Qurbo-jooga Gobalka Hawd Oo Baligubadle Gaadhsiiyay Caawimooyin Kala Duwan

0
681

Hargeysa(Geeska)-Qurbo Jooga Gobolka Hawd ee ku dhaqan wadamada Ingiriiska iyo Sacuudi Carabiya  ayaa shalay deeq balaadhan guddoonsiiyay maamulka Gobolka Hawd.

Xaflad Si Heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay Hotel Al Xayaat ee Magaaladda Baligubadle ayaa waxa ka soo qayb galay Badhasaabka Gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hurre, Mayorka Magaaladda Baligubadle Ibraahim Colaad Jaamac, Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbiga UCID Maxamed Ibraahim Aadan Qabo, Axmed Maxamed Siciid, Axmed Maxamed Caalin Tiimbaro, xubno ka mid ah qurbo jooga ka soo jeeda gobolka hawd, odayaal iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.Ugu horeyn waxa xafladda guddoonsiinta qalabka iyo aduunka lacageed ee lagu wareejinayay maamulka gobolka Hawd hadalo koob-kooban ka soo jeediyay.   Mayorka Magaaladda Baligubadle Ibraahim Colaad Jaamac ayaa sheegay in magaaladda Baligubadle ay si weyn u tabayso gacantii dadka u dhashay iyo waliba xukuumadda.

 Madaxa MCH-ka Magaaladda Baligubadle Xuseen Xasan oo isna halkaas ka hadlay ayaa faahfaahin dheeri ka bixiyay baahiyaha kala duwan ee yaala cusbitaalka, waxaanu aad ugu nuuxnuuxsaday in ay jiraan baahiyaha kala duwani.Waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyay Wasiirkii hore ee Beeraha Cabdi Haybe Muxumed oo uu tilmaamay in wakhtigii u ahaa wasiirka caafimaadka uu gacan laxaad leh ka geystay horumarinta MCH-kan  iyo waliba Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo uu carabka ku dhuftay in ay adeegyadda caafimaadka ee uu u baahan yahay  MCH-ka Baligubadle ay ugu qayshadaan,

Xoghayaha arrimaha Gudaha ee Xisbiga UCID Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo isna halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in qurbo jooga ka soo jeeda gobolka Hawd ay dedaalkooda inta ugu badan gelin doonaan sidii ay  uga qayb geli lahaayeen dib u  dhiska magaaladda.Waxa uu xusay in uu hadda gacanta ku hayo ku dhawaad 14 qof oo ka mid ah jaaliyadda dalka ingiriiska, kuwaas oo doonaya in ay guryo ka dhistaan magaaladda Baligubadle isla markaana soo shubay cashuurtii laga rabay, “Waxa aanu halkan ku sidnaa oo aanu idinku soo wareejin doonaa taageero aan sidaas u buurnayn, waxaana ka mid ah Gaadhi Amblance ah, Lacag gaadhaysa 33 kun oo dollar oo hor dhac u ah wadada isku xidhaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Baligubadle, 15 ka mid ah Hablaha  jaaliyadda Ingiriiska ee gobolkan ka soo jeeda oo doonaya in ay ka dhistaan Magaaladda Baligubadle lacagtii loogu cashuuri lahaa dhulka, waxaanan ku nidhi waa in aad lixda bilood ee ugu horeeyaba aad guryo qurux badan ka dhistaan magaaladda, laakiin way ka cudur daarteen oo waxa ay yidhaahdeen hal sano gudahood hadii alle yidhaahdo ayaanu ku dhisan doonaa, waxa kale oo ka mid ah alaabta aanu rabno in aanu ku wareejino maamulka gobolka Kamarad la rabo in wararka gobolka lagu soo duubo” ayuu yidhi.

Maxamed Ibraahim waxa kale oo uu xusay in dhakhaatiir badan oo ka soo jeeda gobolka Hawd ay iyaguna dedaalkooda isugu geyn doonaan sidii ay dhinacyada caafimaadka wax badan uga qaban lahaayeen waxaanu yidhi “Dad badan oo dhakhaatiir ah ayaa jira kuwaas oo ka qayb geli doonaa dib u dhiska ama habaynta caafimaadka ee gobolkan, in kasta oo hadda ujeedadayada ugu weyni ay tahay sidii aanu uga qayb geli lahayn wadada isku xidha baligubadle iyo hargeysa”

Axmed Maxamed Siciid oo ah wakiilka xisbiga UCID EE Dalka Sacuudi Arabia oo isna halkaas ka hadlay ayaa ayaan darro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay in siyaasiyiinta gobolka Hawd ka soo jeeda ay ka muquurtaan wax u qabashada gobolkooda.

La Taliyaha Arrimaha Dhalinyarada ee Madaxweyneha Somaliland Cabdi Najax Siyaad Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa mahadnaq balaadhan u soo jeediyay Qurbo jooga gobolkan hawd ee iyagu dedaalka u gelay sidii ay wax ugu soo celin lahaayeen.

Gabogabadiina badhasaabka gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hurre oo halkaas ka hadlay ayaa si gaar ah jaaliyadda gobolkan hawd uga mahad celiyay dedaalka ay ka galeen sidii ay magaalada baligubadle wax  uga qaban lahaayeen.