Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Ugu Baxay Ingiriiska

0
498

 

Copy of Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay duhurkii u kicitimay dalka Ingiriiska oo uu socdaal shaqo ku tagay. Waxaanu ka dhoofay madaarka Hargeysa.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa ku sii sagootiyay madaarka Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Wakiiladda iyo Guurtida iyo masuuliyiinta Hoggaanka xisbiga talladda haya ee KULMIYE. Waxase ka maqnaa madaxweyne xigeenka Md. Saylici.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu sheegay inuu socdaal ku tagayo dalka Ingiriiska isla markaana uu sii mari doono wadanka Kenya. “Waxaan Aniga iyo Weftigaygu aan u ambo-baxaynaa dalka Ingiriiska, halkaasi oo aanu kula kulmi doono Wasiirka Arrimaha dibadda William Heague. DawladdaIngiriisku waa dawlad cilaaqaad aad u dheeri innaga dhaxeeyay iyo wax wada qabsi dhinacyo badan leh,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku ladhay “Waa Tii mugdi meesha soo galay, Inshaalaahu Mugdigaasi meesha waanu ka saaraynaa. imikana waxaan u tagaynaa inaanu wada hadal la yeelano masuuliyiintaas aan sheegay qaranka Ingiriiska madaxdiisa ka mid ah. waxaanan rajaynaynaa inay si fiican noogu dhacdo.waxaanan dalka iyo dadkaba u rajaynayaa wanaag, bash-bash iyo Barwaaqo.”

Madaxweynuhu waxa uu intaasi ku daray inuu kala hadli doono masuuliyiinta Ingiriiska baaqii ay dhawaan muwaadiniintooda ugu baaqeen inay ka soo baxaan Somaliland sababo la xidhiidha cabsi Nabad-gelyo darro.

Madaxweynuhu waxa intii aanu dhoofin madaarka salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa weftigan ku wehelinaya Wasiirrada Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire.