Xaflad Aroos Oo Lammaanaha Is Guursaday Lagu Soo Qaaday Kolonyo Gaadhi-Dameerro Ah

0
764

Picture7Riyaad (Geeska)- Wiil u dhashay dalka Sucuudiga ayaa ku adkaystay in xafladda arooskiisa isaga iyo boqoradda lagu soo qaado gaadhi-dameer isla markaana ay daba socdaan lix gaadhi dameer oo weliba dameerka jiidaya uu midabkiisu caddaan yahay.

Arooskan oo ka dhacay magaalada Hafuuf ee degaanka Al-Axsaa bariga boqortooyada Sucuudiga, ayaa wiilka arooska ah oo lagu magacaabo Cali Al-Jubraan ayaa sheegay in uu isagu xiisaynayo soo noolaynta dhaqan hore oo deegaankiisan ka jiray, kaas oo ahaa in lammaanaha isguursada habeenka arooskooda lagu qaado kolonyo gaadhi ximaarro ah, laakiin dhaqankaas hadda lagagama dhaqmo Sucuudiga muddo 30 sano ka badanna lama arag cid gaadhi ximaar u adeegsanaysa gaadiidka qaadaya arooska iyo aroosadda.

Wiilkan oo Soddomeeyo sano jiray ayaa galabnimadii maalintii Axadda ee toddobaadkan waxa uu kolonyada arooskiisa galbinaysa oo uu isna la socdo ka soo dhaqaajiyey degaan beeraley ah oo duleedka magaalada Hafuuf ku yaalla, muddo 25 daqiiqo ayaana ay gaadiidkani la socdeen illaa ay soo gaadheen gurigii qoyskiisa oo ay xafladda aqalgalku ka dhacaysay.

Qoyska wiilkan ayaa warbaahinta u sheegay in Cali uu aad ugu adkaystay in uu arooskiisa ka dhigo mid ka duwan sida hadda caanka ah ee ah in gawaadhi noocyada ugu qaalisan ahi ay soo qaadaan soona gelbiyaan arooska iyo aroosadda. Waxa aanu doortay gaadhi-dameerradan oo uu isku darkooda ku soo kiraystay 320 Doolar, lacagtaas oo aad uga yar inta ay aroosyadu ku soo kiraystaan gaadiidka qaaliga ah ee gelbinaya.