Xukuumadda Oo Maamuustay Askari Boolis Ah Oo Dedaal Mutadawacnimo Ah Sameeyay

1
622

 

maamuusHargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland md. Maxamed Nuur Caraale, ayaa Madaxweynaha Somaliland hortiisa abaal marin ku guddoonsiiyay mid ka mid ah ciidamada Booliska Somaliland oo ku mutaystay shaqo uu keligii si mutadawacnimo ah u qabtay, waxaana shaadhka askarigaas uu wasiirku ku xidhay bilad sharaf.

Madaxweynaha Somaliland oo shalay ka qayb galay sannad guurada 19aad ee loo sameeyay aasaaska ciidanka Booliska, ayaa xafladii loo qabtay, wasiir Duur wuxuu ka sheegay in askartigaas oo uu magaciisu yahay Saleban Cabdillaahi Maxamuud uu mutaystay abaal marintaas. “  Mudane Madaxweyne Saleebaan waxa uu u dhashay Bariga  Somaliland , waxa uu hadda ka hawgalaa Galbeedka   Magaalada Saylac  waa nin is diray , waxa uu dhisay guri laba makhsin ah oo ciidanka  boolisku leeyahay  iyo Barkad biyood , waxa uu kelidii dhisay  wadada isku xidha  dekked  yar oo ciid ka samaysan  oo badd  sii dhexmarta , sarkaalkan waxa uu dhisay wadadaa . Mar uu baanka ka hawlgelayay  waxa uu dhisay hortiisa oo dhan , waxa uu keenay Magaalada Jay malaha  , waxa uu hindisay in uu dhulka hoostiisa  qodo  oo uu Jay ka soo saaro  si wax loogu dhisto oo shaqo abuur loogu sameeyo, Waxa uu Saleebaan  ka dhisay Kastamka laba kaabad oo gaadhiga  joojinaya intaa aanu Kastamka dhaafin , markaan soo arkay Saleebaan aad baan ugu farxay  nin keligii is diray    oo wax abuuray weye” ayuu wasiirku.

Waxa kale oo  uu wasiir Duur  guddoonsiiyay Bushaq aan la sheegin waxa ku jira ,laakiin ka mid ahayd abaalmarinta  uun. “  Waxa kale oo aan ku abaalmarimayaa  Bushqadaas wixii Ilaahay  ka siiyaa ay ugu jiraan “

Waa markii u horaysay ee askari Boolis ah lagu maamuuso abaalmarinta noocan oo kale ah, waxaana abaal marintaas ku farxay askarigaas oo ah nin dhallinyaro ah.

Comments are closed.