Madaxweynaha Somaliya Oo La Filayo Inuu Maanta Magacaabo Raysalwasarihiisa Cusub

0
665

 

Muqdisho(Geeska)-Madaxweynaha dalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu maanta magacaabo raysalwasaaraha cusub ee soo dhisi doona xukuumadiisa.

Madaxweynaha Somaliya, wakhtiga uu sharcigu u jideeyay inuu ku soo magacaabo Raysalwasaaraha waxa uga hadhsan saddex maalmood waxaanay ku eegtahay maalinta Salaasada ah, sidaas daraadeed waxa la filayaa inuu maanta magacaabo raysalwasaaraha cusub.

Si rasmi ah looma garanayo shakhsiga uu xilkaas u magacaabi doono, waxase jira rag badan oo ku jira tartan, waxaanay wararka qaar sheegayaan inuu aakhirkii xushay 14 nin oo uu ka sii dhex xulan doono raysalwasaaraha Somaliya ee soo dhisi doona xukuumadda cusub.