Ururka Xaqsoor Oo Xaflad Aan Nooceeda Hore Loo Arag Ku Qabsaday London + Daawo Sawiro

0
745

xaqsoorLondon (Geeska) Habeenkii xaleey ee bishu aheed 21/4/12 kuna beegned Sabti ayaa waxaa lagu qabteyGalbeedka Magaalada London xaflad aan nooceeda hore loogu arag UK oo si heer sare loo soo agaasimey ,taasi oo ay ujeedadeedu aheed uruur Siyaasadeedka Xaqsoor oo xafiis cusub ka furtey Magalada London ee Dalka UK.

Waxaa madasha soo buux dhaafiyey taageerayaasha ururka siyaasadeedka xaqsoor kaasi oo aydhoolatus weyn ku sameeyeenmagalada London .

Xafladdan oo si weyn loo soo abaabuley ayaa waxaa ka dhex muuqdey Bulshada Qaybaheeda kala duwan sida dhalinyarada Haweenka,Siyaasiyiin iyo Waxgaradka bulshada Somaliland ee wadankan uk iyo marti sharaf kale oo farabadan oo lagu soo casuumeyxafladdan.

 

Waxaa sida cadaadu aheed isla markiiba lagu furey xafladda aayadahii qur,aanka kariimka ah waxaana akhriyey Cabdirisaq Cabdilahi Siciid.

Waxaana lagu xigsiiyey heesta calanka Somaliland oo madasha laga sarey dadkii oo dhami u sara kaceen calanka .

 

Ka dibna waxaa si rami ah u furmey xaflada waxaana ka Hadley xidhiidhiyaha xafladda Cabdi Kosar(Cige) isaga oo dadka xafladda ka soo qeyb galey mahadnag aad iyo aad u badan uga mahad celiyey dadweynaha sida wakhtigooda qaaliga ah u soo hureen Habeenkan caawa ah,waxaa isna halkaasi ka Hadley madasha Mr Kosa Caydiid kana waramey ujeedada layskugu yimid caawa iyo uruur siyaasadedka xaqsoor oo xarun cusub ka furtey london,

MrKosar Caydiid waxaa uu halkaa ka cadeeyey in uruurka xaqsoor maanta xafis ka furtey Gudida uruurka hogaamin doontana sida ugu dhakhsaha badan loo soo dhisi doono hadii alaha yidhaa,dadweynahana ka codsadey in ay si weyn u taageeraan uruurkan cusub ee xaqsoor ee loolanka siyaasdeed kula jira uruuro kale oo aad u tiro badan oo ka jira dalkeeni hooyo ee Somaliland.waxaa isna madasha ka Hadley Maxamed Ibrahim-) isaga oo ku hadlaya afka odayaasha uk ee ururka xaqsoor,wuxuuna xusey in loo baahan yahay xoog dhalinyarada iyo abaabulka dhalinyarada meelkasta oo ay joogan dal iyo dibada,waxaa kale oo uu xusey in haweenku yahay lafdhabarka ururka xaqsoor.

Waxaa iyana masha hadal aad u mihiima ka jeedisey Rooda M Karaani oo ka socotey garabka haweenka ee uruurka xaqsoor,sheegteyna in ay ku faraxsan tahay xafiskan cusub ee laanta uk iyo abaabulka xafladan caawa ,mahadnag aad u badana u soo jeedisey.

 

Sidoo kale waxaa goobta ka hadashay Saado Abdi Toodhe hadalo dhaxal galena ka jeedisey madasha iyo gabey ay madasha ugu tala gashey.

 

Waxaa kaloo xaflada lagu soo bandhigey Farshaxan aad u qurux badan sida heesoburaanbur, gabayo iyo halku dhigyo lagu taageeroyo uruurkasiyaasadeedka xaqsoor.

 

Xafalada ayaa waxa ku dhamaatay jawi farxadi ku dheehantahayiyadoo dhamaan masuuliyiinta xaflada soo agaasimey ay u mahad celiyeen dad weynihii xafladaa ka soo qeybgalay oo dhan