Xaflad Balaadhan Oo Xadhiga Lagaga Jaray Studi’oga Gobolada Uk ee Tv’ga qaranka

3
730

DSC03386Xaflad si cajiiba losoo agaasamay ayaa xadhiga lagaga jaray Stdio´gii labaad ee Telefeeshinka Qaranka Somaliland ku yeesho carriga Ingiriiska, Studio´gan cusub ee xadhiga laga jaray ayaa ah mid loogu tallo galay inuu noqdo xarunta Gobolada Uk. Goobta loo qoondeeyay Studio´ga ayaa si caajiba loo qurxiyay, waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socotay Xukuumadda Somaliland, aqoonyahano, Saladiin, Madaxda Telefeeshinka ee Uk iyo dadweyne tiro-badan. Ugu horen Wariye Xasan Afnugaal ayaa furay shirka oo ayaado quraana ku furay. Kadib waxaa xidhiidhiiyihii xaflada oo ahaa Wariye Yasiin Faarax Jees uu ku soo dhaweeyay hadalka, Madaxa Gobolada Uk ee Telefeeshinka Qaranka Somaliland, Wariye Muniir Axmed Cigaal oo ahaa shakhsigii ka danbeeyay in Studio´gani furmo.

Wariye Muniir Axmed Cigaal wuxuu ka waramay baahida keentay furista xaruntan, qaabkii ay ugu dhalatay iyo kharashka ku baxay. Ugu horeyn isagoo ka hadlaaya aasaakii Tv´ga ee Yurub wuxuu yidh. "Waxaa maanta ii farxad ah in xafladan quruxda badan aynu ku furno xaruntii labaad ee Tv´ga qaranku ku yeesho waddanka Ingiriiska, waxaana keentay baahi jirta, waad ogtihiin qurbajooga ugu badan ee Somaliland waxay ku noolyihiin waddankan Uk, sidoo kale waxay kala degenyihiin gobolada uu dalkani ka koobanyahay waxaa markaa culays noqotay in baahidoodi ladaboolo, runtii shaqaalaha Telefeeshinka ee waddanka Ingiriisku aadbay u dadalaan, yagoo waliba si iska wax u qabso ah ula shaqaynaayay muddo dheer Tv´ga. Waxaa jira Telefeeshino badan oo afka Somaaliga ku hadla oo aan sidan loogu hagar bixin, sababtu waxaa weeye Tv´gani wuxuu wataa magaca qaranka Somaliland."

Wariye Muniir Axmed Cigaal wuxuu sheegay inay ku baxday lacag 7000$ ka badan qurxinta Studio´gan, tasoo aanay ku jirin qalabka Kamaraduhu, lacagtaasna uu ka bixiyay jeebkiisa iyo lacagtii uu shaqaystay. Sidoo kale wuxuu madashii uga mahadnaqay dadkii gacanta ka siiyay oo ay ugu horeyso Marwadiisa Kaltuun Aadan, Abriaxmaan Cali Ubaxle wakiilka Hay´adda qurbajooga u qaabilsan Uk, Iyo Khadar Cali Gaas oo ah agaasimaha Tv´ga.

Waxaa isna goobtii ka hadlay Dr. Abdiraxmaan Cali Ubaxle oo kamid ah dadka gacanta weyn ka gaystay furitaanka xaruntan. Oday Aabi Xujaale oo kamid ah odayaasha magaalada. Sidoo kale waxaa madashan tafasiil ka bixiyay qaabka uu u shaqeeyo Tv´ga Qaranku madaxda Telefeeshinka ee Uk, oo ay kamid ahayeen Guddoomiyaha Tv´ga Cabdi Bacaw, Agaasimaha Khadar Cali Gaas Iyo agaasime ku-xigeenka Mustafe Ali.

Guddoomiyaha hay´adda qurbajooga iyo xidhiidhka jaaliyadaha Maxamuud Abdiraxmaan oo kamid ahaa masuuliyiintii ku sugnaa xaflada ayaa ka waramay waxqabadka xukuumadda iyo waxyaabaha ka dhiman Telefeeshinka Qaranka, wuxuuna sheegay inay u gudbin doonaan wixii tallo ah ee ka dhiman xagga qurbaha Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Somaliland  Mud: Boobe Yuusuf Ducaale iyo Madaxda Wasaaradda. Sidoo kale Guddoomiyaha hay´adda qandaraasyada qaranka Aadan Nugaal oo isna khudbad ka jeediyay furitaankii ayaa sheegay inuu ku farax sanyahay shaqaalaha sida weyn ugu dhabar adaygay sidii u  Yurub uga shaqaynlaha Tv´ga Qaranku. Mudane Aadan Nugaal wuxuu ammaan badan u jeediyay Wasiirka Warfaafinta isagoo sheegay inuu aaminsan yahay inuu wax weyn ka qaban doono waxyaabaha ka dhiman Tv´ga. Sidoo kale wuxuu sheegay inay dhawaan dadlka ka bixidoonto ilaacad wadagaadha.

Waxaa yaguna si weyn u soo dhaweeyay furitaanka xaruntan Saladiin Iyo Ugaasyo ku sugnaa xaflada, Suldaan Abdillaahi oo goobtii ka hadlay ayaa sheegay inay farxad weyn u tahay furitaanka Studio´gan gobolada loo sameeyay ee Telefeeshinka Qaranku. Waxaa yaguna madasha ka hadlay Wariyaal caan ah oo ay kamid ahayeen Wariye Daahir.  Gebo Gebadii waxaa shahaadooyin la gudoonsiiyay shaqalihii muddada dheer u soo dhabar adaygay hawsha cuslus ee Tv´ga.

Comments are closed.