Salaadiinta Oo Kulan Duco Ah Oo Ay Qabteen Kaga Hadlay Qaddiyadda Ganacsade Axmed Cismaan Geele Ee Djibouti Ka Taagan

0
1146

Hargeysa(Geeska)- Beelaha Arab ayaa Iskugu yimid kulan balaadhan oo ay  shalay ku qabsadeen deegaanka Habaas weyn oo ku beegan koonfurta magaalada Hargeysa isla markaana ka tirsan gobolka Hawd.

Shirkan oo ujeedadiisu daaranayd duco iyo dardaaran ay is farayeen beelaha Arab ayaa waxa ka soo qayb galay  qaybaha kala duwan ee ay  kooban tahay bulshada beelaha Arab.

Kulankan ayaa waxa warbixin  ka jeediyey afar ka mid ah  salaadiinta beelaha beelaha Arab kuwaas oo ka xog waramay ujeedada guud ee uu daaran yahay shirkani, waxaanay si gaar ah uga hadleen safar ku tageen magaalada Diridhaba oo ay kula soo kulmeen ugaaska guud ee beelaha Ciise.

Suldaanka guud ee beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ka hadlay shirkan ayaa ka waramay ujeedada safarka “Arinta mudan inaynu xusno waxa weeyaan ergadii aanu ku tagnay labada meelood ee kala duwan wixii aanu kala kulanay waa la tilmaamay ergadaa iyo wixii ay la soo noqotay, rajadeediina wali waanu wadnaa kamaanu quusan, waxaanan u mahad celinayaa Ugaaska beelaha Ciise oo sharaf mudan dedaal badana sameeyey walina ku jira, waxaan leeyahay ilaahay haw soo fududaydiyo, hawshaasna waxaynu rajaynaynaa inay si qalbi fiican inoogu dhamaato, wixii dhib ka dhacay iyo wixi arin ka soo baxayna ma doonayno inaanu halkan ka sheegno, waayo waxaynu iskugu nimid inaynu ilaahay ka barino oo uu albaabada khayrka inoo furo kuwa sharkana inaga xidho.”

Sidoo kale Suldaan Barre Xaaji Xuseen oo ka hadlay shirkan ayaa shaaca natiijo ay la soo noqdeen laba wefti oo ergo ahaan u tagay Diridhaba iyo Jabuuti, waxaanu yidhi “Suldaan Bare “Waxa inagu dhacay hawl, waxa inagu dhacay dhac, waxa inagu dhacday fool xumo oo gaar ku sii ah ilma Cismaan Geele, waxaanan dadka u sheegaynaa oo aanu ku guubaabinaynaa in doorashada ka bacdi inaanu ka hadli doonno oo aanu soo bandhigi doono wixii arinkaas nooga eeg, waxaana lala socdaa in wefti ka kooban Isaaq ay tageen Jabuuti anaguna aanu u tagnay Ugaaska, kolayna rajo dambe waanu ka sugaynaa laakiin labada wefti waxay la soo noqdeen hungo oo aan nala ergayn.”.

Suldaan Barre Xaaji Xuseen ayaa ku dardaarmay inaan si kale loo turjuman shirkan waxaanu yidhi “kolay beri qaarbaa odhan doona ducadaas aynu ilaahay dartii u dhignay ee aanay siyaasadi ku jirin maxay ugu hagaajiyeen wakhtigan, qaarbaa odhan doona maxay ugu hagaajiyeen doorashadan iyo rafaadkan dhacaya, waxaan leeyahay kuwa sidaas odhan doona waanu iska garanaynaaye doorashaduba waataanu ka alle baryeyno in sharkeeda iyo dulmiga ka dhacaya naga salaamad yeelo.”

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi oo isaguna ka hadlay shirkan ayaa si faah faahsan uga hadlay ujeedada guud ee uu shirku daaran yahay waxaanu yidhi “Shirkan fikirkiisa waxa lahaa Suldaan Cabdi Cali Shagax oo aanu jigjiga ku soo marnay kaas oo yidhi Reerku Inuu ducaysto ayaan idinka codsanayaa mar hadaad hawl ku jirtaan, shirkana muu ahayn siyaasad, shaki badan ayaana ka dhacay shirkan oo waxa la lahaa nimanku maxay qarsanayaan, waxaan leeyahay alle bari ayaanu qabsanaynay arinta Axmed Cismaan Geelle gaarka ku ahna waxaan leeyahay ilaahay haynoo fudaydiyo, ergadiina way maqan tahay oo kamaanu quusan, ugaaska beelaha Ciise-na aad ayaanu ugu mahad naqaynaa si qurux badan ayuu noo qaabilay, ergadiina wuu ku jiraa fariintiina way noo kala socotaa ilaahayna hanagu guuleeyo.”

Suldan Cabdilaahi Axmed Cilmi oo isaguna ka hadlay shirkan ayaa waxa uu yidhi “Shirkani waxa uu ahaa duco, ducadiina si fiican ayey inoogu dhacday, wixii hawl kale ah ee aynu ka tashanayno waxaynu qabsan doonaa marka ay doorashadu inaga dhacdo, qolada siyaarada naga aqbashay ee ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo Idiris Cumar waan u mahad naqayaa, ilaahayna ha barakeeyo dhamaan beel weynta arabna ilaahay ha barakeeyo.”