Ururka Wadani Oo Isu Soo Bixii Ugu Balaadhnaa Ku Soo Bandhigay Gobalada Dalka

0
647

wadanHargeysa(Geeska)-Urur Siyaasaadeedka WADDANI oo ha Urur ay ku bahoobeen tiro urur Siyaasadeedyo ah ayaa shalay banaanbax balaadhan ku soo bandhgay gobolada Dalka iyo dhamaan Degmooyinka ay doorashada Golayaasha Deegaanka ka qabsoomidoonaanBanaanbaxani oo ka dhacay Magaalooyinka waa wayn ee Dalka sida Caasimada Hargeysa ,Burco ,Boorame,Berbera ,Ceerigaabo,Laascaanood, iyo dhamaan degmooyinka Dalka oo idil ayaa ahaa kii ugu horeyey ee Ururka Isbahaysiga WADDANI yeesho.

 

Kumaanaan  ka mida Taageerayaasha Ururka WADDANI oo isugu soo baxay Fagaaraha Wayn ee beerta xoriyada sida ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan Ururkooda iyo Wali 21-ka Xildhibaan ee uga tartamayaa Doorashada Golayaasha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa taasi oo lagu wado in ay ka qabsoomaan Dalka 28-ka bishan November ee aan ku gudo jirno.

Maasuuliyiintii kala qayb galay taageerayaasha isu soo bax Fagaaraha beerta Xoriyada oo uu kamid ahaa Goddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Hogaamiyaha Ururka Isbahaysiga WADDANi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) Ku ,Musharaxii Madaxwaynaha ee Xusbigii UDUB ee bahwadaagta la noqday Ururka WADDANI Md Cali Maxamed Cabdilaahi (Warancadde) Kuxigeenkisii Maxamed Xaaji Daahir ,Sheekh Maxamed Cali Geedi iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan oo ay ka mid yihiin 21-ka xildhibaan ee uga tartamayaa Doorashooyinka golayaasha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa.

 Ugu Horayn waxa dadwaynaha aad u buuxdhaafiyey Fagaaraha Beerta Xoriyada la hadlay 6 musharax oo ka mida 21-ka musharax ee ka tartamayaa doorashada caasimada hargeysa iyaga oo dhamaantood taageerayaashooda uga mahad celiyey isoo baxa iyo taageerada ay la garab taagan yihiin iyaga oo balan u balan qaaday taageerayaashooda in ay wax badan oo horumarta bulshda ah ay wax ka qabandoonaan hadii ay ku soo baxaan doorasha isla markana ku dhiiri geliyey in ay sii laban laban taageeradada ay u hayaan.

Musharaxii hore ee Xisbigii UDUB Md Cali Maxamed Warancade oo habeenkii khamiistu soo gelaysay la midoobay Ururka WADDANI oo dadwayanaha isoo soo baxay la hadlay ayaa umada Somaliland iyo taageerayaashaba ugu baaqay in ay Hiil iyo Hooba la garab istaagan Ururka WADDANI si uu noqdo Xisbi Qaran oo umada Hogaamiya waxaana haladiisii ka mida ahaa.

“Marka Hore waxaan halkan ka salaamaya bahwaynta sharafta leh ee halkan isugu soo baxday ee ka kooban taageerayaasha WADDANI iyo taageerayaashii Xisbigii UDUB  ee saaka  cududooda siyaasadeed ku muujiyey fagaarahan way nee beert xoriyada ee marka u guduhu qaadi waayey debeda,gidaarada,iyo dhirta ka lusha walaalayaal cududeena isbahaysi ee aanu saaka muujinay waxa ay inoo sahlaysaa hadii alle idmo in aynu dhakhso  ugu gudubno Xusbi Qaran oo WADDANI 20 casho ka bacdi noqodo Xisbi ayey saaka muujinaysa  walaalayal waxaan jeclahay maadaama ay doorashiidii foda inagu soo hayaan cida aad dooranaysaan waxaa ay yihiin hogaamiyaha aad dooranasaan ayaan wax idinka iftiiminayaa ,walaalyaal waxaa aad u baahan tihiin hogaamiye idinka badbaadiya cudurka qabyaalada iyo jahliga ayaad u baahan tihiin, waxaad u baahan tihiin hogaan si cadaalada idinka u qaybsha khayraadka dabiiciga ah ee faraha badan ee dalku leeyahay oo eexka fog ,waxaad u baahan tihiin cid jihaysa oo u fekerta shaqo laa,aanta baahsan ee dalka ka jirta gaar ahaana dhainyarada faraha badan ee ka soo burqanayaa Jaamacadaha iyo dugsiyada sare,walaalayaal waxaad u baahan tihiin hogaan idin horseeda tacab iyo wax soosaar, waxaad u baahan tihiin hogaan idin rumeeyaa himilidii iyo hiigsiigii aynu lahayn ee oo ahaa aqoon iyo ictiraaf , walaalayaal hadii aynu bahda WADDANI aynu nahay diyaar ma loo yahay in aynu sifooyinka yeelano walaalayaal sidaasi ayaa inoo balan ah”

 Gabogabdii Banaanbaxani waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ah Hogaamiyaha Isbahaysiga WADDANI waxaana kelmidihiisii ka mida ahaa “walaalayaal marka hore waxaan salaamayaa dhamaan Ciidamada Booliska Somaliland iyo Xaasaskooda meelkasta oo ay joogaan oo ay manta tahay Maalintoodii waxaa kale oo aan salaam u dirayaa dhamaan Wadaniyiinta Kale ee  WADDANI-ga ah ee aan manta nasiibka u helin in aan kala qayb galo farxadan qali ah waxaan idinku mahad celinayaa taageeradaa ad muujiseen ee aad manta u jiiseen WADDANI ,waxaad muujiseen manta Cududiina  Siyaasada Ururka waxaa  ka mida in la sameeyo Guddiyo horumarineed oo heer Gobol heer Degmo iyo heer  Tuulo ah waxaa ka mida kobcinta dhaqaalaha degmada iyada oo la raacayo nadaam cashuureed oo daahfuran waxaa ka mida in la sameeyo kormeer hanta dhowr ah si loo ilaaliyo hantida umada waxaa kale oo ka mida oo ugu muhiimsan  in degmada la siiyo adeegyada aasaasiga ah kuwaasi oo ay ugu horayso ,Biyaha, Nalka ,iyo waxbarashada aasaasiga ah ,kashaqaynta bilicda magaalada ,dayactirka iyo dhisida wadooyinka  samaynta goobaha Caafimaadka,dhiiri gelinta Goobaha dhaliyarada ku ciyaaraan .samaynta Xarumaha Ciidanka Booliska Si amaanka loo sugo,ilaalinta hadtida Guud ,inla siiyo biyo iyo Nal bilaasha ah dhamaan Maasijada iyo malcaamadaha ,ku dhaqanka nidaamka wada tashiga iyo la xisaabtanka,manta dhamaan degmooyinka dalka sidiina oo kale ayaa laysugu soo baxay waxaan idin balan qaadaynaa Xildhibaanada ka soo baxa WADDANI in ay ku sifoobi doonaan , Aaminaad ,Daacadnimo, Wadanid ,Funanan iyo kalsooni ay umadooda soo dooratay siiyaan walaalayaal Ururka WADDANI waa urur balaadhan oo aan cid lagu sheegi Karin waxaa ku bahoobay 4 Urur iyo Xisbi waana intaa sii dheer Xusbigii Wadanka soo hogaaminayey 19-ka Sano in uuisna ku soo biiray WADDANI waxaan ku soo gunaandayaa In hadaynu nahay WADDANI ilaalino dhaqanka Iyo diinta islaamka.”

Ayuu hadalkii ku soo xidhay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Ahna Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka WADDANI.