Somaliland Oo Wefti Culus U Dirtay Kenya

0
523

Hargeysa (Geeska) – Wefti ka socda Dawladda Somaliland, ayaa Shalay socdaal ku tagay Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Weftiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd, kana mid yihiin Wasiirrada Qorshaynta Qaranka, Wasiirka Maaliyadda, Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo Saraakiil ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda, ayaa Arbacadii Shalay gaadhay Magaalada Nairobi.

Weftigan oo muddo halkaa joogi doona, ayaa waxa la kulmi doonaan Madaxda Dawladda Kenya oo ay ka wada-hadli doonaan arrimo khuseeya xidhiidhka labada dal.

Qoraal uu Shalay baahiyey Safiir ku-xigeenka Somaliland ee Dalka Kenya Ambassador Sharmaarke Geelle, ayuu ku sheegay in Weftiga ka socda Somaliland muddada ku sugan yihiin Nairobi ay la kulmi doonaan Madaxda dalka Kenya.

Qoraalka uu Safiir ku-xigeenku ku baahiyey Internet-ka ayaa u qornaa sidan “Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaaradda Arrimaha Dibedda JSL kana kooban Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo la-taliyeyaal sare, ayaa soo gaadhay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi. Weftiga ayaa inta ay joogaan kulamo la yeelan doona Dawladda Kenya iyo saaxiibada caalamiga ah ee Somaliland.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office