Xaflad Loo Sameeyay Furitaanka Dugsiga Hoose Dhexe Ee Iftin School

0
1105

iftin

Hargaysa(Geeska) Xaflad balaadhan oo lagu qabtay hotel Ambassodar ee magaalda Hargaysa ayaa shalay xadhiga lagag jaray dugsi hoose dhexe ee IFTIN Schools, dugsigaas oo laga dhisay gaar ahaan xaafada istaar.

Xafladan dugsiga xadhiga lagaga jarayay waxa ka soo qayb galay Agaasimaha tacliinta sare Khadar Axmed Diiriye, gudoomiyaha wax waxbarashada gobalka Maroodi Jeex Cali Cabdi Jaciir, aqoon yahan Maxamed Yuusuf, culimo, waalidiin iyo marti sharaf kaloo aad u tiro badan.

Ugu horayn waxa ka hadlay furitankii xaflada lagu daah furayay dugsiga hoose dhaxe ee IFTIN maamulaha dugsigaas Axmed Maxamed waxaanu ka hadlay sababha loo aas aasay dugsigan cusub waxana hadaladiisa kamid ahaa “Aniga oo ku hadlaya magaca maamulka dugsigan waxa aan jecelahay in aan xoogaa idiika taa-taabto arimaha dugsiga. Hadaan ugu horeeyo dugsigu waxa uu ku yaalaa wadada dhinaca bari uga baxda istaar, waa uu iskuulku ka kooban yahay 13 Fasal iyo 3 xafiis iyo goob lagu nusausaaceeyo. Waxaanan ku soo kordhin doonaa qayb wax akhris iyo goob caruurta lagu ciyaar siiyo. Sababha dugsigan meesha looga dhisayna waa baahi ay arkeen mulkiilii dugsiga iyo raggii la hindisaayay, baahi ay arkeen inay xaafadu u baahantahay dugsi hoose dhaxe oo ay meeshasina noqotay meeshii ku haboonayd.”  Isaga oo maauluhu hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Tira ahaan waxa dugsigan loogu talo galay inay dhigan karaan kudhawaad 600 oo arday taasina waxa ay ku tusinaysana inuu dugsigu haysto dhul aad u banaan oo ay ardaydu ku ka nafisi karaan xiliyada nususaacaha oo kale. Waxa uu iskuulku ku yaalaa meel ku haboon wax barashada oo aad u bilicsan, hadafka waxbarashanuna waxa uu noqonayaa inuu hormuud ka noqdo dugsiyada hoose dhaxe ee Somaliland, taasina waxay rumoobaysaa marka la helo macalimiin tayo leh iyo manhaj tayo leh, macalimiintii waanu helnay waliba kuwo tayo leh, manhajka dugsiguna waa manhajka Somaliland. Waxaanu hiigsanaynaa inaanu kamid noqono dugsiyada ugu tayada wanaagsan Somaliland taasina waxay suuto gali kartaa marlabaad in ay xidhiidh joogto ah yeeshaan waalidiinta, macalimiinta iyo ardaydu.”

Ugu danbayntii isaga oo maamuluhu ka hadlaya luuqdaha dugsigan xiisadihiisu ku baxayaan waxa hadaldiisa kami ahaa “Manhajka waxbarshadu waxa uu ku baxi doonaa laba looqadood oo kala ah ingiriisida iyo carabiga, luuqada ingiriisiga waxa ku baxay Sayniska, xisaabta iyo taajiikhda, carabigana waxa ku baxaya xiisadaha edabka ah. Hiigsiga dhaw waxa aanu doonaynaa inaan guga faa’dayno dadka xaafada dagan ee luuqadaha u aada meelaha fog fog iyagana sida luuqada Ingiliishta. Waxa kaloo aanu ku talo jirnaa kombiyuutarka isna inaan ku soo kordhino dugsiga”

Gudoomiyaha wax barashada ee gobalka, agaasimaha waxbarashada sare, waalidiintii iyo culimadii xafladaa furitaanka IFTIN Schools ka hadlay dhamaantood waxa ay amaan balaadhan u soo jeediyeen dhismaha dugsigan iyo uu mulkiilihii lahaa ee isku hawlay  inuu dadka u faa’ideeyo.

Waxa ugu danbayntii xadhiga ka jaray dugsiga cudub ee IFTIN agaasimaha tacliinta sare Khadar Axmed Diiriye, iyada oo dhismaha dugsigaas oo ka kooban sadex dabaq iyo dhul balaadhan oo loogu talo galay inay caruurtu ku cayaarto lagu soo wareejiyay saxaafada iyo masuuliyiintii kale ee ka soo qayb gashay xaflada furitaanaka dugsiga.