Xalay Iyo Khudbadii Madaxweyne Siilaanyo U Jeediyay Qurbo Jooga London

1
632

 

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed 81DUQAMaxamed Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xalay khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay qurbo jooga Somaliland ee ku nool  magaalada London ee dalka Ingiriiska.

 

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu ka hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan dhinacyada nabadgelyada, horumarka, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Madaxweynuhu, ugu horayn isagoo ka hadlaya safarkii uu ku sii marya Itoobiya ee uu kula kulmay Raysalwasaaraha dalkaas Meles Zenawi, wuxuu sheegay inuu kala hadlay dhibaato dhawaan ka dhacday gudaha kililka shannaad ee Somalida Itoobiya oo ah dagaal dhex maray laba beelood, “Itoobiya Meles Zenawi iyo masuuliyiinta sare ayaanu is aragnay, waa dal aynu jaarnahay, wax wada qabsi iyo jaarnimo inaga dhaxayso.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu intaas raaciyay “Waxaanu ka wada hadalnay arrimo dhibaatooyin ka taagnaayeen oo ah gobalada ugu shisheeya ee dadkeenu soo galaan oo dhibaatooyin ka dhacay, arrimahaasna wuxuu naga balan qaaday inuu wax wanaagsan ka qabto, talaabooyin cadna uu ka qaaday intii aanu ka maqnayn. Inkastoo aanu u arkaynay inay Arrinktaasi iyadoo Itoobiya gudaheeda ay  tahay, haddana waa waxani waa wax saamayn ku leh dadkeena wada jirkiisa, dhaqaalihiisa iyo wada jirkeena iyo wada shaqaynta, waxaanu idiin cadaynaynaa inuu yahay dal aanu si fiican isu af garanay oo ay wada shaqayni naga dhaxayso.”

Madaxweynuhu, wuxuu tiriyay wax qabadkii xukuumadiisa mudadii ay jirtay oo ay ka mid ahaayeen kordhinta mushaharka ciidamada, shaqaalaha iyo dugsiyada waxbarashada ee lacagta laga dhaafay oo uu ku sheegay inay yihiin arrimo muhiim ah, isagoo xusay inay dhaxleen dal miisaaniyadisa iyo dhaqaalihiisuba liiteen. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu sheegay inay xukuumadiisa guul u tahay inay gobalka Togdheer ka bedeshay lacagtii hore ee giimbaarta loo yaqaanay.

Mar uu ka hadlayay gobalada bari, wuxuu sheegay inay xukuumadiisu ahmiyad gaar ah siinayso gobaladaas, isagoo xusay in wax kasta uu diyaar u yahay in lagu dhameeyo wada hadal.  “Annagu waxaanu diyaar u nahay inaanu wax alle wixii aanu ka qaban karno ka qabano gobaladaas haddii ay tahay caafimaad, waxbarasho aanu mudaanta koowaad siino, laakiin waxaanu cadaynaynaa marka ay timaado qaranimada Somaliland, waa mid aan jiritaankeeda cidna lagala tashanayn, waa mid ay ciidamadeedu u samaysanyihiin oo qaranimadeeda difaacaysa.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynuhu, mar uu ka hadlay dhibaatadii dhawaan ka dhacay Ceerigaabo, wuxuu sheegay in arrintaas la dhammeeyay “hawshaas shaqaaqadii ka taagnayd waa la dhameeyay si wanaagsan oo fiican ayay ku soo dhammaatay wararkii noogu dambeeyay;  halkaas ayaanay ka sii socon doontaa.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay dalka ku xidhanyihiin dad badan oo u xidhan arrimo argagixiso iyo budhcad badeed kuwaas oo uu sheegay in inkastoo loola yimaado in la sii daayo, haddana aanu marna taas yeelayn  “Ciddii argixisisada gasha cidna looma sii daayo, ama wixii budhcad badeeda gala, waa lanoo soo dacwdoodaa laakiin kama dhagaysano, kamana dhagaysan doono inshaalah.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Ugu dambayn, wuxuu Madaxweynuhu sheegay in mudadaas ay xukuumadiisu jirtay ay muujisay wax qabad, “Waxaan isleeyahay mudadaas aanu jirnay dedaal badan ayaanu gaysanay, intaasna waanu ka sii kordhin doonaa.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu qurbo jooga kula dardaarmay inay mar walba heegan u ahaadaan horumarka dalkooda.

Comments are closed.