Gadood Ciidan oo ka dhacay Bosaso, Puntland

0
656

Gadood Ciidan Oo Shalay Ka Dhcay bosaso iyo magaalada oo kala xidhantay

Bosaso(Geeska)-Ciidamada maamul goboleedka Puntland ayaa shalay magaalada Bosaso ka sameeyay gadood ciidan, ka dib markii aanay dhawr bilood qaadan wax mushahar ah.

Ciidamadan  gadoodsan oo ka tirsan Maamul goboleedka Puntland ayaa shalay is hortaagay isu socodka gaadiidka iyo dadka ee Magaalada Boosaaso, iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan soo wajahday bilihii u dambeeyay.

Mararka qaar ayaa la sheegay in ciidamada ay kor u ridayeen rasaas khlkhal  galisay shacabka ku nool Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Daraawiishta ee Maamulka Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadaani ay ka cabanayaan mushaar la’aan baahsan oo bilihii lasoo dhaafay lasoo daristay, isagoo ugu baaqay Madaxda Maamulkaas in arrimahaasi ay wax ka qabtaan.

Ugu dambeyn mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa iyana la hadlay Warbaahinta waxaana ay sheegeen inay wadaan daallo ku aaddan sidii mushaaraadkoodu ay u heli lahaayeen Ciidamadaasi