Fadeexado hor leh: sirdoonka Ingiriiska iyo Qaddaafi waxa Ay dhiseen masaajid dabin looga dhigo dadka la doonayo

0
744

qadaafiLondon (Geeska)- Wargeyska Sunday Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa fashiliyey in hay’adda sirta Ingiriiska ee MI6 iyo sirdoonka dawladdii Libya ee uu hoggaaminayey Mucammar Al-Qaddaafi ay iska kaashadeen dhismaha masjid ay ku xidhmaan waxa ay ugu yeedhaan xag jirka iyo canaasiirta Al-Qaacida.

Dhacdadani waxa ay caddaynaysaa sida dhow ee sirdoonka Ingiriisku uu ula shaqaynayey nidaamkii hoggaamiyihii Libya ee la dilay, waxa aanu wargeysku sheegay in masjidkan oo laga dhisay dal Yurub ka mid ah sababta Ingiriisku uga qayb galay ahayd in uu wanaajiyo xidhiidhka uu la leeyahay Libya si uu dib ugu soo celiyo xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee labada dal.

Xilligaa masjidkaa la dhisayey waxa ay dawladda Ingiriisku dhanka kalana ka wadday dadaalkii guulaystay ee ay ku dhiirri gelinaysay Qaddaafi in uu faraha ka qaado sancaynta hubka wax gumaada iyo Nukliyeerka, iskaashiga labadan dal ee xilligaasina waxa uu gaadhay in ay wada jir u beeraan basaas dhex gala wadaaddo looga shakiyey in ay yihiin unug Al-Qaacida ka tirsan oo si qarsoodi ah uga hawlgala mid ka mid ah magaalooyinka Yurubta galbeed oo sababo amni magaceeda loo qariyey. Wargeyska Sunday Telegraph waxa uu sheegay in basaaskan laba wajiilaha ahaa oo magaciisa af-garashada ah lagu sheegay Joseph uu xidhiidh adag la lahaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Qaacida ee Ciraaq, taasina ay ka caawinaysay in uu qaldo xubnaha Alqaacida oo uu isaga dhigayey in uu ka mid yahay, masjidkanna aad ugu xidhan yahay. Iyada oo aan lagu wargelin sirdoonka reer dalkaas Yurub ee uu Joseph ku noolaa ayaana si qarsooodi ah uu sirdoonka Ingiriisku ugu shaqaaleeyey sirdoonka Libya.

Wargeysku waxa uu sheegay in uu xogtan ka helay warqad sir ah oo MI6 u dirtay taliyihii xilligaas ee sirdoonka Libya Musa Kuusa, warqaddaas oo markii Libya ay qabsadeen xoogagga kacdoonku la helay, waxa ay si faahfaahsan uga hadlaysaa tallaabadan ay MI6 ku shaqo gelisay basaaskan ay wadaagayaan iyaga iyo sirdoonka Libya, basaaskaas ayaana ka soo shaqeeyey qorshaha lagu dhisayey masaajidka. Bishii Jeenaweri ee sannadkii 2003-da ayaa Joseph iyo sarkaal ka tirsan sirdoonka Libya loo dhoofiyey London si ay uga qayb galaan shirka lagu gorfaynayey dhismaha masjidkan la doonayey in lagu soo debin gelayo Islaamiyiinta ka imanayey woqooyiga Afrika, lana rajaynayo in masjidkaas laga helo xogo la xidhiidha Al-Qaacido iyo kooxaha ay reer galbeedku argagaxisada Islaamiyiinta ku sheegaan. Sirdoonka Ingiriiska ayaa bixinayey kharaska sarkaalka sirdoonka Libya ka tirsanaa oo Ingiriiska ku joogay shaadh diblumaasinimo kuna noolaa mid ka mid ah hudheellada ugu qaalisan London.

Sunday Telegraph waxa ay warbixintan ku sheegay in shaqada iyo dhismaha masjidkan laga qariyey xataa sirdoonnadkii kale ee reer galbeedka ee ay xulafada ahaayeen MI6 iyo welib sirdoonka dalkan reer Yurub ee laga dhisayey.

Warkani waxa uu soo baxayaa xilli ay jiraan fadeexado kale oo ah in wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Ingiriiska Jack Strew uu sirdoonka Ingiriiska ku amray in Libya loo gacan geliyo Cabdxakiim Bil-Xaaj iyo xaaskiisa oo xilligaa uur lahayd, iyada oo lagu soo qaaday diyaarad ay leeyihiin sirdoonka Maraykanku loona gacan geliyey Qaddaafi oo markiiba xabsiga dhigay lana sheego in uu si arxan darro ah ula macaamilay.

Bil-Xaaji oo mar dambe la soo daayey waxa uu noqday sarkaalkii hoggaaminayey ciidamadii kacdoonka kala hor yimi Qaddaafi ee magaalada caasimadda ah ee Tripoli, toddobaadkii hore ayaanu Bil Xaaj oo 48 jir ahi ku dhawaaqay in uu London ka bilaabayo dacwad ka dhan ah Strew oo uu ku eedaynayo in isaga oo aan waxba galabsan uu u gacan geliyey Qaddaafi oo uu ogaa in aanu naxariis u haynin.

Bil-Xaaj oo ah hoggaamiyaha milateri ee ugu awoodda badan kooxaha hubaysan ee ka jira Libya, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ayaa sidoo kale sirdoonka CIA ku eedaynaya in isaga iyo xaaskiisa ay gardarro kaga soo qafaasheen dalka Thailand kadibna ay qayb ka ahaayeen u dhiibistii Qaddaafi loo gacan geliyey iyada oo la isku dhaafsaday jasiiradda  Diego Garcia oo uu Ingiriisku maamulo. Bil Xaaji waxa uu ku dacwoonayaa in Strew uu ka masuul yahay ciqaabta arxan darrada ah iyo bah-dilaadda ay sirdoonka Thailand ee ay adeegsanayeen iyo sirdoonka CIA oo la shaqaynayey ay kula kaceen, aakhirkiina tii ugu darnayd uu kala kulmay sirdoonkii Libya ee loo soo gacan geliyey.

Tani waa mid ka mid ah dhaqannada ay sirdoonka reer galbeedku ku qafaashaan dadka aan waxba galabsan iyaga oo u samaynaya eedo argagaxiso, waxase fadeexaddan sii weyneeyey, in dano siyaasadeed iyo xidhiidho diblumaasiyadeed lagu iibsado nafo bani’aadam oo aan waxba galabsan, waxa aanay muujinaysa in sirdoonka reer galbeedu si dhow ula shaqaynayeen Qaddaafi oo xataa kuwa mucaaradka ku ah ay dibadaha dalka uga soo qaban jireen iyaga oo ku shaambadaynaya inay yihiin Al-Qaacida iyo wixii la mid ah.

Weli lama cayimin goorta Strew maxkamadda looga yeedhayo, laakiin kiiskan oo sii socdaa waxa uu xataa gaadhi karaa madaxda ugu sarraysay xukuumaddii xilligaa ka jirtay Ingiriiska ee uu hoggaaminayey Tony Blair