Xadhigga Lagu Dabeeyo Talefanku (Charger) Haddii Aanu Asal Ahayn Waxa Uu Keenaa Shoodh Iyo In Guryuhu Gubtaan

32
3986

Hargeysa (Geeska)- Daraasado kala duwan oo laga sameeyey khatarta ay yeelan karaan xadhkaha aan asalka ahayn ee lagu dabeeyo talefannada gacanta (Charger) oo isticmaalkoodu aad u badan yahay ayaa dhammaantood isku waafaqay in ay keeni karaan khataro koronto oo dhimasho iyo khasaare badan geysta.

Dhibaatada ugu badanina waxa ay ka timaaddaa xadhiga aan asalka ahayn tayadiisa oo liidataa in ay shoodh samayso ama gubato, iyo cillad kale oo ah in madaxa xadhiga aan asalka ahayni aanu awoodi karayn in uu korontada dheeraadka ah ee soo dhacda uu ka reebo xadhiga si aanay u gubin ama talefanka baytarigiisa u gaadhin oo aanay qarxin.

Degelka Internet ka ee Electrical Safety First oo uu leeyahay urur ka shaqeeya amniga korontada ayaa faafisay daraasad lagu sameeyey xadhkaha talefanka lagu dabeeyo (Charger) ee aan asalka ahayn, gaar ahaan kuwa loo isticmaalo talefannada iPhone ka, waxa aana soo baxday in boqolkii xadhig ee kasta 98 ka mid ahi aanay u samaysnayn si waafaqsan heerka badbaadada iyo nabadgelyada korontada ee loo sameeyo walxaha korontada ku shaqeeya ee dunidu isku waafaqsan tahay.

Tijaabooyin kala duwan oo xadhkahan lagu sameeyeyna waxaa ka soo baxday in ugu yaraan kala badh (Boqolkiiba Konton) xadhkaha aan asalka ahayni ay keenaan shoodh koronto, maadaama oo madaxa ku xidhani aanu lahayn awood ku filan in ay shoodhka reebto, isla markaana qalabka marka horeba laga sameeyo xadhkahan ay tayadoodu liidato qiimahooda oo jaban awgeed.

Waxa kale oo ay daraasaddani ka digtay in qaar ka mid ah walxaha laga sameeyo xadhkaha aan asalka ahayni ay dhaawac weyn gaadhsiin karaan talefanka casriga ah, waxa se’ ka sii khatar badan in aanay nidaamsanayn awoodda koronto ee xadhkahani sidaa awgeed ay guryaha iyo goobaha kale ee lagu isticmaalayo ku keeni karaan gubasho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here