Xafiisyadii Wasaaradaha Ee Xukuumadda Oo Haawanaya Iyo Walaac Laga Qabo Dayacnaan Ka Dhalata Habaca Muuqda Oo Laga Faa’iidaysto Mudada Kala Guurka

0
871

Hargeysa(Geeska)-Iyadoo toddobaadkii u dambeeyay la dareemayay hoos u dhac ku yimid shaqadii dawladda, gaar ahaan xarumaha wasaaradaha iyo hay’adaha kale qaarkood, ayaa haddana wixii ka dambeeyay Sabtidii oo uu ololaha doorashadu bilaabmay, waxa la dareemayaa habac ku yimid shaqo maalmeedkii dawladnimo.

Kormeer uu shalay wargeyska Geeska Afrika ku soo sameeyay xarumaha wasaaradaha intii u dhaxaysay 8-930 subaxnimo, waxa aanu soo aragnay inta badan wasaaradaha oo haawanaya ka dib markii ay madaxda u saraysa wasaaraduhu ku mashquuleen ololaha doorashada madaxtooyada.

Mid ka mid shaqaalaha wasaarad aanu la kulanay oo ka cudur daartay in magaciisa la sheego ayaa sheegay in shaqaalihii wasaaradu maqnaadeen ka dib markii ay masuuliyiintii wasaaradu ku mashquuleen ololaha, “Waad aragtaa agaasime waaxeedyadii oo dhami ma joogaan markii ay wasiirkii iyo agaasimihii guudba ku mashquuleen ololaha doorashada. Wasiirkayagii wuxuu joogaa Burco, agaasimihii guudna mooyi, dee waa taas aad wasaaradda arkayso.” ayuu yidhi mid ka mid ah shaqaalaha wasaaraduhu.

Habacan hadda ku bilaabmay xarumaha wasaaradaha dawladda ayaa haddii uu sii socdo wuxuu curyaamin karaa shaqo maalmeedka dawladnimo, waxaana dhici kara dayacnaan ku timaada xafiisyada dawladda iyo weliba hantida dawladda, maadaama oo madaxdii hay’adahan u saraysay ay adagtahay inay ka soo xaadiraan.

Dadka dawlad wanaaga aqoonta u leh ayaa aaminsan in habacan dawladnimo ee hadda bilaabmay uu sii laba jibaarmi doono marka uu kala guurka rasmiga ahi dhaco ee la doorto madaxweyne cusub “Mudada kala guurka ee madaxweynaha cusub la sugayo dhaartiisa waxa dhici doona dabacii ugu xumaa, waxaana loo baahanyahay si aanay taasi inoogu dhicin oo aan dayacnaan qaranimo loo dareemin in hadda masuuliyiinta xukuumadda culays la saaro. Madaxweyne Siilaanyo waxa u wanaagsan inuu dawladnimada ilaaliyo mudadan u dambaysa muddo xileedkiisa oo uu la xisaabtamo golaha xukuumadiisa, waayo durba dayac ayaa bilaabmay.” sidaas waxa yidhi Aqoonyahan Mubaarak Xuseen Axmed oo aqoonta dawladnimo wanaaga bartay.

Si kastaba ha ahaate, dawladnimada Somaliland ayaan iska xejin karin fadhiid dawladnimo oo bil socda, waxaana haddii uu sii socdo madaxweyne Siilaanyo ku adkaan doonto inuu wareejiyo hanti qaran oo dhammaystiran, maadaama oo dayacnaantu sii siyaadayso.