GUUGUULE IYO MAANTA

0
1567

Horta KULMIYE mid ka dhagaysan mayno, haddii laga dhagaystana la rumaysan maayo, Waddanina hal laga dhagaysan maayo, haddii la dhagaystana la aamini maayo.  KULMIYE musuq ayaanu la dagaalamaynaa laga dhagaysan maayo, sababtoo ah 7 sannadood oo xataa guryihii ingiriiska la iibsaday ayaa ina soo maray oo weliba qoyskii madaxweynaha loo haysto. Waddanina mid laga dhagaysan maayo oo xukuumad tiro yar ayaanu dhisaynaa laga dhagaysan maayo, waayo xoghayayaashooda ayaaba imika ku dhow xukuumadda Siilaanyo.