Guddiga Diiwaagelinta Oo Si Rasmi Ah U Furay Qabashada Araajida Furashada Ururada Cusub

0
639

gudiHargaysa ( Geeska ) Guddida diiwangalinta ururda siyaasada ee Somalinad ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay in muddo lixdan malmooda ay isku diiwan galiyaan ururada siyaasada ee Somaliland, mudadaas oo ka bilaabmaysa 12-NOV- 2011, waxa sida oo kale ay guddidu soo bandhigeen shuruudaha laga rabo ururada is diiwangalinaaya.

Xaflad ay u sameeyeen guddida diiwangalintu ku dhawaaqitaanka furashada ururada siyaasda waxa ka qayb galay Komishanka doorashooyinka qaranka, Xisbiyada qaranka  iyo ururada bulshada kuwaasoo uu dhamaantood uu sheegay gudoomiyaha guddida diiwangalinta Cabdirisaaq Ciyaale inay markhaati ka noqonayaan ku dhawaaqitaanka.

Ugu horayntii afhayeenka guddida diiwangalinta Xasan Axamed Ducaale ( Xasan macalin ) oo xafladaas ka hadlay waxa uu halkaas ka akhriyay qiraalka ay guddidu soo saartay oo sidan udhignaa

“ Sidaas La Socotaan Wax laysla Qaatay in Dib Loo Furro Ururadda Siyaasadda Si uu Tartan kale Dib u Dhaco, Sidaas Darteed Guddida diiwangalinta Ururaddu  iyadda oo ka Duulaysa Dastuurka Dalka iyo nidaamka Habka xisbiyada badan ee Uu dalkani Qaatay, iyada kudhaqmaysa xeerkii nidaamka  ururada iyo asxaabta  Xeer Lambar 14, Farqadiisa qodabkiisa 4-aad, faqradiisa 1-aad,2-aad,3-aad,4-aad,.

Iyadoo tixgalinaysa in hore loo qabto doorashooyinka dib u dhacna aanu u iman waxaanay go’aamisay,

In  Laga Bilaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 12- NOV -2011 waa ay Furan tahay is diiwangalinta ururada siyaasada lana qabanaayo araajida codsashada.

Inay xidhmayso kuna eegtahay isdiiwaangalintu iyo qabshada araajida ururada siyaasada markay taariikhdu tahay 11-Janawari- 2011, mudadaas oo ah laba bilood ( 60 Casho )

Ururadu waxay codsiyadooda ku soo hagaajinayaan xafiiska xarunta dhexe ee gudida oo Hargaysa ku yaala.

 

Shuruudaha laga rabo cidii rabta inay is diiwangaliso ururka siyaasadeed

Inuu ku soo qorto arji Fomka loogu talogalay.

Goortii  iyo goobtii uu ku qabtay shirkiisii aas-aaska ee u horeeyay.

Liska magacyada aas-aasyaasha iyo habkii loo doortay.

Liiska magacyada hogaanka, guddida fulinta iyo golaha dhexe

Qaabdhismeedka ururka.

Magaca ururka oo dhamaystiran iyo habkuu u qormaayo marka la soo gaabiyo.

Cadayn baxinta cashuur dhan 150,000,000, ( Boqol iyo kontan milyan S/land shilin )

Intaas kadib waxa halkaas ka hadlay gudoomiyha guddida diiwangalinta  Cabdirisaaq Jaamac Cumar ( Ciyaale ) waxanu sheegay inay sidaa ay ugu dhawaaqeen ay tahay oo ay is diwaangalintii ururadu furantahay, waxanu ka digay gudoomiyahu inay ururada noqdaan kuwo aan waxba soo koordhin oo magacuun ah isla markaasna qofuun u taliyo,  waxaanu xasay in ururada la doonaya in la diiwaan galiyo ay ku saleeyaan xeerkooda xeer naber 14.