Xamaalinta Loo Yaqaano ‘Geellayaasha’ Ee Dekadda Berbera Oo Cabasho Ka Muujiyey Shirkadda DP WORLD

0
414

Berbera (Geeska) – Ururka Xamaalinta Dekedda Berbera ee Geelaha, ayaa cabasho ka muujiyey Shirkadda DP World ee gacanta ku haysa maamulka Dekadda Berbera, waxayna sheegeen inay Shirkaddu ka baxday heshiis ay wada galeen sannadkii 2017, waxayna baaq u direen Madaxweynaha oo ay ugu baaqeen inuu arintan u xilsaaro Guddi, waxna ka qabto.

Mid ma mid ah Masuuliyiinta ururka Geelaha oo arintan ka hadlay wuxuu yidhi “Halkan waxaanu kaga cabaynaynaa Shirkada DP World, oo heshiiskii 2017 naloo kala dhigay ka baxday, oo sifo sharci daro ah uga baxday, xilliga ay heshiiska jabisayna waa 23/3/2021 oo lacagtii geelaha sifo sharci daro ah ku qaadatay, maadaama ay caynkaas tahay waxaanu Xukuumadda ka codsanaynaa inay naga qabato Shirkadda DP World ee sharci darada ku haysta lacagtayadii, Wasiirka Sacad Cali Shire gaar baan uga cabanaynaa waayo waa Wasiirkii ee heshiiska noo kala dhigay, toddoba bilood isaga ayaanu ku soo noqaynay oo aanu u dacwoonaynay markii DP World Dekadda lagu wareejiyey 14 urur oo sharciya oo u madax-banaan ayaanu nahay, DP World waxaa lagu wareejiyey lacagtii Dawladda iyo lacagtii ay Dekaddu ku shaqaynaysay,laakiin lacag ururo laguma wareejin, oo lama odhan lacagtaasi meesha ayey ka baxayaan”.

Masuul kale oo isna ka tirsan Ururka Geelaha ayaa isna yidhi “Annaga wax noo kordha daayo shaqadayadii ayaa qayb nalaga qaaday iyadoon wax shuruud ah lagu xidhin, sidaanu ugu wada doodaynay oo arintadayada lagu dhex jiray ayaa mar kaliya la yidhi lacagta DP World ku soo shuba, intaabana waanu dacweynaynay, laamaha Dawladda meel walba waanu marnay, inta aanay Doorashadu dhicin, waxaa nalagu yidhi Madaxweynaha ayaa arinkiina Guddi u saaraya, Madaxweyne arinkayagaas hoos u eego oo Guddidii la sheegayey ee la lahaa Madaxweynaha ayaa arinkiina Guddi u saaraya, Madaxweyne waanu sugaynaa, waxaana ka raynaynaa in arinkan sida ugu dhakhsaha badan inaanu war ka heli doono..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office