Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Jujuub lagaga qaaday xilkii KULMIYE

1
936

DSC02843Hargeysa(Geeska)-Shirkii golaha dhexe ee KULMIYE ee maanta galay maalintii labaad ayaa maanta si jujuub ah xilkii lagaga qaaday guddoomiye xigeenkii 1aad ee xisbiga Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

Shirka ayaa waxa uu guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ka codsaday inay xilka iyo xubinimada xisbiga ka xayuubiyaan Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, isagoo halkaas ka tiriyay eedaymo kala duwan, waxaana qoraalka eedaynta ee Muuse Biixi akhriyayay Xildhibaan Jaamac Shabeel, oo ugu dambayn codsaday in Cabdiraxmaan loo qaado cod gacan taag ah, taas oo uu Cabdiraxmaan codsaday in hadal la siiyo laakiin laga diiday, aakhirkiina waxa golaha ka saaray ciidamada Booliska oo awood iyo qasab ku saaray.

Waxa ay dad badani u arkeen talaabo ceeb ah in ciidamadii ammaanka la isu adeegsado siyaasad ahaan. Geesta kale, waxa shirka lagu doortay guddoomiye Muuse Biixi, guddoomiye xigeen Maxamed Kaahin, guddoomiye xigeenka labaad Xildhibaan Waabeeye, iyo xoghayaha guud oo loo doortay Xasan Siciid Yuusuf.

Geeska Afrika, Hargeysa

Comments are closed.