Guddoomiye Cirro Oo Sharaxay Sababta Uu Goluhu U Laalay Diiwaangelintii Hore

0
659

 

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Golaha wakiilada Md.cabdiraxmaan-cirro-1-300x225 Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa difaacay islamarkaana sababeeyay go’aankii ay golaha wakiiladu ku laaleen diiwaangelintii lagu galay doorashadii u dambaysay ee madaxtooyada.

 

Guddoomiye Cirro, oo shalay u waramay laanta Afka Somaliga ee BBC-da, wuxuu yidhi  “Waxa  diiwaangelin laga sameeyay Somaliland si loogu galo doorashadii madaxtooyada, haseyeeshe inkastoo oo dedaal badan la sameeyay waxa ka soo baxay khaladaad badan, taas oo ay cadeeyeen dad farsamoyaqaano ah oo  ajaanib ah oo loo soo diray inay Seerfarka eegaan iyo cabashadii dadka oo runtii aad u badnayd iyo axsaabtii Mucaaradka gaar ahaan xisbiyada  UCID iyo UDUB waxay kor ugu dhawaaqeen in diiwaangalintii ahayn  lagu gali Karin doorashada soo socota aanay ku galayna.”, waxaanu intaas raaciyay “Doorashada dawladaha hoose waxa la mudeeyay in la qabto bisha afraad  sanadka soo socda 2012-ka, gaadhay in dad badan oo dhallinyaro ahi ay gaadheen wakhtigii ay ku codeyn lahaayeen, taasina way cadaatay, markaa 47 mudane iyagga oo arimahaa tixgalinaya waxay soo jeediyeen in xeerkii diiwaangalinta lagu noqdo oo wax laga badalo, markii aanu ka doodnay mooshinkaasi ay mudanayaashu keeneena laba qodob oo keliya ayaa noo soo hadhay, kuwaas oo ah in doorashadii la qabanayo bisha afraad ee sanadka soo socda oo ay ka hadhsan tahay wax aan ka badnayn lix bilood, in diiwaangalin cusub la sameeyo oo aanay suurto-gal ahayn in lagu dhameeyo wakhtigaa doorashada  iyo in doorashada diiwaangalin la’aan lagu gallo, markii duruufahaas la eegay  aqlabiyada goluhu waxay  isku raaceen in diiwaangalintii hore la laalo, mid cusubna la sameeyo oo la dhamaystiro doorashada Baarlamaanka soo socota ka hor, laguna gallo doorashooyinka soo socda dhammaantoodna, taana waa la bilaabay oo waxa jira mashruuc la yidhaahdo isdiiwaangelin guud oo  ay iska kaashanayaan  guddida doorashooyinka iyo wasaaradda daakhiliga oo lagu dhammaystiri doono muddo aan ka badnayn  18 bilood.”