Xaaska Wasiir-xigeenkii Amniga Ee Xidhan Oo Sheegtay Inay Dawladu U Diidantahay Sirdoon Ingiriis Ah Oo Doonaya Inay Cabdillaahi Abokor Xabsiga Kula Kulmaan

0
625

Picture5Hargeysa(Geeska)- Xaaskii wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga C/laahi Abokor Cismaan Marwo Sacdiya Maxamed Cali ayaa ka dayrisay xaaladda caafimaad eel aba ka mid ah caruurteeda oo ay sheegtay inay waxyeelo caafimaad u gaysatay sun ay sheegtay inay ciidamada Boolisku gurigooda ku soo tureen habeenkii ay la baxeen Odaygeeda.

Marwo Sacdiya waxay intaas ku dartay in labadan caruur ah oo mid da’diisu tahay saddex jir ka kalena uu jiro 8 bilood uu u sheegay dhakhtarkii ay u gaysay inay suntaasi ay u raacday hawo-mareenka isla markaana aan dalka waxba lagaga qaban-karin oo ay u baahan yihiin dhakhtar dibadeed taas oo ay xusstay inaanay wakhtigan suurta-gal u ahayn maadaama oo uu odaygeediina xidhan yahay iyaduna aanay haysanin cid ay kaga tagto caruurteeda kale.

Xaaska C/laahi Abokor waxay sidaasi ku sheegtay Waraysi ay maanta gurigeeda magaaladda Hargeysa  ku siisay Wariye Naasir Aadan Maxamed (Nawaa) oo ka tirsan bahda Wargeyska Haatuf ee ay xukuumadu xadhiga iyo xayiraada iskugu dartay, kaas oo ay Marwo Sacdiya Maxamed Cali kaga xog-warantay arrimo door ah.

S: Waxaad Ka warantaa xaaladda caafimaad ee Odaygaaga ee wakhtigan?

J: Xaaladiisa caafimaad way wanaagsan tahay, dhaawac soo gaadhayna ma jiro laakiin ninkii kale ee dhaawaca ahaa ee la xidhnaa oo wali xabadii ku jirto ayaa ku jira jeelka oo dhiig u baahan oo sida nagu maqaalo ah in dhiig lagu shubo loo diiday, isla markaana arrintaasi ayaa daboolka ka qaaday cadaawada iyo masuuliyad darada xukuumadda talada haysa. Waxa kale oo jira laba caruur ah oo aan dhalay oo mid saddex jir yahay iyo mid 8 bilood jiro oo ay Gas-Mass u raacday hawo mareenka markii aan dhakhtarka u geeyeyna wuxuu ii sheegay oo uu igula taliyey in dhakhtar dibadeed loo qaado,  kama tagi karo caruurta kale sababta oo ah Odaygiina wuu xidhan yahay.

S: Maxaad kala socotaa arrinta saraakiil ka mid ah Sirdoonka Ingiriiska oo maalmihii u danbeeyey warbaahintu qoraysay inay xabsiga ku booqon doonaan C/laahi Abokor?

J: Arrintaasi way jirtaa laakiin waxaanu ognahay inay dawladu diidan tahay inay la kulmaan C/laahi oo ay ugu taggaan xabsiga, waxaana nagu maqaalo ah inay xukuumadu u sheegtay qoladaasi Ingiriiska ah inuu ku jiro xabsiga Mandheera isagoo ku jira jeelka Hargeysa markaa adigu waa xukuumad fashilantay iyo caadadeed oo ceebo aan qarsoomaynin ayey daboolaysaa ee bal waynu eegi halka ay kala soo dhacdo.

S: Ugu danbeyn ma jiraa wax baaq ah oo aad u dirayso bulshadda Somaliland, Xukuumadda amabase beesha caalamka oo aad codsan lahayd?

J: Haa, waxaan jeclaan lahaa inaan fariin u diro bulshadda Somaliland ee wanaaga jecel iyo beesha  caalamka, kuwaas oo aan ugu baaqi lahaa inay ka dhiidhiyaan xumaanta iyo dulmiga xukuumadda Siilaanyo waddo, waxaanan kula talinayaa in diidaan oo aanay aqbalin waxkasta oo cadaalada ka fog. Anigu imika waxaanu ka mid nahay dadka dulmiga ku dhacay oo waxa caruurtaydii loo adeegsaday Sun ay Qaramadda Midoobay joojisay sanadkii 1991-kii oo ka mabnuuc ah in dadka loo adeegsado, markaa run ahaantii waxa dalka ka dhacayaa waa nasiib darooyin jira oo aan loo dulqaadan karin oo waxaaban odhankarnaa waxa dalka ka dhacaya wax ka daran wixii ka dhici jiray wakhtigii Siyaad Barre. Aniga aabahay waxa uu ka mid ahaa ragii la isku xidh-xidhay ee lagu laayey meesha la yidhaahdo Mako Durduro ee dhawaan lafahooda la soo faqay, markaa wixii aabahay u dhintay in maantana anigii iyo ubadkaygii lana dulmiyo waa nasiibdaro ee bulshadda Somaliland ee cadaaladad jecel waxaan leeyahay ha yeelina dulmiga xukuumadda Siilaanyo.