Dhacdadii Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye (Fiiro iyo Falanqo) W.Q Rashiid Sheekh Cabdillaahi X Axmed (Gadhweyne).

0
686

Rashid_GadhweyneMushkilad baa ka dhacday shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, 15kii Abriil, sannadkan 2012ka. Mushiladdu, tiro aad u yar mooyiye, dadka badankiisa waxay ugu muuqaataa dhibaato shakhsi ahaan ku dhacday xubin jago weyn ka haysay xisbiga Kulmiye; taas awgeed wax codku u badan yahay la-dareenwadaagga Md Cabdiramaan Cadilqaadir, oo ah ninka dhibaatadu ku dhacday oo taageero uu sideeda runtii mudan yahay loo muujinayo. Waxaa ka baxsan kuwo ku tartamaya qaylo dhaan qabiil oo iyagu dal iyo dadnimo ba ka hiilinaya. Dhinaca kale ee ka tirsan xisbiga Kulmiye, ee ka soo horjeedday Cabdraxmaan Cabdilqaadir, shirka dabadii, codkoodu aad buu u gaabtay, faallo dambena wax badan lagama hayo, wax ay sababtu tahay ba.

Maqaalkan kooban, waxa aan kaga hadlayaa su’aalo aan runtii u arko in dhacdan la iska weydiiyo oo laga la soo baxo murti ama casharro waxtar leh, kuwaas oo la xidhiidha halbeegyada qiimaynta ay tahay in ay hoggaamiyaan faldhaqanka siyaasadeed ee dhammaanteenba, haddii aynu nahay xisbiyo oo uu Kulmiye u horreeyo ama nahay siyaasiyiin ama guud ahaan ba madax ummadeed iyo dadweyne ba… Waxay odhan jireen ‘Allow aqoona ha nagu cadaabin, eexona ha nooga tegin (Waxaa laga wadaa Allow eexada naga qabo). Majaraha maqaalkani waxa uu ka ambabaxayaa intii ogaalka qoraagiisa ah. Eexona labada dhinacba wuxuu ka raacayaa uu la jiraa qaayo-soorka caddaalada, xuquuqda dadnimo iyo hanka iyo hirasha ummadnimada la higsanayo.

Ugu horraynba qaddiyad asaasi ah oo meesha ku jirtaa waxa ay la xidhhidhaa xubinnimada xisbi iyo xorriyadda qofku u leeyahay in uu fikraddiisa qof ahaaneed cabbiri karo uuna dadweynaha gaadhsiin karo, asaga oo magaciisa qof ahaaneed ku hadlaya. Su’aasha labaad ee iyana meeshu ku jirtaa waa hannaanka dimoqraadiga ah ee ay tahay in xisbigu go’aannadiisa ku gaadho. Su’aasha saddexaadna waa habraaca caddaaladda ah ee ay tahay in anshaxmarinta xisbiga gudihiisu u dhacdo. Su’aaasha afraad oo runtii aad muhiim u ahi waxay ku saabsan tahay isdiidada dhextaal jagada hogaaminta xisbi ee mar walba qabaa’il u kala qoondaysan iyo mabaa'diidii dimoqraadiyada. Ta u dambaysa ee iyana aanu eegi doonnaa waa su’aasha ku saabsan falcelinta hiilada qabyaaladeed ee dhacdaada ka dhalatay iyo in laga feejignaado guuldarrada ay keeni karto.

 

Xorriyadda Xubinta Xisbiga

Ta u horraysa, Cabdiraxmaan cabdilqaadir, inta aan ka war-hayo ee badiba laga wada warqabo, hadda ka hor ayuu ka hadlay warbaahinta Soomaaliland, waxaana uu si kulul u dhaliilay Xukuumada uu madaxda ka yahay Madxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” taas oo uu tilmaamay in ay jiraan musuqmaasaq iyo qof-jeclaysi iyo maamul-xumo. Markii uu dhalliilahaas sheegaayey, intii aan kollayba anigu ka maqlayey, ma uu sheegan in uu ku hadlayo afka Xisbiga Kulmiye ee waxa uu ahaa nin afkiisa qof ahaaneed ku hadlayey. Xataa haddii uu gefkaa galay (mana aan anfiyayo taas oo waa wax dhaci kara) waxa Xisbiga Kulmiye u bannaanaa in marka hore, la raadiyo oo dadka loo sheego in aanu hadadkaasi ahayn aragtida iyo mowqifka xisbiga Kulmiye, asagana lagu gowdhiyo sida uu yeelay iyo in uu kala saaro aragtisiisa qof ahaaneed iyo mowqifka Xisbiga. Haddii uu ku sii wado, in markaa ansaxmarin xisbi loo soo fadhiisiyo. Waxaan ka wadaa xubinta xisbigu waa u xor fikraddiisa ha yeeshee waa in ay u kala soocnaadaan siyaasadda rasmiga ah xisbiga iyo ra'yigiisa qof ahaaneed. Ha yeeshee waa suurogal in wax kale oo aanan ogeyn la isku haysto; sidaa darteed marnaba maqaalkani kama hadlayo khilaafka xisbiga Kulmiye gudhiisa ka dhacay.

Waxay ku urursan tahay muwaadinku haddii uu xisbi ka tirsan yahay iyo haddii kaleba, xaq buu u leeyahay oo xisbiga uu ku jiraa kama qaadi karo, xorriyadda hadalka iyo iscabbiiraadda, taas oo ah xaq uu dastuurka qaranku (haddii la garanayo oo lagu dhaqmayo) qof walba u damaano qaadayo. Asaga oo xisbigiisu xukunka haya ayuu dawaladda dhalliili karaa dawladda.

Warqaddii uu akhriyayey Guddoomiyaha Shirku waxay sheegaysay in Cabdiraxaan Cabdilqaadir uu ka hor yimid xeerka iyo barnaamijka xisbiga, mase uu sheegin ama kollay dhegahaygu ma maqal fal xaddidan ama wax la taabto oo taas caddaynaya. Xataa haddii taasi jirto su’aashu waxa weeye miyaanay xubinta xisbiga Kulmiye xaq u lahayn in ay dhalliil u jeediso barnaamijka, xeerka iyo siyaasadaha xisbigeeda? Xisbiyada Soomaaliland haddii ay ku dhisan yihiin qaab dimoqraadiyadeed oo dhab, waxa laga fili karaa in ay ka kooban yihiin xubno si xor ah isagu yimid oo ficil ahaan ku wada hawlgala hirgelinta waxa ay ku heshiiyeen. Xagga se fikradda iyo hadalka af iyo qoraal ba waxaa laga filayaa in ay si xor ah isu dhaafsadaan oo aanay afka iska xidhin. Waxa taas ka duwan xisbiyadii shuuciga ahaa ee ka jiri jiray dalalkii xulafadii Waarso iyo Kelitaliskii Siyaad Baare, kuwaas oo amarka madaxda sare la isku qasbayey, xubintuna aanay xorriyad iyo xuquuq kale midna lahayn.

 

Go’aan qaadashada Xisbiga

Su’aasha labaadna waa ta aan ku xidhiidiyey hannaanka go’aan gaadhista shirarka xisbiga. Arrintani waa mid aad u culus oo halis ah. Waa arrinta muujin karta ama deedafayn karta dimoqraadiyada, sharicyada iyo awoodda wadareed ee xisbi gudahiisa ka jirta ama ka maqan.

Marka aynu hadda dib ugu fiirsanno qaabka qaddiyada Cabdiraxmaan Cabdilqaadir loo soo hordhigay Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxa inoo muuqanaya sida arrinta loo hareer mariyey qiyamta go’aan qaadashada hagaagsan ee ay Cabdiraxaan Cabdilqaadir hortii, danta xisbiga Kulmiye ku jirtay ta dalkana ugu jirto, waayo dhaqanka Xisbigu waa waxa uu dalka ku hoggaaminayo. Shirgudoomiyuhu waxa uu shirka hortiisa ka akhriyey wixii tuhmado loo jeediyey Cabdiraxmaan; kadibna waxa uu toos u galay in uu golaha cod gacantaag ah weydiiyo. Halbeegga go’aan gaadhidda qumman ee ku dhisan caddaaladda iyo xorriyadda xubnaha xisbiga iyo wadaagga go’aanka wadareed, intuba waxay farayaan laba waajib oo lafdhabar u ah dhismaha xisbiga, dawladda iyo bulshadaba. Mid waxa weeye ninka la yidhi waa la anshaxmarinayaa, in la siiyo fursad ku filan oo kaga jawaabo tuhmadaha loo soo jeediyey iskuna daafaco. Lama yeelin ee si aad u adag baa loogu diiday, haddii uu ku qayliyey in uu jawaabona si cunfi ka muuqday baa debedda shirka loogu saaray.

Midka labaadna, Xubnihii shirka fadhiyey ama runtii tiirkii xisbiga u muhiimsanaa, marka shirweynaha laga yimaaddo, kaalintiisa iyo milgihiisuba waxay ahaayeen in arrinka la hordhigo oo uu labada dhinacba dhegeysto, kadibna uu Golahu, asagu ka doodo arrinta, uuna go,aanka kama dambaysta ah asagu ka gaadho. Sidaas lama yeelin oo Shirka Golaha dhexe xaqiisii iyo kaalintiisii sharciyeed lama siinnin. Shirkii Golihii Dhexe ee xisbiga Kulmiye ee ahaa hay'adda leh awoodda u sarraysa ee ka go’aan gaadhi karta waxa lagu eedeeyo xubin sare oo xisbiga ah, waxaa la yidhi gacanta qudh ah taaga; waxaa laga dhigay sidii shaabbad lagu dhufanayo warqadda meesha laga akhriyey oo keli ah. Haddii qaabkani dhaqan u yahay xisbiyada Soomaaliland- taas oo aanan biciidsanynin- sharcinnimada dhammaaanba go’aannadooda siyaasadeed iyo doorashooyinka madaxdoodaba su’aal baa dul-hoganaysa.

Waxaan qodobkan raacinayaa sawirradii ay kamarada tv-gu qaadday oo laga daawaday intenetka. Waa askariga sida dhaqsaha badan ugu soo dhaqaaqay ee kursiga hoos ugu riixay ninkii dacwada lagu oogaye. Sida muuqata askarigaasi hore ayuu ugu jiray gudaha goobta lagu shirayey, waayo isla markii uu shirguddoomiyuhu hadalka u diiday ninka la dacweynyaayey ayuu askarigu ku soo dhaqaaqay. Askariga soomaaliyeedna madaxda ayuu eegaa, waxaana uu ku tallaabsadaa waxa uga muuqada ama uu isleeyahay way doonaysaa madaxdu ( waa haddii aanay madaxdaasu amar toos ahba siinin). Sababtu waxa weeye Askariga soomaaliyeed waxa uu la mid yahay dadweynaheenna oo ma yaqaan sharci ka baxsan( ka sarreeya hadalkiisa daayoo) madaxada sare. Sidaas darteed askariga madasha shirka dhexdeeda ka hawgalay, haddii aan amarba lagu siinnin sidii uu yeelay, wuxuu falay waxii meesha uga muuqday ee ahaa wax ay madaxda meesha joogtay doonaysay. Su’aashu halkan waxa ay tahay ma dhaqan bay Soomaaliland u tahay in ciidammadu amnigu goobta lagu shirayo gudaha usoo galaan?

Mabaa'diida lagaga dhaqmo shirarka arrimaha caaamka lagu hayo waxaa ka mid ah in xubno siman lagu yahay oo sinnaan loo wada tashanayo; sidaas awgeed ciidammada amniga haddii laga maarmi waayo waxa la dhigaa goonyaha goobta shirku ka socdo iyo meelaha debedda shirka ka ah ee dan loo arko. Shir kasta waxaa ka dhici kara dood iyo muran adag. Haddii la ismari waayo shirguddoonka waxa u furan in uu shirka xidho oo mar dambe la isu soo noqdo. Ma se hagaagsana in ciidan la adeegsado oo gudaha shirka la soo geliyo, waayo waa hub dhinacyada doodaya midkood gacanta ugu jira; Waxaana sidaa ku ba’aya jawigii dimoqraadiyadeed ee ay doodda shirku u baahanayd. Runtii taasi waa xaaladda si weyn looga arkayey shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, taas oo saamayn wen ku yeelatay sidii arrinta Cabdiraxmaan Cabdilqaadir u dhacday. Askarigii wuxuu noqday awood aan u dhex ahayn labada dhinac ee uu Golaha Dhexe u garnaqi lahaa, balse waxa uu noqday awood gaar ugu adeegtay shirguddoonka. Haddii ay taasi Kulmiye ku gooni tahay ha isa saxo, haddiise ay dhaqan siyaasadeed inoo noqoto- waa na sida ay i la tahaye- Dimoqraaddiyada Soomaaliland sheeganayso shaki weyn baa saaran.

 

Qoondada Qabyaaladeed

Si kastaba ha ku timaaddo ee haddii jagada laga qaaday Cabdirxmaan Cabdilqaadir, hab-dhaqanka jagadaa lagu buuxinayaa wuxuu dhabarka ka jebinayaa dimoqraaddiyada la sheeganayo. Bal u fiirso. Marka horeba jagooyinku qabaa’il bay u qoondaysan yihiin; lama waayayo nin(haween ma noqonayo illeyn qabiil baa iska lehe) la qolo ah ka jagada laga qaaday. Qaabkaasi wuxuu dhalaa una adeegaa kelitalin. Waayo, waxa uu ma-dhacdo ka dhigayaa hoggaan siyaasadeed sal adag leh oo heli kara taageero bulsheed oo heer ummaadeed ah. Maanta ma ka jiraa Soomaaliland hoggaamiye dhammaanba dadka iyo dalka, degaan kasta iyo cid kasta ku leh taageereyaal ku raacsan qiyam iyo fikir iyo waxqabad dan guud oo dadka ka dhexaysa. Ma jiraa hoggaamiye aan ku tirsanayn taageero hiilo qabiil ah ee meel walba cid kastaba ku leh taageero uu ku hantay qiyamka qarannimo ee uu taagan yahay? Geesta kalena ma jiraa hoggaamiye aanay mucaaradadiisu ku dhisnayn ‘annaga ma aha iyo waa shisheeye; annaga ma aha ee waa iyaga?’. Maya ma jiro. Qofkii igu diiddayaa ha dhawaaqo oo ha sheego kuwa ay yihiin.

Mar haddii ay taageero qabiil tahay, siyaasiga reer hebel sal adag kuma taagna; jagada Hebel ka kaco Hebel kale oo isla qoladii ah baa la keenaa, way na ku dhan tahay. Wax badan baynu taas u soo joognay. Taageerada siyaasadeed ee qabiil waa magaca Reer Hebel iyo ‘cidi ma inoogu jirtaa meesha’. Waxaa tidhaahdaa ‘ haa oo Hebel baa inoogu jira’. Ku filan! ‘Haddii Hebel aad erido Hebel kale uun baad keeni’ kuna dhan. Hebelladan la wadwado midkoona sal adag kuma fadhiyo waayo waa muuq aan marna la waayeynin. Hoggaan siyaasadeed oo sal qabiil cuskani wuxuu dalka gelinayaa khalkhal joogta ah, waayo dadka mar walba qabaa’il buu u kala jejebinayaa. Hadda Xisbiga Kulmiye qaabkaas qoondada qabyaaladeed ah bay raaceen oo nin la yidhi kii laga keexeeyey buu la qolo yahay, baa la keenay. Waxaa ka roonayd in ay noqoto jago xubin kasta oo xisbiga ah loo dooran karo oo danta ummadda loogu tartamo. Wacnaan lahaydaa in aynu hanka kor loo qaado oo aynaan nafteenna ka hiiline, ugu yaraan aayaha ubadkeenna u hiilino.

Ayaandarro qabyaaladda siyaasadeed waa bacaad dabayshu mar ba dhinac u duubto; siyaasiga soomaaliyeed na maanta bacaadkaas ayuu ku dul-taagan yahay. Dal iyo dad mid na uma maqna ee hungurigiisa ayuu u la daba ordayaa bacaad ay dabayshu afarta jaho u buubinyso.

 

Xaggee hiilada maanta la geeyaa?

Waxaa jira kuwo durba hiilo qabiil shirar u qabtay oo sawaxankoodu yeedhay. Waxa la wadwadaa magacyada nacarada qabyaaladeed lagu maldaho ee la yidhaa beesha meel-heblaayo iyo bariga iyo galbeedka magaalo Hebla. Waa magacyada ay warbaahin careereeda dalka ka soo if-baxday fidisay ee sharciyad siyaasadeed sillan u yeeshay in dalka qabaa’il loo kala yeesho.

Waa shirar ay tollaalla’y badani ka muuqato oo laga wado, sida ka muuqata in Cabdraxmaan Cabdilqaadir Tolliimo loogu hiilinayo. Ayaarrdarro se hiilo ugu ma jirto ninka la leeyahay waa loo hiilinayaa sidaas. Haddii ay ujeeddadooda hiiladiisa tahay, ayaandarradu ka sii weyn, waayo isma oga ee way ka hiilinayaan. Taageerada qabyaaladeed ma aha teegeero ee waa sida kale. Marka ay qabyaalad ku taageeraan qaddiyadiisii ba way lumaysaa. Ninkni haddii uu gar leeyahay gari, “Allay taqaane” dadka dalka ku nool iyo aadamiga caddaalad jecel oo dhan baa la jiri. Taageero qabyaaladeed se fidno, shar iyo in dadku colloobo oo qudh ah ayaa ka dhalanaya. Ninka qabyaalad loogu hiilinayaa muran la’aan wuu ku khasaaroobayaa, waxaa se ka weyn oo ku khasaaroobaya dalka iyo dadka soomaaliland dhammaantii. Marka aynu kelidii ba ku koobno, kuwa qabyaalad ku hiilinayaa ma arkayaan tirad badan ee ka mid ah dadka ku nool dalka iyo debeddiisaba ee maanta la jira. Kama fekerayaan in ay dadkaas ka fogaynayaan oo ay ka goynayaan, bal in ay magaca qabiil dartidii, dadkaas colaadda ay gashanayaan asagana u gelinayaa.

Caqliga sami cid wal ba wuu ku jiraa; ha yeeshee danqashada nacarada qabyaaladeed iftiinka caqliga waa u nacab oo way demisaa. Malaa waxaa loo baahan yahay in aynu caqliga hiil ka dhigano. Waxa uu caqliga sami ina farayaa in aynu hiilino. Waxa uu ina tusayaa fursad aad qaayo leh oo aynu u hiilino karno Cabdiraxmaan Cabdilqaadir, iyo nafteenna ba. Asaga, xisbiga kulmiye, xisbiyada kale madaxda dawladda, dalka Soomaaliland iyo dadka ba dhammaan waxa u hiil ah caddaaladda iyo ku-dhaqanka sharciga iyo dhawridda xuquuqda dadnimo ee qof kasta ba. Waxa uu caqliga sami ku talinayaa in uu Xisbiga Kulmiye isku noqdo oo uu mar kale si kale oo waafaqsan hab-raaca caddaaladda u eego qaddiyaddii Cabdiraxmaan Cabdilqaadir.

Waxaa habboon in Xisbiga Kulmiye u saaro arrinta guddi dhexdexaad ah oo ay dhinacyadu ku kalsan yihiin oo mar kale si wacan oo hufan uga baaraandegta kana soo saarta go’aan loo wada hoggaansamo. Tallaabdaasi xurmadii xisbiga Kulmiye na way soo celin kartaa, awrtii qabyaaladda la doobyeysay iyo ta kale ee la soo qudhub-dhabaynaysa, labada ba way inaga joojinaysaa. Fursadda qiimaha leh ee ay tahay in laga faa’iidaysto waa in aynu u hawlgallo sidii aynu yeelan lahayn, hoggaan xisbi iyo dawlad ba, mushkiladaha dhex yimaadda maamuli yaqaan oo dhawra xorriyadda iyo xuquuqda dadnimo, ka na kora qaabka dabinnada la isu qoolo iyo booraamaha la isu dedo iyo fikir la isku khilaafo oo loo rogo colaad dadka lagu la galgasho oo ummadda ba halis gelisa.

 

Rashid Sheekh Cabdilaahi

Abriil 21, 201.