Xaflad Balaadhan Oo Xadhiga Looga Jaray Dhisme Japan Laanta Socdaalka Somaliland U Dhistay

0
659

 

aanyoHargeysa (Geeska)– Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta ka qeybgalay, isla markaana xadhiga kaga jaray Dhisme cusub oo loo dhisay laanta socdaalka Somaliland oo dawlada Japan maalgelisay.

 

Xaflad balaadhan oo lagu qabtay xarunta Laanta Socdaalka Somaliland, kana soo qeybgaleen, wasiiro ka tirsan xukuumada, xubno ka socday golayaasha Qaranka, masuuliyiin ka socday safaarada Japan ee Nayroobi, madaxda Hay’ada IOM oo hirgelisay dhismahaa iyo martisharaf kale ayaa ugu horeyn waxa ka hadlay,  Taliyaha ciidamada laanta socdaalka Somaliland Col. Maxamed Yuusuf (Ina Cambaro) ayaa   Madaxwaynaha JSL faahfaahin ka siiyay hawlaha laanta socdaalka Somaliland,  iyo goobaha xafiisyo ku leeyahiin, “Dhismahani waxuu ahaan jiray halkii dhalinyaradii UFO lagu xidhay. Markii xisbiga kulmiye  dalka qabsaday waxyaabaha uu balan-qaaday waxa ka mid ahaa horumarinta ciidanka socdaalka Somaliland, taas oo maanta hirgashay si fiicana u wada gaadhay dhammaan xuduudaha Somaliland,  iyagga oo si fiican u kantaroola waxyaabaha soo galaya dalka iyo wixii ka baxayaba, xudduuda 120-KM ee aynu la leenahay dalka Itoobiya, 860-KM oo badda ah, madaarada iyo meelaha kale ee dalka laga soo galo dhamaantood waxaanu ka hawl-galinay ciidanka laanta socdaalka. Waxaanu qabanay tahriibayaal doonayey inay  si sifo sharci daro ah dalka ku soo galaan. Sidoo kale waxa xukuumadu u fasaxday in dadka maalgashi u imanaya Somaliland ka qaataan Visaha dal-ku-galka madaarada.”

Sarkaal sare oo ka socday Safaarada Japan ee Kenya, oo dalkiisu bixiyey dhaqaalahii ku baxay hirgelinta dhismahaa oo goobta ka hadlay ayaa sheegay, “Inuu ku faraxsan yahay imaatinka xafladan xadhiga lagaga jarayo dhisamaha Laanta Socdaalka Somaliland oo dawladiisu maalgelisay. 230 Milyan oo japan ugu tallogalay waxii la isku odhan jiray Soomaaliya, Somaliland qeyb libaax ayey ku leedahay.”

Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo xafladaa ka hadlay ayaa sheegay “Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland si habsami ah ayey u gudanayaan hawlaha ay Qaranka u hayaan. Dhismayaal badan oo aqoonta saraakiisha Laanta Socdaalka aqoontooda kor loogu qaadayo ayaa la hirgeliyey, iyadoo saraakiil badan oo khibrad u leh Laanta Socdaalka Somaliland joogaan. Haatana dhismahani wax badan u tari doono.”

Gebagabadii Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dhismahan dawlada Japan u hirgalisay ciidamada laanta socdaalka “Waxa farxad weyn ii ah inaan furo dhismahan quruxba badan ee loo dhisay laanta socdaalka Somaliland, waxaanan u mahad-naqayaa dawlada Japan oo gacan ka gaysatay dhismahan cusub, taasina waxay  calaamad u tahay horumar weyn oo dalka Somaliland iyo dadkiisaba u soo hoyday, waxaanay muujinaysaa horumarka uu gaadhay Ciidanka Somaliland”

Madaxwaynaha Somaliland, ayaa sidoo kale dhagax dhigay dhisme cusub loo hirgalinayo Wasaaradda arimaha gudaha, agagaarka xarunta xarunta Gobolka Maroodi-jeex, isla markaana xadhiga ka jaray dhisme cusub oo lagu daray xerada ciidamada birmadka, taasi oo ay maalgalisay dawlada Ingiriisku.