda arrimaha laga rabo ama faham la’aantooda arrimaha shaqada la xidhiidha, iyaga oo aaminsan in ay taasi hoos u dhigayso meeqaamkooda, laguna dhaliili doono in aanu xilka u qalmin.

Waxa aad ogaataa in midhka aad ka cabsanayso oo dhaca, ay ka sii xuntahay in aad qaaddo tallaabo aanad hubin saxnimadeeda ama aqoon u lahayn, kaddibna ay ka dhalato natiijo adigana ceeb kuu soo jiidda hay’adda aad maamulaysana hagardaamo ku keenta. Taasi haddii ay dhacdana ceeb tii aad ka baqanaysay ka weyn ayaa kuu taalla.

Dhinaca kalana waxaa run ah in uu dareen fool xun kaa qaadanayo, qofka shaqaalaha ah ee inta uu su’aal iyo xal raadis kuugu yimi aad u sheegto in aanad garanayn oo aad qof kale weydiinayso ama weydiin doonto.

Sida ugu fiican ee aad labadan arrimoodba uga nabadgeli kartaa waa in aad hab xikmadaysan ugu sheegto in aanad arrintaas jawaabteeda hubin, sidaa awgeed aad lataliyaha ama khabiir kale oo kula shaqeeya kala tashan doonto, kaddibna inta aad dib u baadho, latashina samayso aad mar labaad la kulanto qofkii shaqaalaha ahaa oo aad arrinta xalkeeda u dhiibto. Waxa ay taasi qofka shaqaalaha ah tusaysaa in aad tahay ruux isku kalsoon, oo midh uu garan waayey haddii uu jiro, ay dhinaca kalana jiraan arrimo badan oo uu garanayaa.

Shaqaalahaaga wax ka baro:

Ha ka baqan aqoonta, macluumaadka iyo waayoaragnimada ay shaqaalahaagu ku dheeryihiin, balse ka faa’iidayso. In aad madax ka noqoto shirkad ama xafiis aad ku cusub tahay waa arrin dadaal iyo hawl badani u baahan, laakiin xasuusnoow, in shaqaalaha aad u timi laftigoodu aanay wax badan kaa garanayn, in aanay weli fahamsanayn siyaasadahaaga, aragtida aad doonayso in aad maamulkaaga ku jihayso, iyo waxa aad samayn doonto midna. Kalsooni kuma qabaan midkooda aad dallacsiin doonto iyo ka aad hoos u celin doonto, ka aad shaqadiisa ku qanci doonto iyo ka aad canaan iyo digniin u qori doonto. Sidaa awgeed ka faa’iidayso fursaddaas oo inta ay iyagu kaa haybadaysanayaan, adigu ha ka haybadaysan ee ku dadaal in aad xawaare badan oo dhinaca fahamka ah samayso.

Toddobaadada u horreeye ee aad shaqada la wareegto, waqti la qaado shaqaalaha, oo dhammaantood la fadhiiso kulamo shaki iyo sheeko labadaba, wararyso, u fiirso hawlmaalmeedka ay qabtaan ee hore u soo socday, su’aalo badan ka weydii hawlaha ay hayaan.

Shaqaaluhu si ay kalsooni kuugu beertaan, ugana nabadgalaan isbedellada aad keeni doonto, waxa ay ku dadaali doonaan in waqtiga aad siisay ay uga faa’iidaystaan in ay ku tusaan aqoonta iyo waayoaragnimada shaqada ay u leeyihiin, sida ay shaqadu ahayd marka ay bilaabeen, inta ay ku soo kordhiyeen iyo waxa ay hiigsanayaan, xogtaas ay ku siinayaan adiga waxa ay kuu noqonaysaa duruus aad ka korodhsanayso fahamka shaqada socota, iyada oo aanay shaqaaluhu ku dareemin in aad wax ka baranayso.

Si gaar ah u warayso, shaqaalaha muddada dheer joogay, tusaale ahaan toban sano iyo ka badan. Waxa ay u soo joogeen isbedello badan, waxa ay ku soo shaqeeyeen duruufo kala duwan, waxa aanay ogyihiin sida wax ahaan jireen iyo isbeddelka imika jira. Waxa ay fahamsan yihiin waxa meesha shirkadda ama hay’addu u xooggan tahay iyo meelaha wanaajinta iyo dib u habaynta u baahan, waxa kale oo ay kuu sheegi meelaha aan abidba wax laga beddelin ee imika kuu dihin in aad horumar ka samayso. La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here