Masuliyiin Ka Tirsan Dawlada Kenya Oo Lagu Eedeeyay Inay Dhaqaale Ku Caawiyeen Al-Shabab

0
809

Nayrobi(Geeska)-Wasiirka dalxiiska dawladda Kenya Najib balaala iyo Xilidhaanad  Aamina Cabdalaha oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya ayaa beeniyay warbixin ay soo saareen guddiga cunaqabtaynta hubka Somaliya ee Qaramada Midoobay, oo sheegay inay labadan masuul lacag ku taageereen kooxda Al-Shabaab.

Warbixintaas ay soo saartay shalay Qaramada Midoobay  ayaa lagu sheegay In Wasiirka Dalxiisa Kenya Najib Balalaa uu ku tabarucay lacag gaadhaysa  200,000 oo Shillin oo Kenya ah si loogu dhiso Majid sanadkii 2009-kii laakiin lacagtaas ayaa la sheegay in ay gacanta u gashay Ururka Al-shabab ee ka taliya qeybo kamid ah Soomaaliya.

Warbxinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in xildhibanada Aamina Cabdalaha y deeq ahaan u siisay Al-shabab 500,000 oo shillin Kenya ah  17-kii February ee sanadkan iyadoo ugu shubay lacagta Sanduuq uu maamulo mid ka mid ah ragga maalgaliya Al-Shabaab.

Mr Najiib Balala Waiirka Dalxiiska Kenya ayaa waxaa uu Sheegay inaanu lacag ku taageerin hawlo argigixiso balse uu sii wadi doono waajibna ka dhigay taageerida Howlaha Muslimiinta. 

Waxa uu intaasi ku daray in uu xasuusto in dhaqaale uu ugu Deeqay masaajid la doonayay xiligasi in la dhiso taasina aanay ahayn lacag ay ugu talagaleen halwaha Al-Shababa ay ka wadaan Soomaliya. Warbixinta ayaa lagu sheegay inaan la hayn caddayn buuxda oo tilmaamaysa inuu wasiirku ka war qabay in deeqdaas loo gudbin doono Al-Shabaab, waxase ay warbixintu sheegtay in xildhibaanad Aamina Cabdallah ay xidhiidh dhow la leedahay mid ka mid ah ragga lacagaha u ururiya Al-Shabaab.

Labadan masuul ayaa si adag u beeniyay warbixinta Qaramada Midoobay, waxaanay ku tilmaameen mid faashil ah oo lagu xardhay hadalo been ah.

Xildhibaanada iyo Wasiirka lagu eedeeyay in ay Dhaqaalo ku taageereen Al-Shabaab ayaa kasoo jeeda Magaalo xeebeedka Mobmasa ee ay Degan yihiin Muslimiinta ugu badan ee Kenya.